Taariikhda & Bilicda Degaanka Casayr
Degaanka Casayr waxaa loo yaqaan inta u dhexeysa(Bad iyo Biri) Xaafuun Iyo Qandala
Waa bad waxaa ku xiga dhul banana oo gaaraya isku celcelis 2km ilaa 3km, dhan “>waxaaku xiga “>buuro isku xiran oo is heysta inta degaanku yahay oo dhan waxaa ku xiga dhul kore oo banaan. Qayb kasta waxaa ku jira khayraad fara badan-, Kalluun, Luul, camber- Dhul beereed waxaa ka baxa khudaar oo dhan iyo timir- waxaa ku jira ilo biyood oo aan go’in, macdan iyo xiji- waa dhul daaqsin ah xoolaha ayaa ku nool.
Waa dhulbaaxad weyn, bilicsan, oo ilaaheyna kheyraad ku mineystay. Waa degaan taariikh fac weyn leh. Waa dhulka la magac baxay dhulki udgoonka(Puntland).
Dhowr boqol oo sano ka hor wuxuu ahaa xarunta ilbaxnimadi Bariga Afrika oo loo yiqiin Ilbaxnimadi Mozambique ( Mozambique Civilization). Waxaa xaruntu ahayd inta u dhexeysa OLOG ilaa WAREEGSAME. Xaruntaasi waxay isku xiri jiortay Asia iyo Africa, waxaa laga dhoofin jiray Maroodiga,shabeelka Libaaxa, masaska, iyo ugaar oo dhan, waxaa intaa dheraa xoolaha la cuno iyo LUUBAANTA( Beeyo iyo Meydi). Waxaa xaruntaa lagu sameyn jiray hubka sida, Warmaha, Heetada, Godmaha, Faaska, Leebka, gaashaamada midiyaha yar yar iyo waaweyn iyo alaabo badan oo birta la shubay laga sameeyey. Si arintaa xaqiiqadeeda dunida loo tuso, waxaan codsi u dirney “National geographic channel iyo Discovery Channel” in ay baaritaan ku sameeyaan.
Waxaa intaa dheer in ay jirto “Tunnal isku xira OLOG iyo Jasiirada SuQADARA” oo bada hoosteeda mara, waxaana laga helay sheekooyinka dadka degaanka iyo suugaanta degaankaa.
Magaalada Tooxin meel agteeda ah waa meesha ay ku kulmaan labada badood”Indian Ocean iyo Red sea” labadaa badood is taaban maayaan mid walba hoos ayey u degeysaa, waxaa dexdooda ah Barsakh,
Bal akhri aayada quraank ee ah” MARAJAL BAXREYNI YALTAQIYAANI BEYNAHUMAA BARSAKHUN LAA YABQIYAANI”.
Isla meeshaa meel u dhow waxaa ku yaal bada dhexdeeda IL biyo macaan oo aad ka cabi karto.
Waxaa intaa dheer waa dhulki uu ka soo degay Daarood.
Meeshi ugu horeysay waa BOOCO- ceel ayey ka qoteen isaga iyo walaalihiis, dhoor habeen ayey ku dhaxeen, waxaa calaamadsan oo dadku u daawasha tagaan ceelka, meesha ay ardaaga ay seexdeen ka dhisteen, iyo meesha ay doonida ka soo caarsiiyeen. Marki walaalihii ka tageen isaga oo xaabo ku maqan
Wuxuu uu “>tegayGODBARUUREY halkaas oo uu uu “>mudo ku noolaa, waa god daawasho mudan. Waxaa ka daran ceelka CEEL KALOOD, dhagaxi uu ka qaadey wali meeshi ayuu yaalaa ee soo arag, ha hilmaamin labadi geed ee jaceylka ku baxay “DAAROOD iyo DOOMBIRO” wali meeshi ayey ku yaalaan ee soo arag.
