Madaafiic Qasaaro gaysatay oo ku dhacday degmada Wadajir

 Madaafiic gaysatay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ku dhacday xaafado ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Baanadir.

Inka badan 3-q of ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10-kalana way ku dhaawacmeen madaafiic maanta ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Baanadir.

Mid ka mid ah Madaafiicdaasi ayaa waxaa uu ku dhacay Xaafada loo yaqaano Saraha Booliska, waxaana halkaasi ku geeriyooday 3-ruux halka 6-kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo labo ka mid ah ay ahaayeen haween mid ka mid ahna uu ahaa askari ka tirsan dowladda KMG sida ay uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka ku sugan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo dadkii dhaawacmay la gaarsiiyay.

Sidoo kale Madaafiicda ku dhacday qeybo ka mid xaafadaha degmada Wadajir ayaa waxaa uu ku dhacay Ceelka Beder oo ka tirsan Xaafadda Buuloxuubey ee degmada Wadajir, waxaana Madafacaasi uu gaystay qasaaro dhimasho ah oo aan la’ogayn inta ay dhantahay halka labo kalana oo rayid ah ay ku dhaawacmeen.

Xiliyada aysan jirin dagaalada ayaa mararka qaar waxaa ku dhaca xaafadaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah Madaafiic oo aan la’ogayn cidda sida dhabta ah uga dambeysa, waxaana aheyd todobaad ka hor markii Madaafiic la mid ah kuwaani ay ku dhawaceen qeybo ka mid ah degmada Wadajir.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s