Xubnaha Golaha Ammaanka ee UN-ka oo kulan gaar ah ku canaantay Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan

Kulan ay si gaar ah xubnaha golaha ammaanku ula yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wararka hoose oo laga helayo waxay sheegaan in labada mas’uul lagu canaantay.

Shirkan oo dhacay markii uu dhaammaaday kulankii hore oo ay ka qaybgaleen xubno ka socda maamullada dalka ka jira iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa la haray labada Shariif xubnihii ka socday golaha ammaanka ee UN-ka, iyagoo si aad ah ugu canaantay kulanka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in labada Shariif loo sheegay inay isku haystaan in doorasho la qabto iyo inaan la qaban iyadoo dalka ay ka socdaan dagaallo culus oo ay ku dhimanayaan askarta DKMG ah iyo kuwa AMSIOM, iyadoo warark ay intaas ku darayaan in xubnuhu ay muujiyeen sida ay murankooda uga xun yihiin.

Sidoo kale, wararka kulankaas ku dhow ayaa sheegaya in xubnaha golaha amnigu ay u soo jeediyeen labad Shariif inay ka shaqeyaan sidii nabadda Soomaaliya wax looga qaban lahaa.

Gallinta dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in shir saxaafadeed ku saabsan go’aannadii kasoo baxay kulankii saakay dhacay oo ahaa mid loo diiday inay saxaafaddu goobjoog ka ahaato kasoo baxay.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku guuldareystay afar kulan oo ay Muqdisho ku yeesheen inay heshiis kaga gaaraan khilaafka ku saabsan in doorasho la qabto sannadkan iyo in dib loo dhigo illaa sannadka dambe.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s