Dadka Deegaanka Xaafuun oo isku xilqaamay sameynta Waddo

Dadka Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa  waxa ay si xilkasnimo ku jirto isku xilqaameen sameyn wado dhererkeedu yahay 54km , iyadoo dadka degmada dhibaato aad u xoogan ay ku qabeen wadada oo afar illaa shan maalmood loo soconayay gaaris deegaanka Xaafuun.

Guddoomiyaha Degmada Xaafuun Maxamed Yuusuf Garow (Booliwade) iyo dadka deegaanka oo aan u kala harin isimo iyo nabaddoono ayaa waxaa dadaal baaxad leh u galeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen dhibaatada wado xumidda waxayna illaa iyo iminka xaqiijiyeen hagaajinta wado dhererkeedu yahay 10km .

Ma jiraan wax gacan ah oo ay dadka deegaanka  Xaafuun ka haleen dhinaca dowladda Puntland  iyadoo ay jiraan gacan ay weydiisteen hay`adda WFP oo aan weli isna soo gaarin waxaana si iskaa wax u qabso ah dadka xaafuun ugu dadaalayaan sidii ay uga miradhallin lahaayeen  hadafkooda ah helidda wado wanaagsan kana dhow waqtigii ay ku qaadan jirtay tegidda degmada xaafuun markii hore .

Dhinaca kale qaar ka mid ah Nabaddoonada Degmada oo ay ka mid yahiin Nabaddoon Cali Maxamed Sharmaarke iyo Nabdoon Cabdi Axmed Maxamuud (Islaweyn) oo u waramayay website-kan ayaa u sheegay in dad ka soo jeeda gobolka iyo dadka danaynaya horumarka iyo samafalka inay  gacan ka siiyaan  howsha ay u sarakaceen dad degmada Xaafuun .

Si kastaba ha ahaatee waa talaabo lagu farxi karo islamarkaasna ku dayasho mudan dadaalka ay dadka Degmada Xaafuun ay ku samaynayaan wado dhererkeedu yahay 54km iyadoo hore ay wadadaasi u xireen bacaad  baaxad weyn.






Allcasayr.com

8 responses to “Dadka Deegaanka Xaafuun oo isku xilqaamay sameynta Waddo

  1. mumin ahmed

    Arrinta waa arrin bogaadin leh oo aad u wanaagsan , waxana fiican oo toosan in la sii wado

  2. Hakaba

    Runtii aniga ma aan arag meshaa lakiin aad iyo aad baa15n ugu faraxsanahay sida weyn ee isu xilqameen dhamaan wax garadka ka soo jeede degankaa. Waxaana aan filayaa hadii dhamaan somalida isu yimaadaan ay wax weyn qaban karaan masha’alaah Alle ha idinka ajarsiiyo dariiqa aad baneyseen waayo dad farabadan ayaa isticimalidonaa waxana filayaa in aad kaalin dahab ah aad ku gasheed taariiqda somaliya.

  3. anigu ma ahi rer xaafuun laakiin waxaan aad ugu faraxsanahay sida qiimaha leh oo ay isku saacidaan umadda somaaliyedna sidaan ayaan ka codsanayaa iney isku saacidaan waliba kuwa reer koonfurta ah oo anigu shaqsiyan ka soo jjeeedo………..guul reer xafuun
    .reer xaafuun dadaaliyo
    iney xil is saaraan
    ayey maanta xilqaateen
    xakimow garab galoo
    xagasha guusha sii
    xooggoodey isku anfaceeene
    xaasidna ka ilaali
    ……………………

  4. mansha allah allcasayr waa web an ubogay designkisa nice websit

  5. Mohamed Hassan

    Waa cajaab Qurux badanaa Wadanku

  6. Hussein fiqi

    waa talaabo aad u wacan, waa hor umar iyo guul wadareed, waa tusaale wanaagsan oo bulshadda reer xafuun looga dayan karro. waxaan ku talin lahaa in aan iskeen wax u qabsano lana wado inta lagga guul gaarayo. Hambalyo reer Xafuun, allah haydinku garab gallo

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s