Boosaaso:Faroole oo Amar Kubixiyay in Lasoo Xiro Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin Beeldajaha Guud ee Beelaha Cal-Bari iyo Beelaha Majeerteen

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr Faroole ayaa  maanta madaxtooyada kasoo saaray waraaq ay ku qoranyihiin xubno badan oo u dhashay Beelaha Raascasayr islamarkaana amary ku bixiyay in dhamaantood lasoo xiro.

Xubnahaas waxaa ka mid ah Beeldaajha Guud ee Beesha Siwaaqroon Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, mr Faroole ayaa amray in lasoo xiro Beeldajaha.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Beeldajaha maanta looga yeeray saldhiga qaybta ee Magaalada Boosaaso,Beeldajaha ayaa ku gacan seeray in uu tago saldhiga.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Poliska Puntland Korneel Cali Nuur ayaa ku gacan seeray amarka madaxwaynaha islamarkaana diiday in la xiro Beeldaaje Ismaacil Beeldaaje yaasin,Taliyaha ayaa arintaas ku micneeyay in ay tahay arin xadgudub ku  ah Sumcada Isimada Beelaha Harti.

Mr Faroole ayaa hurinaya colaad tii ugu xumeed ee ebad soo marta Gobolka Bari  isagoo doonaya in uu madaxa isku galiyo Beelaha walaalaha  ah ee wada daga Gobolkaas.hadii Beeldajaha Beesha Siwaaqroon la xiro waxaa halkaas ka dhalan doona dagaal weyn oo u dhaxeeya Raascasayr iyo Puntland.

Wararka kale ee naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in Siyaasi Xareed Ciise Cumar loo wareejiyay Xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso loona yaqaan Gaalshire.Siyaasigan ayaa xabsiyada Magaalada Boosaaso ku jirey in kabadan 48 saac mana jirto cid wali soo saartay maxkamad sheegtayna waxa lagu haysto,arintan ayaa imanaysa yadoo maantana saldhiga dhexe boosaaso looga yeeray beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin walow uu diiday Beeldajuhu in uu tago Saldhigaas isagoo isticmaalaya awoodiisa.

Waxaa nasoo gaarey liis ay ku qoranyihiin Magacyada Shakhsiyaadka uu Faroole amray in lasoo xiro,laakiin ma doonayno in aanu ka hor dhacno,waxaanu idin soo gudbinaynaa markii la gaaro waqtigeeda.

Wixii warar ah oo soo kordha kala soco

allcaseyr.net

11 Comments

Filed under NEWS

11 responses to “Boosaaso:Faroole oo Amar Kubixiyay in Lasoo Xiro Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin Beeldajaha Guud ee Beelaha Cal-Bari iyo Beelaha Majeerteen

  1. Abdi Jama

    Jiritaanka Puntland waa muqadis cidii kasoo horjeesta ilaahaw muunoqdo Mahamud Saleebaan waa in laga soo horjeestaa. Maanta Puntland sumcad qabiilada dega dhulka puntland waa in aanu kasoo horjeestaan dadka danaha gaarka wada ee reerkan waalaya. fikir dheer yeesha oo caadifada qabiil iska daaya.

    Maalmahan danbe Siwaaroon aniga uma bogin sida wax uwadaan gobolka bari waalada degaa markaa hala ogaado in maanta lakala jarjari karin.

  2. tankale dhalinyaro haysan xuman idin qaadin dadkeena la idinkudirin waayo faroole wa nin shaqsi ah marku ugu bato 5sanuu haynaya xilka madaxwayne hadana waba ka gabagabo,marka in majeerteen isku naco nin madaxwayne ah so ceebti aduunka mahan waqtiga lasuga oo saburba la yeesha,waxkasta nabadda ka muhiimsan ee shaydaanku yeysan idinka fa idaysa waliba shaydamin somalia bajira owax buun buuniya iyo kuwo kalkaliyo yaal ah kuwa kalkaliyasha ah waxa kamid ah,somaliland,dowdda kmg iyo qaybo badan oo kale,tusaale markan idinso qato somaliland dadkeeda runta hadi an idinsheego dad isjecel mahan wax daran waxay isku haysta sawiiro iyo dhul lkn hal moqif bay ka midaysan yihiin kaas oo ah midnimada dhulka iyo inay nabad dadku kunolaadaan ee ilaah halagabo o dadka dibada joga oo cayrta qata yeysan umadda walalaha ah kala dilin waxii latabaayo miiska wada hadalka halalatago,iyo wax garadka faroole na wa u utagaya eee sabur halooyeesho ,ilaah waxa ka baryaya dadka an jeclayn daroodka waxa aykufarxayan odhan inuusan u suurto galin kaas o ah in ilaah madaxa isku gasho daroodka waliba hartida oo aan ogahay malinti la iskudhaho in meelo badan oo somalia kamid ah xaflado dabaal dag laga samayn doono,

  3. walalyal waxan idin shegaya sida talo maha waa ianan kakacno mesh nainkasna iska celina meel uga soo wada jensana oo iska celina wayo waxabu kushekey nayainu xiro aqon yahanda iyo boqorada rerka tasi waa inu isdilo walahi maqadaneno tas regayagow waa iska cilin jiray dadaka cadowga hadana waa iska celineyna sidiyo kale waxa nalaga raba isku dubni weeyn hala kaco halakaco

  4. anigu wax kale ma odhanaye besha gaheyla dagal diyar bey u yihin
    ineey difacdan sharaftoda beldajahoda neh laso eegi karin ee
    ibrahim abdisamadow iyo cise colyahanow iyo daudow iyo rer liban idinka
    bari uku badane dagal kaso bilaba dhinaca bari anagu neh sanaag
    ban toos uka so dhadhacena wlh hal qabil inu na hos istagi karin
    ama cidan puntland ah oo na hawesan gadha ma jidho ee puntlantan
    sharafta tolka mel uka dhaceysa anu dagal ku qadno haba walatee
    ayaga wax uka fool xuun ma jidho atam bey ka baqanayan hada anagu
    hadanu ku qadno dagal wlh weey isku xarayan side u hawestan beldajaha besha tolow gaca

  5. SUWAAQROON TALO AAN IDIN SIIYO NINKAN ISINKIINA HA LA SOO XIRO DHAHAAYA IDINKANA WAA ISLAAMKA SOO XIRTAAN QANIIYO QANIIYAA KAA FUJISO

  6. caliyare

    SIWAAQROON waxaan idiin sheegayaa waxakan dulliga ah ee faroole waxuu iclaaminayaa waa dagaal sokooye oo ka dhaxdhaca dadka walaalaha ah ee alle ka badbaadiyay 20kii sano ee burburka ka jiray somaliya inkastoo aan oran karo hadda nabadi mataalo oo meesha aaay mareeyso nin waliba oo garaad lihi waa og yahay laakiin waxaa soo socda in si
    toosa majeerteenka isugu dhaco wayna imaneysaa taa iga qora , waayo way dhammatey sharaftii iyo karaamadii reerkii majeerteen uu lahaa waxaana ku cayaarey faroole iyo reerka uu sheeganayo ee maxamuud saleebaan, waayo maxamuud saleebaan waxaan u leeyahay haddey is qabtaan oo xumaanta aayan ku midoobin waay qaban lahaayeen waxakan sumeysan ee fuleyga ah.
    waxaa la yiri nacasku tolkii buu u xaniinyo weynyahay haddi uu nin raga yahay SIWAAQROON dowlad buu ku dhawaaqay ee ha aado meeshay joogaan . middeeda kale war ninka iney wax si ka yihiin garoowe duleedkeeda iddoor baa ku dul feesteenayay isagiina maalinba reer tolka ka mid ah buu xagxaganayaa , horaa loo yiri doqontu 12 indhood bey leedahay 11 waxayku eegtaa walaalkeed halna cadowgeeda.

  7. ascww dhamaan.
    waanu la soconay amuuraha maalinba maalinka ka danbeeya sida uu dhaqankiisa ahaa waxarka garowe ee aan inaba aqoon maamul kuna darsay akhaaq xumo iyo daandaansi uu u filay in uu wax kaga buli karo reerka aanu ka dhalanay iyo guud ahaanba beela majeerteen iyo kuwa harti waynaha ee arkaaya majnuunkakan beesha iyo beelaha uu isku taagayo ,go aanka gyga shakhsi ahaaneed oo aan halkan ka oran lahaa waxay ku xirantahay dhabtii in aan maqlo si cad cod iyo muuqaalba sharaflaha iyo madaxa beesha xuseen talareer beeldaaje ismaaciil beeldaaje yaasiin oo noo soo xaqiijiya in sharafkiisa shakhsiga ah kan beeshiisaba uu ninkani waalan meelkaga dhac ku sameeyay markaa ayaan taladeena iyo goaankeena rasmiga ah naga maqlaaysaan waana aan imanaynaa anagoo u imanayna in aanu iska dhicino cidalaale iyo cidii damacsan in ay na colaadiso.
    mahadsanidin.
    abdalla.

  8. walaahy waxay aniga ila tahy mar hadii isimadii iyo odayaashii loo dhigaty waa dagaal cad farahana lagama laaban karo haday taasi dhacdona alle naguma keenee oo beeldaajaha la xiro bahdil inoo haray ma jiro waxaana ku talin lahaa in beeldaaju haduu bosaso joogo loo sameeyo istaaf khaasa oo jawaab ka bixiyaa falal aan la qaadan karin hadii loo la yimaado beeshuna isku meel uga soo ada jeestaan cadwgooda faroole iyo waxa u hoosta ku wato

  9. Toosiye

    Hadday run noqoto oo Faroole amro in beeldaaje la soo xiro waxey noqoneysaa tuu Majeerteen ku kala tegi lahaa. Siwaaqroonna waa iney isu diyaariyaan iney iska diffaacaan Faroole iyo qurunka uu kula wareegayo dadka walaalaha ah. War Ciise Maxamud isma qabtaan miyaa may wax u sheegaan ninkaan usha xaarka leh la wareegaaya oo ay sacabka la daba taaganyihiin.
    Dad baa waxey la yaaban yihiin ammaan xumada iyo dilalka ku soo batay deegaanada iyo magaalooyinka Puntaland. Ma oga inuu ka danbeeyo Faroole oo maalin qolo harti ku duulaya ama ajarafeynaya. Puntalnd wexey si fiican ugu dhacday jidkii ay ku burburi laheyd haddii aysan dadku is garan oo ninkaan cawaanka ah iska qaban.
    Anigu dagaal Majeerteen ama Harti dhexdiisa ah cidna ku waanin maayo hadalkayguna laab la kac maaha laakiin Puntalnd waxa ka soo socdaa qof kasta oo caqli leh wuu arkaa haddii aan la daba qabanna nabadda ay ku faanto waxey noqon doontaa taariikh lagu sheekeysto

  10. masuul sare

    asc walaahi aniga talada waxey aheyd hadii uu falkaan ku kaco faroole waa daagl bilaabmay oo sida ugu dhaqsaha badan lala dagaalama dhamanaan beesha joogta bosaso in isku diyaariyaan dagaalfaroolw adna waxan kuu sheegaya waxad wax hanaga siin

  11. Abdirizak Yassin

    Aslaamu caleykum waraxmatulahi wabarakaatu dhamaan bulshada somaliyeed, khaas ahaan beeldajaha uu amray faroole in lasoo xiro,slaan kadib. arintaas waxaa ka xumaaday dhamaan bulshada reer puntland oo ah dad walaalo ah, waa arin gef ku ah sharafta isimada, khaas ahaan beeldaje Ismaciil Beeldaje Yaasin. waxan rabaa inaan u sheego faroole : faroole waxad sameysay khalad aad u weyn oo aanayn sameyn karin iskadaa qof madaxee, qof waalani. faroole hadaan ku xasuusiyo dhismaha puntland waad hurudey baan umaleynayaaye, waxa dhistay beelaha degan puntland, hadii beel kamid ah ay dawladu wax u qabanweyday oo ay isku raacen inay iskaga baxan puntland, xoog laguma lehe waa fasaxanyihiin. waxan waligiis wax maamulin baad tahaye. beesha siwaaqrona waxan leeyahay dad aan dhiig lahayn baad tihiine, waxa laydinku sameeynayo waa wax aaan waligeed puntland iyo somaliyaba ka dhicine, waana wax idinka laydin ka arkaye, hintaad xubnaha aan nafta lahayn ee xukumada idinku jira kala baxdaan, iska celiya dadka sharaftooda wax udhimayah. waxa laydinku sameynayo iska daa dhaqanka somalida ee diintu xataa way xaraantinimaysay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s