Shirqoolka loo Maleegaayo Raascasayr Iyo Ssc waa in ay ka feejignaadaan

Waxaan Rabaa in aan u iftiimiyo shacab waynaha Reer Raascasayr Iyo Reer Ssc Baaqa shirqoolka ah oo ay maleegayaan Kooxaha uu damacu kaga jiro  Madaxtinimada  Maamulka deegaanada Puntland la dhaho .

Maqaal Baaq ah oo  dhowaan lagu soo daabacay websideyada Qaybtood oo lagaga hadlaayay arimaha Deegaanada Raascasayr , Ssc , Iyo amniga Puntland ayaa waxaa ku qoraa in la badbaadiyo Puntland . Hadaba Su,aashu waxay tahay maxaa amni darada Puntland iyo Jiritaanka Ssc Iyo Raascasayr isku Lifaaqay.

Danta Baaqaas :

Hadaba dadka baaqaan soo saaray  ayaa ah dad horay uga soo qabtay xilal Puntland , hadana ay ka guuxayso damac siyaasadeed . waa dad damacooda Siyaasadeed  ka hadlaaya, waa dad aan u danaynayn shacabka .Maqaalkaan ayaa ahaa mid ay ku dhaliilayaan Maamulka Faroole ka sheekaynaaya dhaliilaha Xukuumada Puntland .

Codsigoodaan ay Isimada ka codsanayaan inay qabtaan shir, ayaa la oran karaa waa mid  ah damacayga Siyaasadeed ka hadal isimaw, iyaga oo xumaan ka dhigaaya Raascasayr Iyo Ssc , Waan ognahay in aan horay looga hadlin Ssc Balse Baqaan ayaa ah mid ku socda Maamulka Raascasayr State lana rabo in lagu maja xaabiyo rabitaanka shacabka  Reer Raascasayr –

Hadaba waxaa qalad ah in hamiga Siyaasigu ee ah la  loolanka garabka midig ee talada  haya  uu dhaliishiisha  uu xukuumadaas  usoo jeedinaayo usoo maro maamul jira oo uu dhaho horay ayay uga tirsanaayeen Puntland waxaa ka mid ahaa baaqaas  

.Beel ka mid ah Puntland ma dhisan kartaa Dowlad Goboleed Mise Maya”?

 Waxaa ah arin qaldan in Maamul dhan oo ay samaysteen beelaha Daga deegaanada Raascasayr lagu soo koobo Qabiil waxaan ognahay Deegaanada Raascasayr inay dagaan qabiilo badan dhamaantoodna ay ka midaysan yihiin Maamulka Raascasayr State.

Waxaan ognahay in Laasacaanood oo ka tirsanayd Puntland la qabsaday 2007 Maxaay siyaasiyiintaanu u oran waayeen isimadu ha isu yimaadeen hana ka hadleen arintaas hada ka hor intaan Maamulka Ssc la samayn  ? Maxaa maanta keenay in marki aad xil ka wayday Puntland aad isimada Baaq u dirto , Baaqaas oo ah mid aad is leedahay shir hala qabto  , shirkaas oo aad u aragto mid uu ku hirgalaayo  Damacaaga Siyaasadeed ahna jaranjaradi aad ku gaari lahayd madaxtinimo , adiga oo hagardaamaynta Shacab Soomaaliyeed oo ismaamulay Horumarna ku talaabsaday . aad tiraahdo waa ku qaldan yihiin Go,aankaas isna leedahay waa mid aad taageero badan ku kasbanayso .

Isimada Iyo Doorkooda:  

Waxaan la soconaa aasaaski Puntland waxaa qayb wayn ka qaatay Isimada, kaalin wayna ku lahaa Samayskeeda , Hadaba isimadu ma ahan kuwo iyagu maanta u hogaansami kara qabashada shir wayne ay wataan kooxo dan siyaasadeed leh .  Isimku Haddii uu horay uga hadlin Dhibaatooyinki ay tabanayeen Reer Raascasayr Ka hor gooni isu taagooda , Haddi uu ka hadli waayay maqnaanshaha Laasacaanood ka hor u samaynta Maamulka Ssc , Dabcan maanta waxaa la oran karaa ma ahan mid ka hadal u baahan , Maamulada Puntland , Raascasayr Iyo Ssc ayaa ah Maamulo dad ehel ahi ay  dhisteen waxaana looga baahan yahay in midba midka kale uu u muujiyo daris wanaag iyo wada shaqayn . Isimaduna ay sidaas u ahaadaan hogaamiye dhaqameedyo u taagan kuna midaysan sadexdaan Maamul lehna maamuus iyo talo kula noqosho ,  kaalintooda hogaamin dhaqameedna ku wajahaan in dadka iyo dalka wax loo qabto oo maamul kastiba u adeego shacabka , 

Umalaynmaayo in Maanta isimadu isu soo taagayaan shir ay kooxo danaystayaal ihi awrkooda ku kacsadaan ma ahan isimadu kuwo loo sheego inay taabacaan rabitaanka kooxa gaara,  isimaduna dabcan kaalintoodu waa heshiisiinta iyo nabad dhex dhigida Beelaha walaalaha ah ee ay matalaan , ma jirto ayaan oran karaa hada wax qasbaaya shirka daneed ee qoladaanu codsanayaan iyaga oo dantooda ku wajahaaya Deegaano maamulo kale ka arimiyaan kana dhigaaya xumaan afkaarta shacabka Reer Raascasayr Iyo Ssc . 

 .

Siyaasiga :

Siyaasigu ma ahan inuu si qaldan wax u doono ma ahan damacaaga Siyaasadeed adiga oo  ka hadlaaya in aad rabitaanka shacab kale oo aan ka tirsanayn Puntland adigu ka arimiso , aadna qalad uga dhigto Xukuumada Puntland ka arimisa , Raascasayr Iyo Ssc ayaan oran karaa ma ahan kuwo cadaw ku ah Puntland waana maamulo ay samaysteen dadka deegaanku . Arinta amni darada Puntland Siyaasigu waa in uu baaq u diraa  dadka ku dhaqan Deegaanadaas una sheegaa inay ka shaqeeyaan nabada , xukuumada waa in loo sheegaa inay xooga saarto arimaha Amniga . balse ma ahan in lagu dhaliilo ,

Puntland

Puntland waa maamul ay wada dhisteen shacabka Reer Puntland la isku oran jiray ka hor intaysan ka go,in Ssc Iyo Raascasayr waxaan oran karaa Xukuumada Hada jirta waxaa la soo gudboonaaday arimo amni daro waxaa ka dhaca dilal qorshaysan ,oo ay fuliyaan dableey aan haybtooda la garanayn , hadaba waa in shacabku u istaagaan ka shaqaynta amniga Puntland

Atam iyo Puntland

Koox diimeedka uu Madaxda u yahay Shiikh Mohamed Siciid (Atam ) Waxay dagaalo la galeen ciidamada Puntland waana l a wiiqay xiligaas Kooxdi Atam  , waxa marlabaad soo cusboonaaday kooxdi Atam oo hada jooga deegaanada Buuralayda Galgala , waxaan oran karaa arinta u baahan in ay Puntland ka hadasho oo wadaadka loo tago oo la waydiiyo waxa uu tabanaayo waa taas  Waxgaradka Reer Puntlandna arintaas xooga saaraan,

 

 SSC

Ssc waa maamul loogu tala galay inay lahaadaan deegaanada Sool , Sanaag Cayn waana maamul ay soo dhisteen waxgaradka reer Ssc una taagan horumarinta deegaanadaas iyo maamul midaysan u samayntooda Waxaan oran karaa waa mid  ay hayaan wadadeeda Reer Ssc , waana Bilow oo mudo yar ayuu jiraa waana gaarayaan hamigooda ay higsanayaan ee ah in la horumariyo deegaanadaas dadkana la baro maamul wanaaga . waana arin anfacaysa dhamaan umada Soomaaliyeed oo waa wax fiican in hoos laga soo bilaabo oo dadka la soo dhiso .

