Xulka qaranka dalkeena oo soo baxay iyo Kenya oo hartay

Xulaka qaranka ay da’dooda ka hooseyso todobo iyo toban jirka ayaa waxa ay reebeen dhigooda Kenya ciyaar galabta ku dhex martay labada xul garoonka Nkuru stadium ee magaalada Nkuru dalka Kenya iyadoo ciyaartana kusoo gabagaboowday waqtigii loogu tala gala barbaro (eber iyo eber) ah iyadoo ay ciyaartooydeena wacdaro ka muujiyeen gudaha garoonka cagaaran.

 
 Natiijada ay ciyaarta ku dhamaatay ee bar barada ah ayaa siineyso xulka dalka soomaaliya in uu ugudbo wareega kale ee isreeb reebka qaramada afrika ciyaartooyda da’doodo ka yartahay 17ka sano ee lagu qaban doono dalka Rwanda.
 
 Lugtii hore hore ee ciyaarta ayaa waxa ay ka dhacday dalka jibouti oo soomaaliya u matalay dalkoodo hooyo, ciyaar wanaag iyo taageera fiican oo ay heleen darteedna ku garaaceen xulka Kenya goolal fara badan(Somalia 3:1 Kenya)taas oo rajo fiican gelisay xulka sababna u noqotay in ay si cajiib ah u ciyaaraan una diidaan in shabaqooda ay wax gool ah taabtaan.
 
Xiriirka kubada cagta Kenya oo isku dayay in ay dhanka taageerada ka yareeyaan xulka soomaaliya ayaa waxa ay ciyaarta u wareejiyeen gobol kafog caasimada Nairobi, muran fara badan kadib ayaa qoranka dalka waa lagu qanciyay in ay kusoo ciyaaraan nkuru oo saacad iyo bar u jirto magaalada caasimada ah ee Nairobi, bale arinkaas ayaa xiriirka Kenya weji gabax ku noqday kadib markii ay ku guul dareysteen in ay wax gool ah dhaliyaan ciyaartoydooda oo heysatay kumanaan taageerayaal ah.
 
 Soomaaliya waxa ay u gudubta wareega 2aad ee is reereebka waxa aan leenahay guusha sii wada, kenyana waa ay hartay waxa aan leenahay sanadaha dambe iyo nasiib wacan.
allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS, SPORTS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s