Puntland iyo Isimadda soo jireenka ah!W/Q Geedka Dhamasa Hoostiisa

waxaan ku bilaabayaa Eebe wayne magacii, naxariis iyo nabadgalyo ( Nabi Mohamed WSC ) korkiisa ha ahaaato intaas kadib.

sida aan lawada socono deegaanada waqooyi bari ee hada loo yaqan Puntland, waxaa daga shacab somaliyeed kana soo jeeda Beesha Daarood gaar ahaan Harti .
Dawladii kacaanka am dawladii dhexe ee somaliya markay burburtay, dagaalo so keeyena ay dheceen waxaa laysugu yimid deegaanada waqooyi bari, halkaas oo ay odayaashii dhaqanka ee kasoo jeeday deegaanadaas ay qadeen talaabo aad loogu diirsaday oo waliba soomaali oodhan wada anfacday, talaabadaa oo ahayd in nabada xooga lasaaro dadkii isuguyimina wada noolaansho laga dhex abuuro, taas oo ahayd talaabadii ugu muhiim sanayd, Fadliga Allaaah na ku timi iyo Dadaalkii ay odayaasha dhaqanka u xusul duubteen ,guushuna ayku raacday Taariikhda iyo bulshada caalamkuna ay ku amaanan arinkaas,hadaba waxa iswaydiin mudan.
Aaway dad kii himilada lahaa!
Aaway dad kii walaalaha ahaa!
Aaway dad kii dangarad ka ahaa!
Aaway dad kii difaaci lahaa buuhoodle!
Aaway dad kii isku dumi jiray dalka iyo dadka!
Dadkaa lawaa Doolar qaataa badalay
Danayste dhurwaayoobay baa badalay
Dimuqraadiyad Ethopia laga keenay baa badalay
Dadkii iyo dalkii kuwo dhuuni doorsadaa badalay
Hohay Hohay Ma Garaad Jaamac ayaa isimadii harti ka haray iyo Geesiga dalkiisa guusha u horseeday Dr-Saleeban.
waxaan aaad ula yaabay nimankii sheganaayay inay yihiin Isimada soo jireenka ah, kuwaasi kama ay hadlin arinta Harti laakiin waxay isugu biyo shubteen inay xayndaabka hayaan Dawlada Faroole.
halka isimadii ay lahaayeen maaha soo jireen ayka hadlaayaan arinta Buuhoodle iyo Danta guud ee deegaanada Puntland.
Isimadii soo jireenka ahaa iyo Dhamaan isimada oo dhan waxaa looga fadhiyaa inay iclaamiyaan shirwayne Guud oo ay isugu yimaadaan dhamaan, oo ay xasaanada kala noqdaan Dawlada uu hogaamiyo hada Faroole waayo wayku fashilantay inay difaacaan dadka iyo dalkaba.
waana inay dhacdaa wax qaybsi dhaba, waana in loo doortaa sida Geesiga Dalka guusha Uhorseeday Dr-Saleeban oo kale, dadka iyo dalka dad wax u qabanaya looma baahna in ladoorto sida kuwa hada Dawlada xakuma oo aan awoodin inay dalka iyo dadka difaacaan.
Guntii iyo gaba gabadii waxaan kusoo gaba gabaynayaa waa nasiib daro aad uwayn, in Buuhoodle maanta la difaci waayo xataa gurmad dhaqaale loo fidin waayo, waana nasiib daro in nimankii aabe yaashood dhiseen Dawlada Puntland ay xayndaabka u hayaan Dawlada Faroole oo aan awoodin Doolar qaadasho maahaane, dadkii dalka wax u qaban lahaana ayka qaadeen xilkii si loogu badalo dad doolarka qaadi yaqaan.
su’aalaha ku jira qoraalkan waxaan u daynayaa Isimada Puntland,halka su’aalihii hore aan udayn jiray shacabka si ay wax ugu sheegan dadka.

Fikradan waxay khaas u tahay qoraaga

mahadsanidiin
qormadii
Geedka Dhamasa Hoostiisa
Jaabir Xuseen Gacayte
Cityhida@hotmail.com

Leave a comment

Filed under MAQAALO

Leave a comment