Raascasayr State Of Somalia

Raascasayr State Of somalia waa maamul dhowaan ay dhisteen Shacabwaynaha ku dhaqan deegaanadaas waxa uuna u taagan yahay horumarinta deegaanadaas iyo shacabka ku dhaqan, Punland waxaa ka dhaxaysa daris wanaag iyo wada shaqayn dhanka amniga guud maadaama ay wadaagaan xuduudo .

Gunaanad

Waxaan ku soo gabagabaynayaa in shacabka Reer Raascasayr Iyo Ssc ay ka feejignaadaan shirqoolada loo maleegaayo , ma ahan  Akhristaha ka soo jeedaa Labadaan Maamul inuu u arko Baaqaan mid lagu sheegsheegaayo maamulkiisa  una qaato Fiicnaan iyo u garaabid in Xukuumada Puntland ay ka qaldan tahay oo iyadu keentay in aad maamul gaara samaysatay ,  balse waa inuu fahmaa xogta dhabta ah ee ku jirta Baaqaa Siyaasiyiinta Reer Puntland , Waa in aad dareentaa inuu yahay mid adiga lagugu caburinaayo oo rabitaankaaga iyo maamulka aad samaysatay la lee yahay waxba kama jiraan weeye . Waa in aad u aragto Maamuladaanu inay yihiin kuwo u taagan horumarinta Deegaanada ay ka arimiyaan aysana ahayn wax Caadifadeed ama shakhsiyaad dano gaara lihi ay wataan .

Maqaalkaan ayaa ah mid lagu hagardaamaynaayo shacabka Reer Raascasayr Iyo Ssc waana inay ka feejignaadaan , waa inay iswaydiiyaan shacabkaasu  ma wax ay heli waayeen xiligi ay ka tirsanaayeen Puntland ayaa maanta loo hayaa ?

Halkaan ka akhri Baaqa shirqoolka ah  http://puntlandnews24.com/archives/9609

Qormadii

Aragtidu waxay u gaartahay Qoraaga

Idiris Suldaan Axmed

Makiinad_99@live.se

7 Comments

Filed under MAQAALO

7 responses to “Shirqoolka loo Maleegaayo Raascasayr Iyo Ssc waa in ay ka feejignaadaan

  1. cabdiqani

    raascsayr maxay tahay war magaca halagabedelo dawlada oo siwaaqroon ka maahee qabiilada kalena halagu martiqaado ooo halabalaariyo si uu ugaaro aaggaga fog fog ee qardho iyo si uu u noqdo maamul weyn oo latartami kara maamulka puntland

  2. WALAL WANU KAXUNAHAY SIDI HORE MAHA XALADU WAA KAGA KACAY HURDADA WANA LAMARAYA MELO WACAN MARKA ISKA ILOW WAXAT QOREYSO OO HA ISKU DAYIN IANA MARDAME KU QORTO WAXS OOKALE CASERLAN HANOLATO CIDNA MABARYEYSO WALAL ISKA ILOBA WIXI LAGU YAQANY WAA KABEXIN SALMA

  3. Abdi Jama

    wax la yiraa Rasceryland ma jirto waa in yar oo maskaxda laga istimaalo sida dhulbahante oo kale. Waxaan leeyahay war Siwaaqroon aawey odayaashiisii iyo waxgaradkiisii waxaan waa tii gobol dhan maalin cad loogoostey. War isla yaaba oo wiil yar oo dowlada ka soo dudey yaanu reer wareer lasoo gelin.

    Aniga waxaan qabaa afar wiil ee joogta degmada caluula ee reer wareerinaya halsoo xiro oo dadka hala hanuuniyo.

  4. Walee Siwaaqroonku waa fahmayaan farta ay qoraan Cismaan maxamud waa isla reer bari wa ais yaqaanaan la isma qiyaamayn karo , Hambalyo reer raascasayr horumarka aad wadaan

  5. waxn salan qaliya udiraya dadaka udiyarka siyasada reer caseyr iyo dada kunol dalkasba waa wadagan baqan waa baq muhima waxan idin shegaya rer caserow horumarkina aya lala diriraya iyo iana wax fahantan iyo ina talabo qatan sida wadnadoda lodhisay waa aragtan idinkuna sida baba utihin waxa noron ianan wax wada qabsano siwacan tan kale dadka qoray waa dada qas ah oo kaso horjeda siyasadena iyo jiristenaba waxa ianagama
    ka galin ssc waa dad inogu so gabanaya lakin ianaga waxa nalaga raba firfirconi dherada iyo dadao horumarleh iyo mindnimo iyo ismaqal waxan walalyalow waa isku dubnana oo noqona isaqa oo kale waxa naga maqadayo hadi kale walahi waa babe eyna oo murdida iana gureysa inta cado qatayasha waa in indhahder lo lahada wallayal waxa ino balana wax wada qabsi iyo isku dubni wacan manta hadan wax qabsan weyno birina wax qabsan karimeyno ninka kaso dururuqle mella fog wax ka adag inago ismaqala oo isku dubnan walaliyo wehel noqday ninka waxa kaqeylisinaya waa xoleheni uuka qadanayay bada iyo biriga waa hurdadi siwaqrin lagu dhacay baqiyo baqba ujojin meyno waa uwada jogna wixi nala so gudbonada waa laga baxay wixi hore ha iska ilawaa maxamud saleban xolehiaat cunu jiren waa idin ka suun iyo kabelo ninmankodi baa ukacay oo iscawinaya oo iskashanaya oo madax yeshay sidi shalay rerku maha waa sikale anagana waxa nalaga raba tagero badan iyo fiffircini iyo dadal weeyn iyo sw oo qal qofa hal caqliya hal talo leeh anigun waxan helaya wadaninimo iyo kalsoni dalkega iyo dadakeygaba waa ino dil xasidka rer caseryrlad hanolato caseyr viva caserlad viva madaxdeda viva gobaldeda

  6. Toosiye

    Waa iska cadahay dadka bayaankaan soo saaray ineysan wax dan ah ka laheyn dhibaatooyinka jira laakiin ay ka gurtay ishii ay weligood sida xaq darrada ah uga cabbi jireen. Ilama aha iney in qoraalkoodu wax macna ah soo kor dhinayo reer RCna dantooda haka shaqeeyeen waxyaabahaan oo kalena yaan loo istaagin. Puntalnd Raas Caseyr meel cad bay iska taagtay oo ah ineysan tabar u heyn oo ay dhul fog degan yihiin taana waxaa caddeeyey wasiirka amniga oo ay wareysatay horseedmedia.
    Marka dadka baaqyadaan soo saaraya yeysan shaati idiin soo gashan waa dad la yaqaan oo waxey u barteen waayeye.

    Toosiye

  7. waa beenti iyo shuqxumadi ay ku caan baxeen reerahan soo qoray baaqa ,ay ku qirteen in ay tuugo tuugadhashay yihiin oo hadana dhaliilaya waxarka garoowe si ay ugu soo noqdaan markale halki ay dhuuqi jireen ,maanta waxay iska dhigayaan dad ay wadaniyadu ku dheertahay ,shalay waxay ahaayeen tuugo wadaniyada aan aqoon,bowe la idan baray ,la jooga hawiye qurmuune oo saaxiib aad ka dhigateen ,xaq aan leeyahay oo danbe siin maysid xaarkiis cune iyo tuug aan rabi aqoon oo sidiinoo kale ah.
    abdalla.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s