Dowladda Muzampique oo Ciidan u soo diraysa Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamanka dalkasi Mozambique haweynada lagu magacaabo Veronica Macamo ayaa saxaafadda u sheegatay shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada mabuto in ay qorsheynayaan sidii ay ciidamo ka socda dalka Musambiig oo qayb ka ah kuwa midowga Afrika loogu diri lahaa gudaha dalka Soomaaliya.
Miss  Veronica ayaa sheegtay in qorshahaan uu ka dambeeyey kadib kulankii Baarlamaanka qaaradda Afrika ay ku yeesheen magaalada Mirdand ee dalka Koofur Afrika inti u dhexeysay 12-20kii bishan april kaasi oo lagu go’aamiyey in ciidamo dheeraad ah oo Afrika ka socda loo diro gudaha dalka Soomaaliya.
“waa in aan ciidamo nabad ilaalineed u dirnaa dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha nabad ku soo dabaalidda ee lagu sugayo ammaanka dalka Soomaaliya” ayey hadalkeeda sii raacisay.
Miss  Veronica Macamo ayaa sidoo kale tilaamtay in qorshahaani ciidamada loogu dirayo gudha dalka Soomaaliya ay horgeyn doonaan madaxdda sare ee dalkasi , si ay u meel mariyaan.
Gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Musambiig Veronica Macamo ayaa xustay in loo baahan yahay in Dowladda Soomaaliya laga taagero dhanka tababar u fidinta ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo in la caawiyo kuwa AMISOM ee ka howl galaya dalka Soomaaliya.
allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment