Waxaa maanta Degmaada Xaabo gaarey wafdi heer sare oo u hogaaminaayo Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Raascasayr State Eng.Faarax Maxamuud yuusf Dooxajoog,wafdiga Madaxwaynaha waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan golihiisa Xukuumada ,Taliyaha qaybta, Maamulka Gobolka Boolimoog iyo Kan Degmada Xaabo.
Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa loo gudbiyay Guriga Degmada,Madaxwaynaha ayaa la hadlay shacabweynihii so dhaweeyay isagoo u jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa,Madaxwaynaha ayaa shacabwaynaha reer Xaabo uga mahadceliyay sida sharafta leh ay usoo dhaweeyeen.
Eng.Dooxajoog o u waraamayay warbaahinta Raascasayrmedia ayaa sheegay in socdaalka ay ku yimaadeen Degmada Xaabo uu yahay mid ay ugu kuuragalayaan xaalada guud ee Degaanka Xaabo.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu safarkoodu ku wajahanyahay badiyaha Gobolka Boolimoog,wuxuu sheegay in halkaas ay ku maqnaan doonaan mudda dhan 6 Maalmood, Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay u kuuragalyaan samayntii ay geesteen Roobabkii xooganaa oo dhawaan ka da,ay degaankaas,wuxuu kaloo xusay in ay samayn doonaan wacyi galin dadka ku dhaqan baadiyaha maadama ay ka fogyihiin Magaalooyinka uu Maamulku joogo.
Waa markii ugu horeesay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Raascasayr State uu socdaal ku tagaayo baadiyaha Gobolka Boolimoog.
Dhanka kale waxaa Gobolka Bina ku sugan wafdi heer sare ah uu hogaaminaayo Afhayeenka Xukuumada Raascasayr State Cabdirashiid Maxamed Yuusuf,Afhayeenka ayaa dhawaan safaro qaatay mudo dhan Iscbuuc ku kala bixiyay Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Bina.
Afhayeen Abdirashiid Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah o soo gaarsiiyeen Roobabkiii dhawaan ka da,ay dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Bina.