Maxaa iska badalay deegaanada Raascasayr ?Warbixin kooban

Deegaanada Raascasayr ayaa ahaa xiligi dawladi dhexe ee kacaanka deegaano aad u horumarsan waxay ahaayeen deegaanadaasu kuwo ku horeeya dhanka adeegyada Bulshada hadaan isku dayo in aan wax ka sheego xiligi dawladi Kacaanki Barakaysnaa  Sida ay ahaayeen deegaanada Raascasayr.

Kacaanki iyo Deegaanada Raascasayr

Dawaladi kacaanka ayaa ka hirgalisay deegaanada Raascasayr warshado Kaluun sidoo kale waxaa ka jiray iskaashatooyinka faleenka dadka ku dhaqan deegaanadaas ayaa dhamaantood waxaan oran karaa waxay ahaayeen kuwo shaqaale ah oo shaqeeya .

Dhanka adeegyada bulshada waxaa ka dhisnaa Magaalooyinka waawayn ee Raascasayr Dugsiyo Dhexe halka ay Caasumada Caluula ka dhisnaayeen Dugsiyo sare ardayda ku kala dhaqan magaalooyinka waawayn ee Raascasayr ayaa marka ay dugsiga dhexe ka baxaan imaan jiray Magaalada Caluula halkaasna ay ku qaadan jireen Dugsigooda Sare ka dibna jaamacado u aadi jireen Dibbada ama Gobolada kale ee Jaamacaduhu ka jireen .

Dhanka Rugaha caafimaadka waxaa ka jiray dhamaan deegaanadaas Rugo Caafimaad waxaa ka dhisnaa Caluule laba Hospidal oo heer sare ah ,

Dhanka isu socodka Bulshada waxaa imaan jirtay asbuuci laba jeer Diyaarada Soamli airline  sidoo kale waxay Dawladi dhexe ka hirgalisay Mashaariic fara badan oo dhinac Kasta leh .

Puntland Iyo Deegaanada Raascasayr

Hadaba xiligi ay dhacday Dawladi kacaanka waxaa ku yimi dib u dhac wayn deegaanadaas , Waxaa la aasaasay 1998 Dawlad Goboleedka Puntland , deegaanada Raascasayr ayaa ahaa kuwo  Hoos yimaada Puntland waxaa dhacday In aanaysan Wax maamul ah ka samayn Puntland deegaanadaas waxaadba Oran kartaa ma ahayn kuwo og Madaxda Reer Puntland deegaanadaas .,

In badan ayay cabashooyin Baahiyeed  u soo gudbiyeen shacabka Ku dhaqan deegaanada Raascasayr Puntland  balse Puntland ayaan dhag jalac u siin baahida shacabka Raascasayr .

Deegaanadaas ayaa ahaaday kuwo ka baaba,ay dhicanyada adeegyada Bulshada Sida Waxbarashada iyo Caafimaadka ,

Waan ognahay Puntland inaysan ahayn Maamul awood u leh inuu haqabtiro baahida dadka oo dhaqaale ku filan ma heli karo Balse waxaa jira mashaariic ay bixiyaan Deeqbixiyayaasha caalamiga ah Samafalkaas ayaa ahaaday mid aysan helin qaybtooda mashaariic horumarineed ee ay xaqa u  lahaayeen Deegaanadaasu .

Xukuumada Puntland ayaa cadaadis ugu sii dartay  shacabka reer Raascasayr marki ay aragtay ka hadalka baahidooda waxayna xir xirtay aqoonyahano iyo waxgarad badan oo ka soo jeeda deegaanadaas .

Raascasayr State Iyo Deegaanada Raascasayr

Waxaay shirar badan ku yeesheen Gudaha Iyo Dibada Isimada , Aqoonyahanada , Siyaasiyiinta ,  Ganacsatada ,Ururada Bulshada Iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulsha waynta Reer Raascasayr , Shirki ugu dambeeyay ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Caluula 15-17 /04/2011 shirkaas ayaa waxaa la isku Raacay in loo sameeyo deegaanadaas maamul Goboleed ka madax banaan Punland hoosgtagana Dawlada Dhexe, Qaybta deeqda Samafalayaashana ay saamigooda Si toosa u helaan deegaanadaasu Maadaama ay wixi ay xaq u lahaayeen Puntland meelo kale marisay mudo 13Sano ah  .

17/04/2011 ayaa waxaa lagaga dhawaaqay Magaalada Caluula Maamul Goboleedka Raascasayr State Of Somalia  ayna ka baxeen maamulki ay horay u hoos imaan jireen ee puntland Maadaama ay Puntland ka gaabisay wax u qabashada deegaanadaas iyo dadka ku dhaqanba, Shacabka ku dhaqan deegaanadaas ayaa si aad ah u soo dhoweeyay Maamulka Cusub

Waxaa la sameeyay Maamul Goboleed ka kooban Laba Gobol oo kala ah Binna Iyo Boolimoog  iyo 7da Dagmo oo hoos yimaada Labadaas Gobol , Gobolka Binna  waxa uu ka kooban yahay , Caasumada Gobolka  1:Baargaal , 2:Dagmada  Taageer  3: Dagmada Muudiye , Gobolka Boolimoog ayaa ka Kooban Caasumada Gobolka 1: Caluula 2: Dagmada Bareeda 3: Dagmada Xaabo 4: Dagmada Murcanyo .

Waxaa hoos yimaada dagmooyinkaan in ka badan 80 Tuulo ,

Waxa uu u sameeyay Dagmo kasta Maamulka Raascasayr  ,Gole deegaan   , Gudoomiye , Gudoomiye ku xigeen , Xoghayaha Dawlada Hoose , Taliye Ciidan , gasoore   , Guriga dagmada , saldhig ciidan , Maxkamad , Xarunta dawlada Hoose , Sidoo kale waxaa loo sameeyay Gobol kasta Gudoomiye Gobol iyo ku xigeenkiisa , Taliye qaybeed gobol kasta ,  waxaa la aasaasay ciimada qaybahooda kala duwan , waxaa la qaaday Cashuurti .

Sidoo kale dhanka adeegyada Bulshada ayaa lagu jiraa sidi looga hirgalin lahaa dagmo kasta meelihi ay horay uga jireena loo tayayn lahaa .

Waxaa la oran karaa waxaa uu sameeyay Maamulka Raascasayr State hawl aad u wanaagsan waana mid u baahan in loogu mahadceliyo xubnaha maamulka Raascasayr hawsha aadka u wanaagsan ee ay qabteen mudadi Yarayd ee  ay jireen ,

Gunnaanad

Soomaaliya ayaa ahayd Meel aan lahayn Wax dawlad ah Mudo 21sano ah dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu ah kuwo u kala hayaamay dunida daafaheeda waxa la soo gudboonaatay umada Soomaaliyeed dhibaato aad u daran oo dhinac kasta taabanaysa , waxaa burburay aasaaski guud ee nolosha waxay ahaadeen dadka Soomaaliyeed kuwo  dhex muquuray nolol jaahwareer .

Waxaa dalka dibadiisa lagu soo dhisay dawlado badan balse waxay ku guul daraysteen inay wax ka  qabtaa xaalada  guud ahaan wadankana ku soo celiyaan hanaanki dawladeed waxayna ahaadeen kuwo Caasumada wadanka iyaga oo la hardamaaya inay gacanta ku dhigaan wakhtigoodi dhamaado .

Waxaa hada Samaysmay Maamulo badan in kastoo badankood ay yihiin kuwo magac u yaal ah oo banaanka lagaga dhawaaqay meelaha ay ku magacaaban yihiin ay ka arimiyaan kooxo kale balse kuwa ka shaqa gala  deegaanada ay kaga dhawaaqeen Sida Soomaaliland , Puntland State  , Galmudug , Raascasayr State , Ximin iyo xeeb  , ayaa la oran karaa Waxay qabteen ama qaban karaan inay shacabka uga shaqeeyaan adeegyada baahiyeed ee bulshadu u baahan tahay ,Sida Sugida amaanka , Kor u qaadida iyo hirgalinta adeegyada Bulshada iyaga oo la kaashanaaya Samafalayaasha ,  sidoo kale ganacsatadu ka samaaynayso deegaanadaas Maalgashiyo  madaama ay nabadi ka jirto si dadku u helaan shaqooyin ganacsataduna ka faa,iido ,shacabkuna ka faa,iidaan  ,

Yaasiin Axmed

Allcaseyr.net

8 Comments

Filed under NEWS

8 responses to “Maxaa iska badalay deegaanada Raascasayr ?Warbixin kooban

  1. dhiiresa

    kan yere majeerten is one malah saxe ma aha oo waxbaa u dhiman war goormaa lakaltagay dadkii ku qaraaban jiray waa laga joojiyay oo nin waliiba wax uu yahay buu yahay ee dhfa ku kor noolaashah dadk iyo fanka beenta ah yaa futa cadiir kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. dhiiresa

    niinka yere abde jamac waryaa wadega yire tuulo dowlad manoqto waxaan kuu shege in aad garaneen tariikhda iyo khariirada inta aadn hadliin soo baro wax qurmoonyahoo xiqdiga iyo xasednimada ka badatay walee mantay adega iyo tolkaa waa ku foorartaa putland waxa babieyay waa kuwa figrada xun lah waad arkii doontaa halka ay iden geyso wax garasha laanta jahilyhoo aa caacalka d aayoo kadaba hara dadka aadan gareeyn

  3. Majerteen is majerteen….we are one…we die togather we live togather….Fuck other niggaz

  4. caliyare

    abdi jamac MAANDHOW gaban yar baa tahay oo taariikh khaldan la soo siiyay
    aqoon yari aad u baaxad waynina waay ku haysaa waayo qofka basharka ahi haddi uusan is aqoon waxa uu yahay,iyo inta tabartiisa la egtahay waxuu noqonayaa qof khiyaali ku nool , oo haddii qof ka baniaadamkuna uu ku noolyahay qiyaali waxaadhici karta in noloshiisa halis gasho waa taa durbadiiba aad isku kay sheegtay reerka aad tahay nasiib darrose anigu maahi qolada aad suluxleeyso
    nin ku yaqaan baan ahay . waxaana kuu aqaan nin hunguri wayn fuleyna ah
    waana halis ninku markuu labadaa isku darsado.
    taa haddan halkaa kaga baxo waxaa tiri puntland waa muqadas horta muqadas macnaheeda mataqaan ok waxaad illowday puntland inay wada dhisteen dad walaalo oo isu tagay ciddi doontana aay ka bixi karto simply.
    waxaad illowday in siwaaqroon hormuud ka ahaa waqtiigii puntland
    la dhisay waliba door fiican ka qaatey iyagoo wax munaafaqada lahayn
    waxaad illowday magaca aad ku baryo tagayso halka uu ka yimi marka walaal waxaan ku leeyahay allaha ku soo hanuuniyo waan ku dheeraaday qoraalkeyga raalli ahaada

  5. Abdi Jama

    Caliyare aad baad u kacsan tahay waanan ku arkaa, marka aad munaafaqada cusub kugu degto ee mireheeda hesho ayaad kaa wareysandoonaa. Adeer runta hadii aad dooneyso tuulo maamul ma noqonkarto sidaan horey halkaan kusoo qoreyna Bari majority waa taqaan cida degta.

    Aniga kama soo horjeedo walaalahey siwaaqroon laakiin runta waxa weeye reerka majeerteen waa ku muqadis wixii ka hor yimaada waa cadowka reerka. Adeer xitaa hadii uu ka hor yimaado qabiil ka mida Maxamuud Saleebaan oo ah 80% wadanka waa ka hor iimaanayaa xitaa.

  6. caliyare

    war waa ninka sita magaca cabdi jamac adeer waa hurudaa ee hurdada ka kac wake upp miskiin baa tahay soo habaabay ee orodoo websiteyada faroolahaad sheegeyso uu leeyahay ku qor vivo iyo wax la mida halkaan waa CASERYRLAND STATE OF SOMALIA

  7. Abdi Jama

    Siwaaqroon waa dadka ugu nabada jecel, waxaa meeshan waalaya waa dad cayrta dibadaha ku qaata. Adeer Majerteen waa isku mid yaan lakala dilin. wadankana waa lawada degaa wax la kalo jarjaraayana ma dhici karto. Puntland waa muqadis. Bulsha weynta P.land waa waalaalo wax dhibaato ah majidho dadka yaan been loo sheegin. viva puntland viva madaxweyne faroore.

  8. Abdi Jama

    Wax Raascasayr State layidhaa ma jidho, yaan caruurta iyo dumarka maskaxda laga xumeen. Wadanku waa Bari oo kasii ah Puntland.

    Wixii kasoo horjeestana waxa la horkeenayaa sharciga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s