Maxaa ka Taqaan Degmooyinka iyo Magaalooyinka iyo kheyraadka Degaanka Casayrland (warbixin iyo sawiro)

Deegaanka casayrland waa deegaan balaaran illahna uu ku minaystay khayraad fara badan   waa meel bad iyo biriba uu alle hodan ka dhigay  waxaanba is oran karaa waa halka u  wax soo saarka badan gayiga somalia.Gobalka casayrland ayaa ah gobol fac  wayn marka taariikhda dib loo eego oo la yiraahdoba waa halka ay soomaalidu ka soo unkameen , waxaan rabaa in aan halkaan ku soo bandhigo magaalooyinka uu ka kooban yahay gobolku oo aan u kala qaadaayo marka hore dagmooyin iyo tuulooyin magaalo xeebeed iyo maagalo baadiye  magaalooyinka dhulbeereedka ah  magaalooyinka uu ka baxo geedka loo yaqaano maydiga oo ah mid u gaara deegaanada casayrland gayiga somalia  waxay kala yihiin magaalooyinka deegaanada casayrland :

Magaalooyinka ku teedsan xeebta dheer ee deegaanada casayrland:

1: Caluula               Magaalo madaxda gobolka casayrland
2: Baargaal             Dagmo
3: Dhuurbo             Tuulo
4: Murcanyo          Dagmo
5: Garsa                    Tuulo
6: Geesaley             Tuulo
7: Xaabo                  Tuulo
8: Afkala haye       Tuulo
9: Boolimoog        Tuulo
10: Booco               Tuulo
11: Wareegsame   Tuulo
12: Bareeda           Dagmo
13: Olog                  Tuulo
14: Daamo             Tuulo
15: Tooxin            Tuulo
17: Fagoola          Tuulo
18: Bina                 Tuulo
19: Gumbax         Dagmo
20: Xandha         Tuulo
21: Cadayo          Tuulo

Xarunta Madaxtooyada deegaanada Casayrland

Magaalooyinka dhaca dhanka baadiyaha ah ama ka durugsan xeebta :

22:  Muudiye          Dagmo

23:  Tageer            Dagmo

24:  Washinton      Tuulo

25:  Qoraxaad       Tuulo

26:   Moqoro         Tuulo

27: Coomaayo      Tuulo

28:  Moqor             Tuulo

29:  Gumaayo        Tuulo

30:  Duuba             Tuulo

31:  Xeela              Tuulo

32   Xaarshe          Tuulo

33: Abdeexaan       Tuulo

34: Xoogaad          Tuulo

35: Barxa               Tuulo

36: Buuro xamur     Tuulo

37: Saynwayn        Tuulo

38: Sayn yar          Tuulo

39: Ceelaas           Tuulo

40: Dabahandabo   Tuulo

41: Ceelquud          Tuulo

42: Dhuxun             Tuulo

43: Kalaale             Tuulo

44: Kaware             Tuulo

45: Talamoge          Tuulo

46: Yicis                  Tuulo

47: Faranfar            Tuulo

48: Hursale             Tuulo

49: Ximistiyo           Tuulo

50: Xudya               Tuulo

51: Galgala             Tuulo

Sawirkan waxaa ku arkaysaa qudaarta ka soo baxada degaanka casayrland.

Durdurka Magaalo beereedYada Saynwayn & saynyar

Maydi

Beeye

Deegaanada casayrland ayaa ah deegaano aan halkaan lagu soo koobi kari khayraadkooda waxaan rabaa in aan xuso oo aan soo qaato magaalooyinka sida aadka ah ay uga baxaan beeruhu

Geesalay

Saynwayn

Saynyar

Coomaayo

Xeela

Xaarshe

Garsa

Magaalooyinkaanu waa magaalooyinka ay sida aadka ah uga baxaan beeraha kala gadisan oo ay u badan yihiin beeraha timirta iyo dhamaan khudaarta kale ee la beerto magaalooyinka saynwayn iyo sayn yar ayaa iyagu ah magaalooyin uu dhex maro durdur biyo ah oo aan joogsanin waana magaalooyinka ugu horeeya deegaanka casayrland xaga beeraha .

Magaalooyinkaan iyo dhamaan magaalooyinka dhaca dhanka baadiyaha ee ku teedsan dhamaantood  silsilada buuraha loo yaqaano calbari ayaa ah kuwo uu dhamaantood ka baxo geedka maydiga iyo kan beeyada.

Dhanka kale deegaanada casayrland  mara labada baddood ee kala ah redsea & indian ocean dhamaan magaalooyinkaan kor ku soo xusay ee aan iri waa magaalooyinka ku teedsan xeebta ayaa ah kuwo aad looga shaqeeyo dhanka badda  waxaa jirta in ay ka jiri jireen deegaanada casayrland warshado habeeya khayraadka bada siiba kaluunka oo uu ka aasaasay gumaystihii talyaanigu  ka dibna markii somalia uu qabsaday kacaanki barakaysnaa uu hawl galiyay warshadahaas  tayadoodi wax soo saarna kor u qaaday waxaayna ku kala oolaayeen Magaalooyinka kala ah

Xaabo

Boolomoog

Waxaa jirta warshad cusub oo ay hada ka hirgaliyeen ganacsatada deegaanka casayrland  magaalada xaabo warshadaan cusub ayaa la filayaa in ay dhowaan hawl gasho sawiro ka mida qalabka warshada .

Runtii khayraadka iyo bilicda deeganada casayrland ayan ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo ama qoraal lagaga bogan karo haddi aan isku dayo in aan taariikhda dib u jaleeco magaalada caanka ah ee bareeda waa  halka uu ku noolaan jiray awoowgeen Daarood Ismaaciil  waxaana ku yaala godka la yiraahdo godbaruura oo ah halkii u daganaa oo dhanka bari ka xiga magalada bareeda  deegaanada casayrland waa deegaano aad u taariikh dheer waxaa kaleeto oo jirta in ay mar ahayd magaalada caluula halka uu gumaystihii talyaaniga ee haystay italiansomaliland  uu ka xakumaayay qunsulkiisi ugu horeeyana uu yimi magaalada caluula xaruntaan madaxtooyada u ah deegaanada casayrland ayaa ah mid uu dhisay gumaystihii talyaaniga ayna ahayd guriga uu ka taliyo qunsulikii xiligaas  joogay

magaalooyinka Wareegsame ,Daamo , Olog ayaa iyagu ah kuwo dhawr boqol oo sano ka hor ahaa Xarumaha ilbaxnimada geeska africa oo ay isku xiri jireen Asia iyo africa ahaayeen xarumaha lagu kala badasho badeecada.

Magaalada baargaal ayaa ah magaalo taariikh dheer waxaana ka xusi karaa waa halkii xurunta u aheed boqortiiyadii majeerteeniya.

Waxaan kaleeto oo aan ku xusi karaa dadka ku dhaqan deegaanada casayrland ayaa ah dad samaanta iyo nabada aad uga shaqeeya waa dhul aysan ka jirin wax hayb sooc ah  waana dhul nabadeed  .

Haddi aan isku dayo in aan wax ka xuso khayraadka dabiiciga ah ee alle ku minaystay deegaanka sida Khayraadka bada oo nooc walba leh ,macdan , luul , cambar, geedka loo yaqaano xijiga , khudarta noocyadeeda kala duwan , timir  waxaa ku soo gabagabaynayaa qormadaydaan aan kaga sheekaynaayay deegaanada casayrland gabay uu ku faalaynaayay deeganada casayrland Abwaan Idiris Saalx Barri  :

Afartaas sidii roob onkoday ululuftiisii dheh

Uugaamo soo muuqatiyo uuro iyo qiiq dheh

Afar kale allaa maaligee aniyo xeeshay dheh


Eegiyo ayaantii dagmadan baxay iftiinkeedu

Umad wada jirtiyo waxa dagnaa duul is aaminaye

Akhlaaq xumada boob kiyo dhacuna kama abuurayne

Waa meel islamnimada guud lagu ilaahsaaye

Waa meel is qaadqaadka iyo kibir la aasaaye

Waa meel an axad loola tagin ab iyo laan sheege

Waa meel agoontiyo miskiin loo asxaan falo e

Waa meel la intitaabiyaa kii itaal darane

Waa meel intii ehel ah iyo xidid la eegaayee

Waa meel bad lagu aaminiyo buur udgoon badane

Waa meel anwaacdii kaluun la akalaayaaye

Waa meel nin iyo aaladii lagu adeegtaaye

Waa meel iliilaha biyuhu oogo marayaane

Waa meel dhir ubax saaran yahay doog ku aragtaaye

Waa meel ugaartii indhuhu ku istareexaane

Waa meel astaan looga dhigay iibka maydiga e

Waa meel irmaan geella iyo ari la maalaaye

Waa meel anfaco saad rabtoba uga helaysaaye

Waa meel awow iyo awow laga asaasnaaye

Waa meel la wada ooli jiray isiradeeniiye

Waa meel abtiris loogu iman dir iyo daaroode

Aqal lagu nastaa weeye iyo meel amaan badane

Waa meel uluuf iyo uluuf laga irsaaqaaye

Waa meel ayaan badan hadaan lays inkirihayne

diyaariye: Idiris Makiinad Dooxajoog

allcasayr.com

10 Comments

Filed under MAQAALO

10 responses to “Maxaa ka Taqaan Degmooyinka iyo Magaalooyinka iyo kheyraadka Degaanka Casayrland (warbixin iyo sawiro)

  1. dhamaan inta ka dhiibatay fikirkooda maqaalkan
    waad salaamantihiin ,wali ma dhamaystirna khayraadka noocwaliba leh ee uu leeyahay deegaanka suwaaqronka bad iyo biri ,waxaase loobaahanyahay dhalin u istaagta dalkooda oo si aan
    laalaablaheen wax ugu qabata kana qabsata dhulkaa quruxda iyo udgoonka leh oo uu ilaah ugu eexday oo ay mulkiga u leeyihiin oo warxuma tashiilka iyo burcadka iyo inta xaaraan ku naax ay ka xunyihiin
    waa in aad u soo jeensataan hor umarinta dhulkiina iyo dadkiina tusisaana xaaraan ku naaxayaasha in ay wax ka buli karin ilaa yowmil qiyaama hadii aad idinka aad fikirkiina muriqiina iyo maalkiina galisaan dhulkiina oo aad ka hor istaagtaan daalimiinta iyo inta taageerta.
    waxaan soo dhaway nayaa inta qaadata fikirka lagamamaarmaanka ah ee danaynaysa horumarka dadka iyo dalka suwaaqroon ee barulcajim.
    mahadsanidin.
    suwaaqron asali

  2. nin kaan hurin dhalaankiisa ma haboona

  3. masha alaaah masha alaah meeshaan ma meesha ey siwaaqroon dagaan baa ilahoow xifdi

  4. waxaan deganahay magaalada Minneapolis waxaa rabaa in aan membar ka mid noqdo. waxaan dhawaan diyaarinaynaa dhalinyarada degan agaaladan oo wiilal iyo gabdhoba diyaar bayna u yihiin dhisida magaalooyinka casayrland . cali ahaan waxaan ku dhashay bareeda waxaan walaalo nahay sudaan cumar jaamac. tell 612-423- 8106 sidaas iyo nabad geliyo.

  5. I’m willing to help and contribute as much as I can, if I know where to sent an who to send. Siwaagroon is huge tribe,but they have a big problem which is no leader.

  6. I believe my tripe can do more than any other tribe if they come together,and stop being lazy.

  7. is this where we live as siwaagroon tripe

  8. what I seeing on the computer is something make s me feel brought,and I hope to see more in the future.

  9. ahmed suni

    salaama alykum aad baan ula dhacay maqaalkaan sida loo soo agaasimay dhulkana dhawaan baan tagay waxaa uu tilamaammaayo waa soo arakay mar mar baan hada anigoo ka maqan ku riyooodaa waxayna ka go’i la’dahay qalbigayaga …sheeko iyo shaahid ma sina!!!
    Ninkii talo iga raba waxaan oran lahaa ku faker inaad ku noolaato dhulkaa haddii kale ku mar bal ku soo qaado noloshaada qayb akmida.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s