Kusimihii Gudoomiyaha Maxkamadda G/Sool iyo nin ganacsade oo la dilay

la dilay

Kusimihii gudoomiyaha Maxkamadda gobolkaa Sool iyo nin ganasada ah ayaa caawa lagu dilay Magaalada Laasacaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Wararka ka imaanaya Magaalada Laasacaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidkii caawa dil loogaystay  kusimihii gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Sool Sheekh Max’ed Ibraahim Samatar iyo nin ganacsada ahaa.

Dilka ayaa gaystay sida la tilmamay ruux ku haybaysnaa Bastoolada oo wajiga u duubnaa, iyadoo markii uu dilay kusimihii gudoomiyaha Maxkamadda Sool uu kasoo horbaxay nin la tilmaamay in uu ahaa ganacsada kaasi oo markii dambe uu isna ku dilay isla goobtii uu ku dilay kusimihii Maxkamadda gobolka Sool.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay Ciidamada Maamulka Somaliland oo halkaasi ka bilaabay baaritaano oo ay ka baadi goobayana ruuxii ka dambeeyay falalkaasi dilalka ah hase ahaatee ilaa iyo iminka lama oga cidda ay kusoo qab qabteen howlgalkaasi.

Magaalada Laasacaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilalka qorshaysan oo loo gaysanayo Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland, iyadoo arintaani ay walaac xooggan ka muujiyeen Waxgaradka iyo aqoonyahanada ku nool Magalaada Laascaanood ee gobolka Sool

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s