Boosaaso:Siyaasi Xareed Ciise Cumar oo Maalintii 3aad Xiran

Waxaa maalintii seddexaad ku xiran Xabsiyada Magaalada Boosaaso Siyaasi Xareed Ciise Cumar oo ay 2 Maalin ka hor Ciimada sida tooska ah uga amar qaata Mr Faroole ay ku xireen Magaalada Boosaaso.

Siyaasi Xareed ayaa maanta loo wareejiyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso,kaasoo loogu talagalay in lagu  xiro dadka ay maxkamadu xukuntay,lama oga ilaa iyo iminka sababta keentay xariga Xareed Ciise.

Mar aanu xiriir lasameynay Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Poliska Puntland waxay noo sheegeen in Xareed Ciise  ku xiranyahay amar kasoo baxay Madaxtooyada Boosaaso.

Dhamaan Bulshada Reer Raascasayr ayaa si wadajira ah u canbaareeyay Xariga sharci darada ah ee loo geystay  Xareed Ciise Cumar.

allcaseyr.net

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Boosaaso:Siyaasi Xareed Ciise Cumar oo Maalintii 3aad Xiran

  1. buuga geli waa su’aal faalo dheer mudane

    Feysbuuga geli waa su’aal faalo dheer mudane

    Fa,dda gabayga faalada murtida hoos u falaqaynta
    Fahanka iyo fiirfiirintuba waa fan gooniyahe
    Mar haddaan abwaanadu furfurin waa fashilantaaye
    Balse waan falaadiye rag iga fiican baa jirahee
    Furintiyo wexey iga xigaan feedha midigtaaye
    Mar haddaan umuuruhu fogaan wey fadhiyayaane
    Aniga iyo filkay baa halkii fudud la geeyaaye
    Ficiladaan yar yari waa waxaan fali karaayaaye
    Waxaan kaga filaadaaba inaan fuliyo weeyaane
    Afartaa fudeyd kuma hadlee oday falkiisii dheh
    Fantaaxna uma yeeline sidaad iga fileyseen dheh
    Afar kalena Allaha ii furee fa iyo woowgeed dheh
    Cumaroow fursadihii Calbari waa faaruur maranoo
    Farahaaba laga laabtayoo looma faaruqine
    Waxsey kaga fariisteen haddaan kaaga falanqoodo
    Waa duul faleen inay gurtaan meel fog kaga taalo’o
    Waa duul shabaag lagu faliyo fiilo baas wado’e
    Waa duul uu fikirkoodu yahay buuro fuul noqoo’ee
    Waa duul aan dib u fiiriheyn fiid wexey noqone’e
    Waa duul rag kale fuuqsadoo faaruqii dhigaye
    Waa duul aan ficil daarihayn fuley la moodaaye
    Waa duul iyaga lays faroo tooda faaqida’e
    Waa duul midkoodii fulyoo godob u faarfaaraaye
    Waa duul fulaan iyo fulaan reerba meel faqo,ee
    Fasalada cilmiga waa rag aan foodda soo geline
    Faa’iido kama raadiyaan fahan daraaseede
    Ka furayste jahliga iney fogeeyaane
    Farriid iyo nin fool adag calbari waaka faaruqaye
    Nacas foorara iyo liid xun oo faanayaa haraye
    Waa waxa fooraha loogu rogay faxanladoodiiye
    Fashilka iyo ceebaha haddaan fiiro ugu laabto
    Faruuryaha iyo afkaan kala xishoon iney fiidshaaniine
    Fikir iyo wareer baygu dilay foolxumiyo ciile

    Waa gabaygii uu tiriyey Idiris Saalax

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s