Madaxwayne Dooxajoog oo gaaray Dagmada Murcanyo

Madaxwaynaha Maamul goboleedka Raascasayr State Of Somalia Iyo wafti heer sare ah ayaa gaaray magaalada murcanyo ee Gobolka Boolimoog ,

Madaxwaynaha iyo waftiga la socday ayaa si heersare ah loogu soo dhoweeyay Magaalada Murcanyo ,

Waxaa Halkaas ay kulamo la qaateen Golaha deegaanka Dagmada Murcanyo  sidoo kale waxgarad iyo Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada .

4 Comments

Filed under NEWS

4 responses to “Madaxwayne Dooxajoog oo gaaray Dagmada Murcanyo

  1. dhiiresa

    ascww dhamaan yaqaayow gabay iska dhaaf waxaa dhahdaa fanaaye futo cadiir

  2. midnimada iyo maslaxada guud ayaa lagu garaa horumarka guud ee danaha shacabka
    qofkasta wuxu hor uyahay aragtidi sida ula muuqa, intaas kadib wuxu iska dhaaf hadda iyo dan inta geedi hanyaanka lagu jiro guga ladhowraayo, qaranimada guud iyo intuu goolku dhalanaayo in lahagaajiyo gobalka sow hal gara maha.
    dhalinyarow waxaa fican qofku in uu leeyahay hadaf guud waa in laga shaqeyo danaha shacabka somaaaliyeed waxaa loo bahan yahay dad xalaal ah.
    waxaa dhici karta in maslaxa soomaaliya laga helo dadka ka soo jeeda rasicaseyr state o ay keynaa maslaxad guud ee soomaaliyeed
    waxaa fican in aad ku fakerto inaad dadka is bedel ku sameyso una horseedo wado fican si loogaaro barwaaqo iyo nabad .
    haddii hadaf kaagu iyo fekerkaagu yahay Rasicaseyrland ka liya ma gaarid horumar ( marka hore waa in aad ka fakertaa somaliya sidii loogu heli lahaa xal waara)
    good stage : ( long term vission + mission + goal + objectives + activities)

  3. ascww dhamaan.
    idiriis waxa uu sheegay ilama aha in ay xaqiiqo tahay waxase aan ka leeyahay waa fikir iyo ufilid asaga uun ku kooban oo aan cidkale la qabin cidwaliba caqliyadeeda sidi ay tahay bay u hadashaa oo hor baa loo yiri (ninba taaktaa ninba tabartaa),waxaan aaminsanahay xoriyadda rayiga ,laakin waxaan u arkaa gabaygan xarfada ku yartahay in uu yaha sida hor loo yiri (cidbaay meele buktaa buktaa cidmay meele buktaa).
    waxaan ku soo gaba gabaynayaa calaa kulin oo aan leeyahay
    dadkeena kii neceb, dalkeena kii neceb gidaarka madaxa ha kuftee maxaa igalay waxba.
    abdalla.

  4. Feysbuuga geli waa su’aal faalo dheer mudane

    Feysbuuga geli waa su’aal faalo dheer mudane

    Fa,dda gabayga faalada murtida hoos u falaqaynta
    Fahanka iyo fiirfiirintuba waa fan gooniyahe
    Mar haddaan abwaanadu furfurin waa fashilantaaye
    Balse waan falaadiye rag iga fiican baa jirahee
    Furintiyo wexey iga xigaan feedha midigtaaye
    Mar haddaan umuuruhu fogaan wey fadhiyayaane
    Aniga iyo filkay baa halkii fudud la geeyaaye
    Ficiladaan yar yari waa waxaan fali karaayaaye
    Waxaan kaga filaadaaba inaan fuliyo weeyaane
    Afartaa fudeyd kuma hadlee oday falkiisii dheh
    Fantaaxna uma yeeline sidaad iga fileyseen dheh
    Afar kalena Allaha ii furee fa iyo woowgeed dheh
    Cumaroow fursadihii Calbari waa faaruur maranoo
    Farahaaba laga laabtayoo looma faaruqine
    Waxsey kaga fariisteen haddaan kaaga falanqoodo
    Waa duul faleen inay gurtaan meel fog kaga taalo’o
    Waa duul shabaag lagu faliyo fiilo baas wado’e
    Waa duul uu fikirkoodu yahay buuro fuul noqoo’ee
    Waa duul aan dib u fiiriheyn fiid wexey noqone’e
    Waa duul rag kale fuuqsadoo faaruqii dhigaye
    Waa duul aan ficil daarihayn fuley la moodaaye
    Waa duul iyaga lays faroo tooda faaqida’e
    Waa duul midkoodii fulyoo godob u faarfaaraaye
    Waa duul fulaan iyo fulaan reerba meel faqo,ee
    Fasalada cilmiga waa rag aan foodda soo geline
    Faa’iido kama raadiyaan fahan daraaseede
    Ka furayste jahliga iney fogeeyaane
    Farriid iyo nin fool adag calbari waaka faaruqaye
    Nacas foorara iyo liid xun oo faanayaa haraye
    Waa waxa fooraha loogu rogay faxanladoodiiye
    Fashilka iyo ceebaha haddaan fiiro ugu laabto
    Faruuryaha iyo afkaan kala xishoon iney fiidshaaniine
    Fikir iyo wareer baygu dilay foolxumiyo ciile

    Waa gabaygii uu tiriyey Idiris Saalax

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s