Haddii aad u tagto degaankaa daawasho iyo aqoon kororsi ha hilmaamin in aad u fiirsato,
“Geedka maydiga ah wuxmeesha “>uuyahay, meesha uu ka baxo, caleentiisa, meesha uu biyaha ka helo, qoloftiisu sida ay tahay, xidid ma leeyahay, dhacaan kiisu waa see, hana hilmaamin in aad dadka weydiiso mucjisooyinka uu leeyahay.
Marka aad akhrido maqaalka falan gaarsii saaxibadaa.
Waxaa iga talo ah inta aad nooshahay soo eeg degaankaa wax weyn ayaa kaaga kordhaaya.
Halkan ka daawo Bilicda Degaankaas Intaan ka heeno…
anigoo ah muwaadin soomaliyeed waxaan saayid ugu farax sanahy inay ka go do pntlnd maamulkaan cusub oo lagu magac aabo raascasayr marka laabaad waa run hadalka uu madax weynaha ka dhawaa jiyey
waxaan halkaan kasalaamayaa walaalaha muslimiinta oo dhan meel walibo oo ay aduunka kajoogaa khaasatan waxaan salaamayaa reer UDUBLAND meel kastoo oo ay aduunka kajoogaan waxaan idiin leeyahay reer UDUBLAND WAXAAD tahaan dad soo jireen ah oo layiqaanno taariikhda ay leeyihiin soo guda heeda laakiin matihiin ogaada dad soomaaliya guda heeda godob kagalay laakiin waxaad taa dhiikh ku yeelateen cadowgii soo jireenka ahaa ee soo soo gumeestay maraka ogaada soomaaliya guda heeda waxaad katahaan dad la laciifsado waxaa is weydiin mudan maxaa keenay in nala laciifsado maa daamaa aan nahay dad taariikh ku leh soomaaliya iyo aduunkabo aniga waxay ila tahay waxaanu nahay dad diinta islaamka kudhaqmo sifiican ma eheeynin reer UDUBLAND dadsoomaaliya guda heeda kageystay dil iyo dhac xoolo dadoow iyo boob waya ahaayeen dad allaah kabaqa hadda iyo jeerba al xamdu lilaah allaah ayaa naga bad baadiyey in aan godob aan ka galno dad islaam ah reer UDUBLAND waxaan idiin dhihi lahaa war ilaah aan kabaqno meel walibo oo aan joogno alle cabsigiisa ayaa lagu gaaraa wax walibo oo aad rabtid aduun iyo aakhiro
dhamaan waa salaamtihiin,kadib. waxaan aad ugu farax sanahay shir waynhii kadhacay baargaal ,kaa soo ah mid goola waa wayn ku soo dhamaaday waxaan mahad balaaran jaaliyada debada oo kaqadatay gacan sare ……………………………….. mahadsandiin
you gays reer bari must build your toratore,and act like a reer mudug, to be very smart. I love but you are acting like a chiken.you have everything that any other people dont have and still you are not moving ford word.I am asking you come togather and build you land.
this is the begining of the suwaq unity: soon casayrland will be built, jobs will be created and most importanly our people will have freedom from the canaaseer and live in happy live. But unity is the way to reach that aspration.
ascwrwb dhamaan inta akhrisata webkaan salaan ka dib mahad oo dhami illah ayay u sugnaatay waxaa u mahad celinayaa dadka isku hawlay oo wakhtigooda siiyay sida ay uga sheekayn lahaayeen tariikhda dhulka uduga waaana arin wanaagsan in la xuso dhulka hooyo lana barto tariikhda u leeyahay iyo khayraadka dabiicigaa ee alle ku minaystay waxaan idinka codsanayaa in xog daban laga soo qoro iyo sawiro badan
wabillahi towfiiq
idiris makiinad dooxajog
våsretös sweden
Reply
Leave a Reply
Click here to cancel reply.
Name (required)
E-mail (required)
Website
Notify me of follow-up comments via email.
Send me site updates
ku soo dir fariintaada allcasayr@live.com
Beeldajaha Cal-bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaaje yaasiin Wasiirka Beeraha iyo Biyaha Dawlada Puntland Mudane Xasan Cabdi Maxamed Gud. Dhalinyarada Casayrland..Mr saleebaan Dugsiga Hoose&Dhexe Ee Baargaal Dugsiga Hoose&dhexe Ee Taageer
Beeldaaje Yaasin Cali Xasan
COMMUNITIES
————————————— DADKA DEGAANKA XAFUUN OO ISU XILQAMAY INAY WADO SAMEESTAAN 54KM (HALKAAN KADAAWO)
—————————————- —————————————-
11 Anniversary of Puntland Gov held in india
—————————————-
Puntland PIctures
asalamu calaykum salaan ka dib walaal yaa olog iyo daamo deegaan u lahaa ma ahan qabiil waareer bari mase sheegi kartaa odayaal laga yaqaan deegaaan kaas
Asalaamu Calaykum Waraxmatulah Wabarakaatu. Marka hore waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan arko websaykan codka u ah deegaanka Casayr iyo dadka kunool. Marka xigta waxa aan amaan gaar ah ujeedinayaa qofka amaba dadka abaabulay maamulana webkan. Run ahaantii waxbadan oo kusaabsan dhulkayga ayaan kabartay akhriska webkan. marka waxaan u soo jeedinlahaa maamulayaasha webka
1- inaad kashaqaysaan sidii aad usugu xiri lahaydeen umada deegaanka kasoo jeeda
2- inaad kubaraarujisaan dhalinyarada, waxgaradka, cuqaaasha, aqoonyahanada kasoo jeeda deegaan inay dhexda uxirtaan sidii ay u horumarinlahaayeen degaankooda uu ilaahay khayraadka bada iyo barigaba ku manaysay
3- aadna kahorimaataan wixii burbur ku keeni kara iskuduubnida iyo horumaraka umada degaanka.
wabilaahi toowiiq.
Abdullahi S. Omar
taariikh da bangax na maa laga sheekeeyo
walalleyaal maa la joojiyo beenta? Maxaa waayay sawirkaas? Cid aan ka yeelayo malahan dhirtaas iyo dowgaas ayaa laga helayaa Bari.
Cheyyene, Adeer Cumar Samatar waa Halyey Soomaaliyee kana Dhashay Beelwaynta Siwaaqroon Taa ogoow Waana Aabihii Nabadda Geeska Afrika.
Insha allaah mar dhow sifiican baad oga bogan doontaa Taariikhdiisa.
Cheyyene, Adeer Cumar Samatar waa Halyey Siwaaqroon Taa ogoow Waana Aabihii Nabadda Geeska Afrika Insha allaah mar dhow sifiican baad oga bogan doontaa Taariikhdiisa.
Oh..C.S ka caliga miyaa, maashaa’allah
United is better.
asc.
Mahadsanidin dhamaan inta nasoo booqata. salaan kadib. plzz af lagaada iyo dooda webka waa ka mamnuuc indinkoo raaali ah kusoo hagaaji fikirkaaga ama rayigaaga aad qabtid webka emailkiisa oo ah sidan.. allcasayr@live.com
wixii tacsi ah ama hanbalyo aroos ah ama tahniyad ah.. kala xiriir webmasterka ama maamulaayasha webka . wabilaahi towfiiq
asc
Baargaal Boy Anigu waxaan aaminsanahay deganadaas casyr oo dhan in Taariikhdoodi la soo fago oo aan Hal oday gooni loo qaadin.
nuuro maxaa ku diidan tahay in Cumar Samatar Taariikhdiisa laga sheekeeyo mise waxaa ka mid tahay Dadka U soo galiyey pagegka Taariikhda Qaldan ee looga beensheeganayo Halyeey Cumar samatar, Wax walba Ahow adigu laakiin filo maalmahan Taariikhdiisa iyo Sawiradiisa Halyey Cumar Samatar,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Rag baddan baa Taariikh ku leh Deegaanka Casayr Maxaad Cumar Samantar keliis dhegta u soo qabsatay????? Odayaasha dhan Tariikhdoodii doondoon hadiikale Aamus……………………. Ship Shiborro qalaan qal Wiilyohow.
ASC,,Aad baa u gu faraxsanahay inaa wax ka ogaado Taariikhda Degaanka Casayr,
Waxaa Jecleestay inaa bahda webka lasocodsiiyo in dad yow qaarkiis ay rabaan inlaga bayn sheego Taariikhda Halyeey Cumar Samatar, Hadaba Dadka la rabo inee Xaqiiqda ka Sheegaan waa Dadkiina Ka soo Jeeda Degaanka Casayr, Ka run sheega Taariikhda Larabo in laga been sheego oo uu leeyahay Hal yeey Cumar Samatar,,,,,,,,,,,,
Waxan aad ugu farxay Tariikhda mihiimka ah oo aan web kaan ka akhristay waxaan aaminsanahay in aynu nahay Dad tariikhdoodi la, duugay Ilbaxnimadoodina la dhumaiyay waa ku faraxsanahay Jiilasheena cusubi in ay ka dabatagaan Raadkoodi lumay.
ASC, Salaan ka dib waxaa aad ugu faraxsanahay inaa Barto Taariikhda Degaanka Casayr waxaana mahad u soo jeedinayaa qofkii sidaa quruxda badan u soo diyaariyey taariikhdan,
DIGNIIN Aa u soo jeedinayo Dadka Ku Abtirsada Degaanka Casayr, Baryahan Dambe waxaa ku soo badanayey webabka in laga Been sheego Taariikhda Halyeyga Ka soo jeeda Degaanka Casayr ee Layiraahdo Cumar Samatar, Taasna Waxaa U sabab Dadka Uu ka Soo jeedo Waa anaga Cida Laga Rabo inee Ka Run sheegaan Taariikhdiisa Cid Xustayna Naguma jirto, Waxaa Codsanayaa Qofki Wax ka Yaqaan Halyey Cumar Samatar Taariikhdiisa wax Ka og inee soo Galiyaan Webka, Cumar Maahan Halyeey Laga Bayn sheegi Karo Oo Taariikhda Cumar waa Mid Qoran oo Xaqiiq ah,,,,,,,,,,,,,,,,Fadlan Haloo Istaago Sidi lagu aruurin lahaa Taariikhda Cumar Samatar,,,,,
This place is so beautiful and to think iv never been here so wonderful id like to thank this website as it has opened my eyes to the wonderful country that is my background as i was born in england i never got the chance to experience it. and this has showed me what im missing.
Swc salaam ka bacdi waxa wax aad loogu farxo ah halakan in aan ka akhrisado taariikhda dhulkayga hooyo.
waxaan aad ugu mahadcelinayaa webkan allcasayr.com.
waxa kaloo mahad u celinayaa soo diyaariyaha barnaamijkan kolay waxaan u maleenayaa faarax dooxa joog si aan ku arkay imaylkiisa. aad ayaad adeer u mahadsantahay.
adeer faarx wax badan ayaa ka rabnaa in aad webkan noo so galiso o ku saabsan taariikhdii awoowayaasheen sida
1 cumar samatar
2 harti bile
3 ismail xasan
4 maxamed xuseen
iyo dhamaan inta aad taariikhdooda aad hayso adeer macan.
waxaan mahad u jeedinaya webkan oo aan leeyahy inta uu jiray wax badan ayaanu ka faaidnay.
howsha saa ku sii wada.
waxaan ka codsanayaa akhristayaasha in ay ka dhiibtaan fikradooa ku saabsan taariikhda uu leeyahay dhulkooda.
maxamed
ridwan
bosaaso
somalia
Pingback: Www.Allcasayr.Com