Kooxda Xisbul Islaam oo maanta dib u furay Garoonka Diyaaradaha Cisaleey iyo Dekedii Ceel Macaan.

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Kooxda Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ayaa maanta si rasmi dib u furay Garoonka macmal ee diyaaradaha Cisaleey iyo Dekedii Ceel Macaan oo ku taal Duleedka Muqdisho.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin ayaa sheegay in ay dib u fureen Garoonka Diyaaradaha Cisaleey iyo Dekeda Ceel Macaan, waxaana uu sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay uu howl geli doono.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay alaabahooda ku soo dajistaan Dekeda Ceel macaan, isla markaana diyaaradahooda ku soo dagaan Garoonka Cisaleey.

“Waxaan ugu baaqeynaa ganacsatada in ay u furan yihiin Garoonka Cisaleey iyo Dekeda Ceel Macaan, mana lagu dhibayo, waxaan balan qaadeynaa inaan sugno Ammaanka”ayuu yiri Sheekh Maxamed Macalin.

Waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyed ay dhibaato ku qabaan garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekeda Muqdisho, waxaana uu cadeeyay in meelahaas lagu miirto dhiiga shacabka laguna dhaco hantida shacabka.

Dib u furista ay ku dhawaaqeen Xisbul Islaam Garoonka Cisaleey iyo Dekeda Ceel Macaan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay xafiiltanka kla dhaxeeya iyaga iyo AlShabaab kadib markii dhowaan ay ku dagaalameen magaalada Dekeda leh ee Kismaayo, taasoo ay si rasmi ula wareegeen.

Lama oga go’aanka ka soo bixi doono Dowladda KMG oo ku aadan dib u furista lagu sameeyay Garoonka Cisaleey iyo Ceel Macaan oo ahaa meelo ay gacanta ku hayeen Hogaamiye Kooxeedyadii hore, xilligaasoo ay shaqeynayeen, intii ay xirnaayeen Dekeda Caalamiga Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment