DKMG, AMISOM iyo Shabaab oo wali ku dagaalamaya Muqdisho

Dagaallo gaystay qasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM oo dhinac ah iyo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa maanta waxaa uu mar kale ka qarxay Isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan-Cade ee Magaalada Muqdisho.

Dagaaladaani oo ahaa kuwa culus ayaa maanta Isgoysyada Aadan-Cadde iyo kan Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo hal dhinac ah iyo Xarakada Al Shaabaab, waxaana dagaalkaani uu daba socday dagaallo maalmihii lasoo dhaafay nawaaxiga Isgoysyadaasi ku dhexmarayay labada dhinac.

Madaafiic xooggan oo barbar socotay dagaalka ayaa ku dhacaysay daaraha ku yaalla Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo qaarkood la sheegay in dab ay ka dhaliyeen daarahaasi gaar ahaan kuwa ku yaala furumaha hore ee dagaalka.

5-qof oo la sheegay inay ku jiraan Saraakiil dhinacyada dagalaamayay ahaa ayaa ku dhintay ku dhowaad 10-kalana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah islamarkaana ku sugnaa Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Madaafiic daran doori ah ay ku hoobanaysay gudaha Suuqaasi oo maanta xiran maalintii 2-aad.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaaladaasi hase ahaatee dagaalkaani ayaa waxaa uu daba socdaa dagaallo xooggan oo galinkii dambe ee shalay, xalay ilaa iyo saakay ka dhacay nawaaxiga Isgoysyada Bakaaraha, Howlwadaag iyo Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada dowladda iyo AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman iyo Taangiyo dagaal ay fariisimo ka samaysteen Isgoysyadaasi, waxaa sii cakirmay howlihii ganacsi ee ka jiray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s