Siyaasi Boosaaso jooga oo la xiro maxay ka Badali kartaa Rabitaanka Shacabwaynaha Reer Raascasayr?

Sida aan la wada soco waxaa lagaga dhawaaqay Magaalada Caluula  Maamulka la magac baxay Raascasayr State Of Somalia  17/04/2011 Maamulkaan ayaa waxa uu ku yimi ka dib marki ay shacabka Reer Raascasayr u gudbiyeen codsiyo ku aadan Maamul u samayn deegaanadaas iyo Gaarsiinta  deeqaha Samafalyaasha Maamulka Puntland , Balse Aan laga jawaabin Codsigaas .

Shacabka ayaa dabalay Dareenkoodi ahaa inay baahidooda u gudbiyaan Puntland madaama aysan dhag jalaq u siinayn , Waxaay shacabku codsadeen in waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanadsaasu u istaagaan wax u qabashada deegaanaas iyo dadka ku nool .

Wada tashi Badan ka dib Waxaa lagu dhawaaqay Maamul goboleedka Raascasayr State Of  Somalia , waxa uuna ahaaday mid ay si diiran u soo dhoweeyaan shacabku una istaageen la shaqaynta Maamulkaas .

Hadaba Faroole oo isagu Garoowe aan soo dhaafi jirin ayaa marki uu maqlay Maamulka Raascasayr State waxa uu Yimi Magaalada Boosaaso Waxa uu ka bilaabay inuu amar ku bixiyo in Deegaanadaas laga jaro isgaarsiinta , Maalinti uu ka jaray maalinti ku xigtay waxa uu codsaday inay u yimaadaan wax garad ku dhaqan magaalada Boosaaso oo ka soo jeeda Deegaanada Raascasayr State .

Odayaashi ayuu ku yiri arintaan Raascasayr Waa in aad Wax ka qabataan Balse odayaashu waxay ugu jawaabeen wax aan ka qaban karo ma jirto anaga iyo adiguna waxba kama qaban karo oo waa mid ka timi Shacabka halkaas ku dhaqan .

Waxaa ka mid ahaa  Shakhsiyaadki u tagay Faroole Siyaasi Xareed Ciise Cumar , Faroole iyo Xareed ayaa waxaa dhex maray Hadalo kulkulul Xareed ayaa ku yiri , War dadkaasu waa kaa baxeen Puntland Dadki deegaanka Daganaa ayaana Sidaas doortay Ee haku wareerin anaguna waxba kama qaban karo adiguna waa in aad sii daysaa Isgaarsiinta , sidoo kale waxaan maqlaynay Dagaal ayaad abaabulaysaa ee hada dhankaasna waa la iska abaabulayaa ,

Faroole ayaa sadex casho ka dib amar ku bixiyay In la xiri Xareed Sidaasna uu wali ugu jiraa jeelka , Hadaba Su,aasha iswaydiinta Mudani Waxay tahay,Maxay keeni kartaa oo isbadal ah Qof la xiraa ?

Dabcan hadaan isku dayo in aan ka jawaabo waa mid aan wax macne ah lahayn Balse Faroole ayaa sii siyaadsanaaya Nacaybka  Shacabka ku dhaqan Inta hada Puntland la dhaho ee uu ugu magacaaban yahay madaxtinimada , waxaana la oran karaa Faroole waa shaqsi u haysta in dad la xiro oo wax la xumeeyo inay tahay Siyaasad Wanaagsan  Dabcan Siyaasadu ma ahan Mid taageero kaa fogaysa ee waa mid taageero kuu keenta .

Haddi aan u soo noqdo Raascasayr State Dabcan ma dhici karto in deegaanadaasu dib ugu darsadaan Puntland madaama aysan jirin dawlad dhexe oo dalka ka talisa baahida shacabkana haqabtirta,  guud ahaan Somaliyana aymaanta marayso Heer ah in bulsha kasti oo markaas u aragta inay ku midoobi karaan maamul isku dana yihiin  samaysato Maamul si loo helo haba yaraatee u adeegida shacabka laguna sugo dawlad dhexe oo dalka ka arimisa .

Hadaba Waxaa cadaan ah in Faroole uu dhibaato wayn ku haya deegaanada Puntland hada la yiraahdo Dhibaatadaas oo ah mid aan loogu aqoon Puntland Ka hor Faroole Waxaa la dilaa oo  la bartilmaameedsadaa Dadka Wanaagsan, Hadaba ha laga qaado Faroole meesha Ha is badbaadiyeen Reer Puntland shacabkuna codkooda ha muujiyeen  , Baarlamaan ku sheegaan Garoowe fadhiyaa ma ahan inay iska daawadaan dhibkaan uu Faroole wado , Isimadu ha u istaageen badbaadinta Puntland ilayn shalaytoba iyagaa soo dhisaye Daris wanaag iyo istaageeridna ha u muujiyeen shacabka Reer Raascasayr Iyo SSC oo iyagu horay u ahaa Puntland .’

Waxaan ku soo gunaanadayaa Qoraalkayga Faroole Shakhsi la xiraa macne badan ma samaynaayo Dereen shacabna lama hor istaagi karo Madaxwaynahayaal mudooyin badan soo ariminaayay ayaa mudo yar  shacabku ka rideen xakunkoodi  .

Qormadii

Yaasiin Axmed

Fikirkaanu waxa uu u gaar yahay Qoraaga

2 Comments

Filed under MAQAALO

2 responses to “Siyaasi Boosaaso jooga oo la xiro maxay ka Badali kartaa Rabitaanka Shacabwaynaha Reer Raascasayr?

  1. Asc. Qalad qalad ku sax wa waxa reer konfureed ragaadiye ee meeshaa maante dhigay. Maamulku wu tegi lkn waxa baaqi noqon dadka iyo dalka. Marka ogaada in dadku wada jirku wax ku yahay. Faroole wa shaqsi lkn Puntland wa dad iyo dal wajirkodana muhiim tahay. Marka inta sheydaanka la iska naaro wado kale oo maslaxo ku jirto aan tijaabina si looga gudbo waqtigaan xasaasiga ah. Wabillaahi tawfiiq

  2. masuul sare

    asc aniga hadaan ka hadlo fikirkeyga waxey tahay mar hadeey ka timid isbadalka deeganada raascaseyr in ay ka tshadaan faroole waxna usoo wadain aniga waxey ila tahay faroole in uu xir xiro siyaaasiin ama dad kasoo jeedo raasacaseyr waxe keyneysaa dagaal iyo cadawad iyo isnaceyb ee taas xal maahn faroole meesha uu xalka ka radinyao xal ma ahee waaa dhibaato kow oo hada bilaabaneysa runtii dhaman bulshada reer puintland ha ka tashteen nin kaan faroolle umada isku diray dalkiina baabiyay fidmo isdil is naceyb u keenay umada reer puntland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s