WFP oo joojisay shaqadii ay ka waday dhulka Somalida ee Ethiopia

Hay’adda cuntada Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ayaa sheegtay in ay joojisay howlihii gargaarka bini’aadanimada ee ay waday deegaanada dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho.

Kadib markii maalmo ka hor dil iyo dhaawac loogu geystay dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho shaqaale u shaqeynayay WFP, ayaa masuuliyiinta hay’adaasi waxa maanta oo khamiis ah ay shaaciyeen in ay joojiyeen howlihii bini’aadanimo ee ay ka wadeen deegaanadaasi.

Judith Schuler oo ah haweeneyda afhayeenka u ah WFP oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxa ay carabka ku dhufatay in WFP ay si kumeel gaar ahaan ay u hakisay howlihii cunaqeybinta ee ay ka waday dhulka Soomaalida ilaa inta ay ka hagaageyso xaalada amaan ee deeganadaasi.

“waxaa wali la la’yahay labo ka mid ah shaqaalaheena, labo kale midna waa la dilay midna waa la dhaawacay, sidaasi daraateed waxaan si kumeel gaar ah aan u joojiney howlihii aan ka wadnay kilinka Shanaad, balse dib ayaan u bilaabeyna hadii xaalado hagaagto” ayay tiri Judith Schuler.

Afhayeenka  WFP haweeneyda lagu magacaabo Judith Schuler waxa ay sheegtay in ay aad uga xunyihiin dhibaatadii ku dhacday Shaqaalaha WFP, waxaana ay ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamay dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay maamusho inay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha samafalka.

Jabhadda ONLF ayaa war dhawaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dilkii, dhawacii iyo afduubkii loo geystay saraakiisha Qaramada midoobay ka dambeeyaan ciidamada Ethiopia iyadoo Madaxweynaha deegaanka Soomaalidana Cabdi Max’uud Nuur uu sheegay in falkaasi ay ka dambeeyaan ONLF.

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment