Baaq ku socda Reer Raascasayr ( Idiris Suldaan Axmed )

Waxaan Salaamayaa dhamaan shacab waynaha Reer Raascasayr ee ku dhaqan Dal iyo Dibadba , Intaas ka dib waxaan rabaa in aan si gaara ugu soo gudbiyo aragtidayda Maamulka Raascasayr State iyo sidoo kale Qorshayaal hagar daamo ah oo ay kooxo Siyaasiyiin Maamul kale u maleegaayaan  Reer Raascasayr Iyo Maamulkooda

Dhisitaanka Raascasayr State :

Sida aan inteena badani ognahay Deegaanada Raascasayr Waxay ka tirsanaayeen Maamulka Puntland mudo 12sano ah , waxaa jirta in deegaanadaasu ay ahaayeen mudadaas kuwo ay la soo gudboonaatay dib u dhac wayn , Maamulkaas ay hoos imaan jireen Deegaanadaasu  ayay wax garadka iyo Siyaasiyiinta u dhalatay deegaanada Raascasayr  xukuumadihi soo maray   Puntland  in badan ugu tageen in la soo gaarsiiyo deegaanadaas Maamulka sidoo kale ay  helaan deegaanadaasu mashaariicda ay deeq bixiyayaashu ugu deeqaan Puntland qaybtooda  ,

Balse Codsigaan ayaa noqday mid aan dhagjalaq loo siin , Jawaab la,aanta rabitaanka shacabka Reer Raascasayr ayaa keentay in shacabka ku dhaqan deegaanadaasu tashadaan ,

Waxaa shirar badan lagu qabtay dalka gudihiisa iyo sidoo kale dibada waxaana ay soo go,aamiyeen waxgaradki shirarkaas isugu yimi in loo sameeyo deegaanadaas Maamul gaara oo ka madax banaan Puntland .

17/04 /2011 ayaa laga dhawaaqay Maamulka Raascasayr State Of Somalia Magaalada Caluula waxanu ahaaday mid ay aad u soo dhoweeyeen shacabka Reer Raascasayr iyo Guud ahaan umada Soomaaliyeed intooda wanaaga jecel .

Puntland: Raascasayr anagaa xakuna :

Ku dhawaaqa  Raascasayr State  ka dib ayay xukuumada Puntland waxay dadaal xoogan u gashay inay ka hor tagto rabitaanka shacabka reer Raascasayr , waxay samaysay inay ka gooysay isgaarsiinti , waxay kale  oo ay cadaadis saartay waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Deegaanadaas oo ku dhaqan Magaalada Boosaaso oo ay qaybtood xirxirtay Ilaa iyo hadana ay ugu jiraan Jeelasha iyaga oo aan wax dambiya lahayn .

Puntland ayaa isku day kasta  oo ku wajahan Raascasayr sidi loo wiiqi lahaa oo ay samaysay ku hungowday .

Maxuu Qabtay Raascasayr State

Maamulka Raascasayr State ayaa mudadi uu jiray la oran karaa waxa uu qabtay hawlo aad u muhiimsan waxaa loo sameeyay guud ahaan dagmooyinka Raascasayr State Maamul , Waxaa la shaqa galiyay Rugihi dawlihi ahaa

 , Waxaa laga bilaabay Guud ahaan deegaanada Maamulku ka arimiyo qaadista Cashuurta , Waxaana la oran karaa guul ayay ku talaabsatay Xukuumada Raascasayr State .

Cadawga Cusub ee Raascasayr State:

Hadaba waxaa soo baxday koox Siyaasiyiin ah oo iyaga damac kaga jiro hanashada madaxtinida  Maamulka aan Dariska nahay ee Puntland , waxay soo saareen Baaq ay ku dhaliilayaan Xukuumada hada ka arimisa Puntland , waxaa ka muuqda Baaqaas in si qaldan ay uga hadleen Raascasayr , Waxaan ognahay inaysan Xaq u lahayn inay ka hadlaan Arinta maamulkeena , balse waxa hamigooda Siyaasadeed yahay inay helaan deegaano ay dhahaan waa Puntland aysana aqoon , sida tan hada jirta iyo kuwi ka horeeyayba ,

Hadaba shacabka Reer Raascasayr Waa inay ka feejignaadaan khiyaamadaan loo maleegaayo , arintaan ayaan oran karaa waa xumaan iyo xasdi ay siyaasiyiintaasu u hayaan deegaanada Raascasayr iyo Shacabka ku dhaqanba  , waa in aan arintaas iska ilaalinaa lana ogaadaa waxa ay tahay ,

Maxay tahay baaqaan isimada loo diraayo marka deegaanadaasu maamul samaysteen , Maxaa baaqaas loogu dirti waayay hada ka hor in  isimadu ay shir isugu yimaadaan , Marki Laasacaanood ka baxaday Gacanta Puntland ?

Maxaa Isimada Baaq loogu diri waayay Dagaaalki  Galgala ?

Hadaba waxaa cadaan ah in tanu tahay khiyaamo iyo kala dilid midnimada Reer Raascasayr Hadaanaysan ka feejignaan arintaan lagu dulminaayo , Waa aragtaan halka ay maanta taagan tahay Raascasayr State Iyo Wax qabadkeeda .

Waxaan ku soo gunaanadayaa hala iska ilaaliyo khiyaamooyinka iyo hagardaamada Banaanka ka imaanaysa ee kuwa horumarka umada Soomaaliyeed necebi wadaan .

Qormadi

Aragtidu waxay u gaartahay Qoraaga

Idiris Suldaan Axmed

Makiinad_99@live.se

11 Comments

Filed under MAQAALO

11 responses to “Baaq ku socda Reer Raascasayr ( Idiris Suldaan Axmed )

  1. I wana say thank you to all bahda ras casayr state of Somalia .. Keep up the good work … Love you all

  2. dhiiresa

    ascww wa bacdi war waa yaab aan yareen dadka leh lama kala goe karo waryaa xaywaanyahoo xoolah ayaa ku dhama war yaa mesha waa la wada dhistay aa adi kaligaa ma lahiid aa dhageeso shirebkaan
    HADAAD KEENTAY SALEEBAAN SALEEBAAN IINTAKALE MA ROOTIYAA ARAOOY YAA KUU AH RACIIYEEH
    HABRAHA IS KAASHADE MENAY MARAQEE FUUQSADEEN AYAA U FADHAYAHEE
    YAHOOY FIKIR XUMM ANAA KULA DHASHEE WANAAGNA KUMA QUUREE
    KII WALAALKII TURAYOOW MAKUU TASHTAY XAA U OOYNEEH
    AWLBA ANAA KU SEDEE HADAAN KU TUURAYE
    HADEEY UMADOODHAN KU JIIDEN DHULKA ANI KAMA DHALANIIN HARTIYEE
    WAX BADAN WAA KU DABOOLAYEE DAHIYAAN KFEDAYEE
    IS GARANWEEDAYEE AR WAA LAGU GARANSIIHAHEE
    hadaan nahay walaalah wacasle abgaal waan iden tagereynaa SIWAQROON
    WABELAHI TOOFIIQ

  3. Toosiye

    To Sharmarke
    Marka la tacbiirinayo distanceka ay laba magaalo isu jiraan waxaa laga eegaa wadada ugu dhow ee ka tagta magaala A oo ku geyn karta magaala B. Sidaa awgeed marka la xisaabayo inta ay Caluula u jirto Boosaaso waxaa laga cabirayaa wadada Boosaaso ka baxda ee tagta Caluula aniga markaan calculate gareeyeyna waxaan ka dhigay 630 KM. Wadada Boosaaso iyo qardhona waxey isku jiraan 235 KM oo aan kilometer dheereyn haddii aadan igu qanceyn adiguba ka fiiri “http://maps.google.com”. Haddii xitaa laga xisaabiyo dhinaca buuraha oo aan meel aadami mari karo aheyn wey ka fogtahay inta Boosaaso iyo Qardho isku jiraan.
    Puntlanta aad leedahay wax bey maamushaa sanado dhan baa lalahaa war kaalaya magaalooyinkaan maamul u sameeya oo yaan laga dhigin dhul aan Puntland ka mid aheyn, laakiin taa dhegahaa laga fureystay oo la wada ogyahay. Marka raggii shalay diiday iney maamulaan ma haddey la macaanaatay markii laga tashaday?
    Dadka ku haya Puntland baa muqadas ah anigu waxaan aaminsanahay kitaabka ilaahey iyo sunnda nabigiisa (s.c.w) ayaa muqadas ah. Puntaland shaley waa lawada dhistay laakiin dad baa islaheysiiyey oo wixii dadka ka dhexeeyey si gooni ah isku laheysiiyey.
    Maxaa kaloo la sameyn lahaa marka?

    Toosiye

  4. WALALYAL REER CASEROW MELKASTO ATKU NOSHIHIN WAA SALAMNTIHIN WAXA NILAGA RABA IANA KAFEJIGNATAN OO IDHO DHER UELATAN DADKA WARXUMA TASHILKA SIDA MAXAMUD SALEBAN IYO WIXI LAA HALMALA WAXASNA WAA WAXANU KU QABANEYNA GAMA BIRA CISMAN MAXAMUDNA WUU KAGURAYA XABO HAA ISDIYARIYAN WAXA WXAS LEH WAA IYAGA WAN FAHMAYA LAKIN SIDA KULICI MEYNO PUQLAND HA ISKA CELISO SILANYO YANEY USO BAXBAXSAN CRLD WAXAN NAGAMA QADI KARO IYAGO ISASO URUSADAY IYO HADI KALEBA NIINKI LAJIRANA WUU RACI ANUGU UMA DIDANIN LAKIN CASEYRLAD VIVA VIVA XASIKEDUMA HAA JABO HANOLATO WALIGED WALIGEED NABADEY

  5. Sharmaake

    Toosiye adeer been ayaa ka sheegtey boosaso iyo caluula iskuma jiraan 700 km waxay isku jiraan ugu badnaan 200 km. Qardho wayaa ka fog oo ilaa 300 km u jirta boosaaso. Markaa hadii Caluula la rabo in la dhiso waa in ladhisaa oo yaan gobol looga dhiwaayey marmarsiiyo looga dhigin.

    Gobol wabo ma taro waxaa larabaa in uu dadku aamino oo uu dhiso wadan ka maanta Qardho way muteesatey waayo waa gobol u qalma oo la barbar dhigi karo gobolada kale magooloyinka ugu weyn boosaaso (gobolka bari) garoowe (gobolka Nugaal) iyo galkacyo (gobolka mudug) sanaag iyo sool xisaabta kasaar waayo magaaloyinkooda waa la haystaa oo ah (Lascanood iyo Ceerigaabo).

    Marka maamul dhaliilo weyn waa jiraan oo loo baahan yahay in lasaxo lakiin dumin iyo edebdaro loola yimaado lama rabo. Siwaaqroon maanta waa in hadal cad meel loo yimaada oo ah Puntland ma rabno ama waa rabnaa waayo odayaashooda wali ma hadlin. markaas waxaa halkaa ka cad in Puntland aay meesh ka mamusho.

  6. Bashiir

    Runta marka laga hadlo wax u qobsoomaya ma jiri doonto. Dowlada Puntland waxaa ladoonayaa in ay soo qabqabato wiilasha maleeshiyada ka soo horjeeda horumarka iyo isku duubnaanta Dhulka PUNTLAND.

    VIVA PUNTLAND HA DHACO CADOW REER PUNTLAND XIDUUDOONO HA NOQDEE.

  7. Toosiye

    Dadka hadda ku haya Puntland ama gobolka bari lama kala jari karo halkee jireen markii reer Rascaseyr ay dhibaatada la ciirciirayeen oo idaacad kasta ka hadleen oo lawada ogyahay. Teeda kale Qardho oo saaran albaabka Boosaaso oo la ogyahay inta dhul ah ee hoos yimaada waxaa lagu magacaabay Karkaar. Raascaseyr 00 Boosaaso u jirta qiyaastii in ka badan 700 KM waxaa lagu yiri gobol ma noqon kartaan. Intaa waxaa sii dheer xiriirka ayaa loo jaray ilaa uu iscasilay guddoomiyihii degmada Caluula markii cid kale iska dhaafe uu barasaabkii gobolka Bari diiday inuu la shaqeeyo. Baargaal sidoo kale ayey aheyd.
    Marka dadkiinan leh Puntland ma kala go’i karto riyaad ku jirtaan. Haddii sidaan wax lagu sii wodana stateyo kale ayaa iman doona marka laamigiinna ku ekaada

  8. Bashiir

    wiil yar oo cayrta ku cuna dibada oo guri dowladeed qaxooti ugu jira, xaq uguma laha inuu ka hadlo arimaha PUNTLAND, gobolka bari lama kala jari karo. Dowlada Puntand wa lama huraan

