Caluula : Shir ay maanta wada qaateen Gudoomiyayaasha Dagmooyinka Gobolka Boolimoog iyo Barasaabka Gobolka

Gudoomiyayaasha Dagmooyinka Gobolka Boolimoog  iyo Barasaabka Gobolka Ayaa maanta shir albaabadu u xiran yihiin oo saxaafada banaanka ka tahay ku qaatay Magaalo madaxda  Gobolka Caluula .

‘Shirka ka dib ayaa waxaa U suurta gashay wariyahayaga Allcaseyr in uu warayso la yeesho  Barasaab Siciid Yusuf Diiriye waxa uuna  waydiiyay  waxyaabaha shirkaanu ku salaysnaa waxa uu Yiri .

” Waxaa maanta kulamo wada qaadanay Gudoomiyayaasha dagmooyinka Murcanyo , Xaabo , Caluula , Bareeda oo ah dagmooyinka Gobolka Boolimoog uu ka kooban yahay waxaan ka wada hadlay Horumarinta Gobolka iyo Guud ahaan sidi loo hawl galin lahaa Rugaha dawliga ah ee dagmo kasta iyo sidi Tuulooyinka hoos yimaada dagmo kasta loo gaarsiin lahaa adeegyada Bulshada sidoo kale loogu samayn lahaa Tuulooyinka Rugaha Dawlada Sida Saldhigyada Ciidamada , sido kale rugaha adeegyada Bulshada  sida   Rugaha  Caafimaadka iyo kuwa Waxbarashada ”

Sidoo kale Mudane Siciid ayaa noo sheegay inay kulamo la qaadanayaan Ganacsatada Dagmo kasta kana wada hadlayaan sidi ay gacan uga siin lahaayeen kor u qaadida iyo tayayna arimaha Bulshada .

Kulankaan ayaa ku soo  xili ay ku  sugan yihiin madax badan oo ka tirsan Maamulka Raascasayr State Magaalaada Caluula lagu wareejinaayo shaqaalaha dawlada Xilalkooda .

Allcaseyr.net

Caluula

Yaxye  Maxmed

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Caluula : Shir ay maanta wada qaateen Gudoomiyayaasha Dagmooyinka Gobolka Boolimoog iyo Barasaabka Gobolka

  1. dhiiresa

    ascww dhamaan reer casayr waa wada shaqeeyn wanaagsan iyo wada tashi guuleystayaal horay u soocda waxaa tahiin nuurkii bulshada casayr isteyt

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s