Ciidamada DKMG iyo Shabaab oo ku dagaalamay Luuq

Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

Dagaalkaani ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG ah ay ku leeyihiin duleedka iyo gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay in dagaalka ka hor  tiro Madaafiic ay  ku gaareen gudaha degmadaasi, waxaana intaasi kadib bilaawday dagaal culus oo fool ka fool oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Inta la’ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay labo kalana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay, waxaana si dhab ah ilaa iyo iminka aan loo ogayn qasaaraha ka dhashay Madaafiicdii Ciidamada Shabaab ay ku gaaraaceen gudaha degmada Luuq.

 

Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo ay Shabelle la xiriirtay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi uu san ahayn mid sidaasi u buuran islamarkaana ciidamada Shabaab qorshahooda uusan ahayn inay meel qabsadaan balse  wuxuu tibaaxay inay doonayeen oo kaliya in qalalaaso ay ka dhex abuuraan degmadaasi.

 

Arintaani ayaa waxaa ay imaanaysaa iyadoo mudooyinkii dambe deegaanada ka tirsan gobolka Gedo ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, waxaana deegaanadaasi ka mid Degmada Ceel-waaq, Buurdhuubo iyo deegaanka Buusaar oo shacabkii ku dhaqnaa halkaasi qaarkood ay isaga barakaceen kadib markii ay ka cabsaadeen xiisado kasoo cusboonaaday deegaanadaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s