Mudaharaad uu Hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Italy oo ay ka soo qaybgaleen walaalaha kale ee soomalida ayaa ka dhacay Magaalada Firenze ee wadanka Telyaaniga(Daawo sawiro)

Mudaharaadkan oo jawi wanaagsan ku biloowday ayaa sidoo kale ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan waxana ujeedadiisu ahayd in loo soo bandhigo dowlada telyaaniga cabashooyinka iyo waxyaabaha ay tirsanayaan dadka soomaliyeed ee ku dhaqan dalkan telyaaniga.

Mudaharaadkan masuuliyintii horkacaysay waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland e Telyaaniga Mudane Cawaale Jaamac Salaad sidoo kale mudaharaadkan waxa qayb kahaa jaaliyado kale oo cabashadan la wadaaga jaaliyada soomalida kuwasoo ukala dhashay wadamada Ereteriya, Ethopia iyo wadamo kale oo AFrcan ah sida Marocco iyo Tunis.

Saaxiibo telyaani ah oo inta badan gacan ka geysta horumarka iyo wax u qabashada dadka ajaanibta ah ayaa ka soo qaybgalay mudaharaadka kuwasoo iyaga la’aantood aysan waxba hagaageen waxana hogaaminayay Mr.Lorenzo iyo asxaab kale.

Mudaharaadayaasha ayaa socod kusoo maray fagaarayaal muhiim ah oo ku yaala Magaalada Firenze sida xarunaha dowlada iyo meelo kale mana jirin wax buuq iyo rabash ah oo mudaharaadayaasha la kulmeen ama iyaga ay geeysteen, waxana qayb weyn dhinaca amaanka ka qaadanayay ciidamada loogu talo galay mudaharaadyada.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland mudane Cawaale Jaamac Salaad oo la hadlayay mudaharaadayaasha iyo warbaahinta telyaaniga ayaa sheegay in markasta iyo saacad kasta ay diyaar u yihiin inay soo bandhigaan cabashadooda iyo xuquuqaha kaga maqan dowlada telyaaniga, waxana uu gudoomiyaha ugu baaqay dhamaan soomalida inay muujiyaan isku xirnaan iyo inay yeeshaan hal cod oo mideysan.

Mr.Lorenzo oo madax u ah koox telyaani ah oo si tabarucaad ah u garab taagan markasta dadka soomaliyeed iyo kuwa kale ee ajnabiga ah oo isna ka hadlay goobta mudaharaadka ayaa ka dhawaajiyay in iyaga hadii ay yihiin shacabka telyaaniga ay diyaar u yihiin inay la baadi goobaan xuquuqdooda dadka ajnabiga ah ee wadankan ku dhaqan gaar ahaan shacabka soomaliyeed ee wadankoodii colaaduhu la derseen.

Mudaharaadka ayaa ka soo qaybgalayaashii kusoo bandhigeen Musica iyo heesaha wadan kasta uu caan ku yahay , iyadoo dadkii soomaliyeed ee mudaharaadka joogay halkaasi ay ka qadeen heesta ah HAYBAD WAXA KU LEEDAHAY DALKAAGA HOOYO iyo Heesta astaanka calanka soomaliyeed.

Gabagabadii mudaharaadayaasha ayaa wakhti wanaagsan ku qaatay halkaasi , waxana ay ku balameen inay filayaan rajo wanaagsan ama natiijooyin wanaagsan inay ka soo baxaan mudaharaadka.

Bashka Jeenyo

LLPP

Jiidaal114@hotmail.com

 
 

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s