Garowe: Midowga Yurub oo 5- Mashruuc oo ku aadan Sare uqaadida Waxbarashada Puntland ka fulinaya Puntland…Kulan ka dhacay Wasaaradda Waxbarashada…

Dawladda Puntland ee Soomaaliya & Midowga Yurub ayaa maanta si rasmi ah uyeeshay wada xaajoodyo ku saabsan hirgalinta mashaariic Waxbarasho oo laga hirgaliyo deegaanada Puntland ee Soomaaliya, waxa ayna Mashaariicdan noqon doonaan ku aadan horumarinta Waxbarashada ee deegaanada Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa hadal uu ka jeediyey Madashan wuxuu amaan balaaran usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland, wuxuuna cadeeyey in ay wax badan ka qabatay adeegyada Waxbarashada Puntlamd, isagoo ugu baaqay Deeq bixiyaasha Aduunka in ay taageeraan dawladda Puntland oo doonaysa waxqabad balaaran in ay ka hirgaliso gudaha deegaanada Puntland.

Mashaariicdan ayaa ku wajahan adeegyada Waxbarashada ee Puntland, waxa ayna sheegeen in ay sida ugu dhaqsaha badan uga hirgalayaan Puntland mashaariicdan, sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Dr, Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlayay kulankan ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in ay kor uqaadaan horumarinta Waxbarashada Puntland, isagoo sheegay in ay Madaxda Wasaaraddiisu ku howlan yihiin wax kasta oo horumar usiyaadin kara howlaha Waxbarasho ee Puntland.

“ Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay tahay yoolkeeda sidii ay wax badan uga qaban lahayd xaaladaha Waxbarashada ee Puntland, maadaama Waxbarashadu ay ka mid tahay ilaha ugu muhiimsan ee ladoonayo in horumar weyn la gaarsiiyo” Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada ee Puntland.

EC oo ah Hay’ada Mashruucan ka fulinaysa Puntland ee ka tirsan Midowga Yurub ayaa taageero balaaran sidoo kale siin doonta sidii sare loogu qaadi lahaa Waxbarashada Puntland, ayadoo qaar ka mid ah madaxdeedu ay sheegeen in ay doonayaan in ay wax badan oo horumar ah ka hirgaliyaan Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada ee dawladda Puntland ayaa wada shaqeyn wanaagsan la leh Hay’adaha ka shaqeeya Arrimaha Waxbarashada ee Aduunka, waxa ayna ka mid noqotay wasaaraddaha horumarka wanaagsan sameeyey 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, sida ay qirayaan Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo uu dhawaan hortagay Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Dr, Cabdi Faarax Juxa oo kala hadlay arrimaha Waxbarashada ee Puntland iyo waxqabadkiisii.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment