Contact

Www.allcasayr.Com

casayr land

  • Waxii Dheeraad ah Oo warar ah ama Sawiro Fadlan kusoo dir emailka hoosku qoran
  • Email:  allcasayr@live.com
  • Waad Mahadsan tihiin Booqashadiina
  • Ku xirnow Allcasayr.com

12 responses to “Contact

  1. Shiekh Muse

    asalamu aleekum dhamaan waad salamantihiin kuligiin brothers and sisters. ANIGA MAGACEYGA WAA CABDIKARIIN ISMAIL YASSIN (XIIR). waan ku faraxsanay in aan arko dhulkeyga hooyo alhamdulilah masha allah. dadka waxaan ka garanay cabdirisaq catoosh iyo maxamad xareed.

  2. Faisal Omar -Nieruz-

    Asc. Wr. Wb.

    Bahda All-Caseyr aad baan ula dhacay hawsha aad heysaan, Allaaha idinka abaal mariyo; inkastoo aysan fiicneyn in nin aan waxba qaban uu dadka wax u qabtay wax u sheego haddana waxaan soo jeedin, in web-ka update lagu sameeyo . . . sababtoo ah webkan wuxuusan aheyn update ama mid laga dareemayo in dowladda Raas-Caseyr ay dhalatay. marka muuqaalka websiteka kor haloo qaado, designka xoogaa halaga badalo haddii wakhti loo helo hana laga dareemo in boggaan laga leeyahay Raas-Casayr State.

    Mahadsanidin.

  3. asc akhristayaal, aad iyo aad ayaan marka hore ugu hambalyaynayaa bulshda reer casayr land sida wacan ee ay uga fakarayaan mustaqbalkooda iyo aayahooda,marka xiga waxaan ogaysiinayaa dhamaan somlalida in maanta xaalda lagjiro ay tahy iskaa wax uqabso ee uusan qofna qofkale sugin,pl iyo sl waa maamulo dad is afgartay aysamaysteen waana arin wanagsan sidaas si lamid ah cid kastoo isfahmi karta waxaa wanaagsan inay samaystaan maamul iyagha u gooni ah sida maamulada maakhir state,galmug state,hiiraan state ,jaba land state iyo casayr lnd state ,waxaan cid allaale cidii idin kusoo faragalisa maamulkiina waa cid doonaysa burburkiina iyo baaba’iina ee taas hakayeelina ee shan farood iyo calaacal isaga qabta

  4. Tacsi tiiraanyo leh
    Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

    Ma dhinte waa Eebe

    Waxa taci qushuuc leh u soo tebinayaa guud ahaan beesha, gaar ahaan reer Xaashi Carab oo uu marxuum Saalax Xaashi ka geeriyooday. Saalax wuxu ahaa abwaan iyo sarkaal sare ee qiimo weyn ugu fadhiyay, eheladiisa, tolkiis iyo qaranka oo dhan. Waxan Eebe uga baryeynaa in uu janadii ka waraabiyo anaga samir iyo iimaan naga siiyo

    M. Xareed

  5. wala alayaal waad salaamantihiin salaan kadib waxaan rabaa in aan hada kadib wada xiriiri doono waxaana joogaa dalka maraykanka magaalada minneapolis magacayguna waa cali jaamac yuusuf waxaana walaalo nahay suldaan cuar jaamac yuusuf tell waa 612-423-8106 waxaana aad ugu faraxsanahay sida aad ka ah ee ay dhalinyaradu u dadaalayso wax qabadka degaankooda waxaana halkan ku joognaa ilaa boqolaal waxaanu hada ku balansanahay sabtida soo socota inaan isu nimaadno oo markaa kadib aan idinla soo xiriirno sidaa iyo nabad geliyo.

  6. waan idiin ka mahadcelinaynaa webkan waxaana idiin soo jeedinaynaa inaad ku soo bandhigtaan dhammaan xogaha iyo istratejiyadda wadenkeena iyo dhiirigalinta dhalinta.

    Mahadsanidiin

  7. yaasiin

    waan idin salaamay mar ka ugu huray sa mar ka xigta waxaan kaa cud sanayaa in aan kamid nuqdo shaqaalaha wabsetkan mahad sanid maadaama aan ahaan jiray wariye

  8. Hambalyo, hambalyo iyo bogaadin
    Maata waa maalin qiimo iyo qaayo gaar ah u leh beesha Siwaaqroon ama reer Sheekh Xuseen.Waa maalin taariikhda gelidoonta waayo waxan maqleynaa waxyaalo badan oo hagaagsan oo farxad leh oo ka dhacayaan degaanka beesha iyo meel kasta ee ay joogaan xubnaha beeshu.
    Waxan marka hore u hambalyeynayaa Beeldaajaha Ismaaciil Beeldaaje Yasiin oo aan maata u dabaaldegeyno caano shubkiisa. Waxan Eebe uga baryeynaa in xilka culus ee la saaray u fududeyo uu na ku guuleysto. Waxan Eebe ka baryeynaa in uu noqdo mid beesha u horseeda guul, midnimo iyo horumar.
    Waxa na geliyay ididiilo, kalsooni iyo farxad sida wacan ee ay beeshu gudaha iyo dibadda ba ay maanta u muujisay midnimo, waxwada qabsi daacad ah iyo karti. Taasi waxay noo cadeyneysaa in ummadu ay buuro duminkarto, meeshi ay doonto na gaarikarto, haddii la timaado midnimo iyo wadashaqeyn daacad ah oo ay karti iyo hufnaani ku dheehantahay. Waxa kasta oo qiimo leh Eebe waa ku mineystay beesha Siwaaqroon, sida degaan barwaaqo ah iyo dad sharaf leh oo wax badan qabsankara, waxase ka maqnaa hogaan adag, kala dambeyn la’aan iyo midnimo. Waxan ku rajoweynaha in dowgaas wanaagsan ee ay beeshu ku tilaabsatay uu noqdo mid waara oo mar kasta la xoojiyo midnimada bulshada.
    Qurbajooga beeshu waxay muujiyeen dadaal wacan oo sidi hore wax badan dhaanta, in kasta oo daljogtadu ay weli saluugsanyihiin, oo ay codsanayaan wax intaa ka badan. Waxa dhab ah in beesha ay soo fodsaartay hawlo aad u culus oo xiniinyo taabad ah, sida qura ee arimahaas guul looga soo hoyi karo na waa midnimo, iskaashi iyo qof kasta loogu yeero in uu ka qaybqaato danta guud oo uu xilka saaran guto, waayo qof na ka maarmo ehelkiis iyo tolkiis.
    Bahda reer UK waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah ayaga oo isku duuban rag iyo dumar ba. Mar na ma la helayo duni iyo dad wada hagaagsan, dadka badankoodu se waxay mudanyihiin amaan, in kasta oo waxtarka laga sugayaa ay badanyihiin oo ay beeshoodu u hanweyntahay.
    Xubnaha beesha ee ku nool Mareykanka waqooyi (USA iyo Kanada) waa badayihiin, kaalintoodu se waa yartahay oo weli waxa ka maqan urursanaan iyo hogaan la’aan. Wadamada Mareykanka woqooyi waa dhul aad u balaaran, bahdayada deganina waxay deganyihiin meel kala fog oo kala baahsan. In muddo ah ayaan ku qaylineynay oo aan ka codsaneyay in ay hawsha nagala soo qaybgalaan. Haatan dhowr meelood ayaa wax yar laga soo kala diray, sida laba gobol oo ah USA iyo meel ah Kanada.
    Waxa amaan gaar ah naga mudan waxgaradka reer Caluula, Baargaal iyo Boosaaso oo nagu abuuray xamaasad dheeraad ah. Waa ayaga kuwa dhexda u xirtay hawlahan waaweyn oo kala ah dhismaha jidka iyo iskudubaridka caano shubka beeldaajaha. Waxan la soconaa in jees reer miyi ah oo afarta ari ah heysta uu ogolaaday in uu bixiyo wixi lagu xukumay. Waxa noo sharaf ah in dumarka beesha ee degan degaankeena ay qaybta libaax ka qaateen hirgelinta hawlahan qiimaha weyn ugu fadhiya beesha.
    Waxan ugu yeereynaa beesha in la labanlaabo, la na joogteyo iskudubnida iyo xamaasadda aan maanta muujinay, taas oo ah midda qura ee noo horseedi karta guul iyo sharaf gobanimo.
    Waxa ididiilo weyn na gelinaya in beeldaajuhu yahay nin dhalinyar oo aqoon leh, la na socda halka dunidu ay mareyso maanta. Marka waxan waxgaradka beesha ugu yeereynaa in si buuxda loo taageero beeldaajaha.
    Maanta waa maalintii hal ahaansho, halahaansho, halahaansho.
    Prof. Maxamed Xareed

  9. walal waad mahadsantahay fahad sida fiican aad usoo diyaarisay webka lakin waxan jeclan lahaa inaan hal fikrad aan kugu darsado walal webka fadlan waxaan isku daydaa inaad ka dhigto mid calami ah waliba aad ka dayso wax yaabaha gobolka casayr u khaaska ah maxaa yeelay dadka qaar waxay uqaadanayaan webkan inay leeyihiin reer waliya mahadsanid walal c’est moi abdel shakur mumin adan

  10. farax dooxajoog

    salaama calaykum,
    waxaan salaan u dirayaa A/risaaq Cawaash, oo soo diyaariyey
    maqaal aad loogu baahnaa in dadka lagu baraarujiyo,
    degaanka waxaa ka baxa timir aad u fara badan, wax laga qabtay ama laga faaideystey ma jirto,
    waxaan filayaa in ay hada wixi ka dambeeya ay wax ka qaban doonaan timirta oo la soo cadeeyey faaidoo yinkeeda.
    farax dooxajoog

  11. Barre faatax

    well done halkaas ka siiwad howsha qiimiga leh ee aad bulshada u hayso. waxaan ku dadaalaynaa inaan waxii talo iyo tusaale ah ku soo gudbino.

  12. Axmed Suni

    waa ku mahadsan yahay walaalha ku dadaalay inay wabkan soo fidiyaan si loogu sawiro muuqaalak dhabta ah ee ka turjumaya caqliga suuban iyo nabada .Dhamaana dadka wax garadka ah ee maamulay waxaan ka codsanyanaa in aanay ugu adeegin bulshada isku dirkeeda iyo hurinta coladaha sida ay caadeysteen wababka qaarkood.kani waa webkii labaad ee aan arko waayo hore waxaa u jiray barimadia oo isguna ka horeeyay waan kuwada mahad san yihiin ….guul baan idin rajynayaa ..
    ahmed Suni.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s