  9. dhiiresa

    ascww dhmaan rer caseyr meel walba ay joogaan waxaan aniga shaqsi ahaan ilatahay in ay arenta meel fiican mareyso aduunyada waxaa horumar lagu garaa waa is kaashi marka reer tolkay waa in ay taa meel uga soo wadajeestan oo ay iska iloobaan kali qabsiga waxaa ka fiican wada qabsiga tankaloo nootaal waa in ay baq ka soo saraan xariga laxiiraya siyaasiyeenta reer caseyr odayaasha dhameedka iyo madaxda reer caseyr una sheegaan gonaanka in ay leyahiin dad weenah reer caseyr masuuliyeentanah ay fulinayaan rabitaanka shacabkooda ayn diidan yahiin caburen mantay oo hurumaar cilmi iyo tegnoolaji la garay ninkii deeda nabad ku wada noolasho niin walbaa qoorega waa setaa waxaan dieyaar unahay hadaan nahay dad weenaha caseyr defaaca qaranimadooda wabelahi toofiiq

  10. suldan salan qlaiya iadiga iyo inta diyarka u ah mamulka rascaseyrlad waxan idin kubiribnaya talo koban wallaha rer rsacaserlanow taladasi wexey kusocota dadka jecel siyasada rer caseyr iyo jiridanka muqadaska ah mamulka rascaseyrlad taladu waa isku dubni iyo mel laga sowada jedo tankale dadaka rer casey qorba jogta iyo kuwa daalka joga waxaa laga raba silohelo horumar wanagsan oo suban waxa laraba dada kaso jeda dalka rascaseyrlad in aay noqdan hal cood iyo haal maqal haal aragti oo isku mida oon iska horiamkarin sida somaliland saxafadenuna haa dhereyyso oo inta wixi jira oodhaan hurumar iyo wixi kaleba hala so baan dhigo oo halaso can bixiyo maxa inahaysta midkale ninkale lajira iyo mit mucaradaba waxnagamaqadikaran walalha rer radcaserlad waxa laga raba iney dadka qurbajogtu cawiyan dowladoda mujiyan ooha kahadlen wax tarkoda dumarkuna ragahagarab istagan qurba jogtuna ha soo cawiyan dalkoda iyo dadkodaba oo diran wixi kaga habon dalka iyo midnimadaba oo isku mid lanoqdo melkasto qoof kaso jeda rarcserijogaba waa inu garta wixi kuhabon waxa lawada qabsado hadikale mamuklda darisnahay aya iana kala gosanaya halaga koco hurdada walalaha reer casrtow qaren kena aynu dhisano oo wax qabsano melkadto waxa laga shego waa in isugu mitnoqona iska celina horumarna inaga isgarsin kara iangana iska qadikara madaxwene waxan ushegaya ianu nin cado qata iyo nin waxa mayaqana warbahaka gurin tisa iyo howlihisa raco waxna nagama galin dalkena waxa tal nimco waxa inugu filan bada oo losameyo melo lagu dal xiso iantasa wadanka dhisikarta iskula ladhiso isbitalada ladhiso rer caseyrow hordada kakaca oo waxa wada qabsanno dadku wexey kuhoru maren ismaql iyo isu tanasulid hadenan sas sameyn wexenu waa waxa an soconenn hada iyo dan waa in llaysuku dubnada oo waxa lawada qabsada wadanka horumar lagarsiya walalayalow waxa idinka tagay qer iyo caseyrlad waa muqadas jirideduniki kaxun iyo kikalowbaaaaaaaaaaaaaaaaaa

  11. faarax maxmud caynab

    baaqa aad soo jeedisay maxuma lakiin waxay ku fiicnayd in aad meel kaga soo darto in ay yihii wax dhintay siwaqron oo siyaasi koodu nin u xiran yahay na calaa hooyadiin ku yaal dhamaan siwaaqron oraya iska dhinta halkaas ayaan baq bab what fackin baq wax kale ma jiraan mana taqaanin war haba ku dhintee xabsiga xareed cidana hala dhimatee suu ku dhufta waxad ogaa tan inta uu xiran yahay xareed nacalaa wixii idinka dhasha kuya cidiba yay san harin nin baa nin u xiran xagee waxaas laga qoraa in aynu hadaloba maaha hurdada ka kaca oo ninka lasoo baxa marka hore markaas wixii kale hala ga hadlo that the point nina ma tegi karo guri siwaqaaqron ma in kalgu ninkastuba caqli buuleeyahay taas ku maa fekerin caqliga maan gelin xataa maalin faroole maba aha nin waa naag naag dhalay walahi wuu ba dagaa lamay hadii ba uu xiray xareed ciise cumar inka daa in uu qaado duuulaane by

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s