Kulan ay yeesheen labada Shariif oo is afgarad waa ku dhamaaday

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo gudoomiyaha barlamanka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqisho waxaa ay uu kusoo dhamaaday mid is afargarad waa ah.

Kulankaani maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay ku yeesheen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha Golaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ay labada Mas’uul ugu wada hadleen doorashada Madaxtinimo ee la filayo in la qabto bisha August ee soo socota.

Sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Xarunta Madaxtooyada, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh oo hadalka bilaabay ayaa waxaa uu gudoomiyaha barlamanka u sheegay in ka gudoomiye ahaan uu Mas’uul ka yahay kacdoonka Mudanayaasha barlamanka ee ku aadan in bisha Augusta la qabto doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha barlamanka ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu ku waragaliyay in hadii uu qabo aragti lagu baajin karo doorashada Madaxtinimo loo baahanyahay in uu ka hor cadeeyo Mudanaaysha barlamanka KMG Soomaaliya islamarkaana isaga gudoomiye ahaan u dhoorayo Axdiga Federalka KMG ah.

Ugu dambeyn markii ay labada Mas’uul hadalka isku mari waayeen ayaa Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la sheegay in uu yara kasoo dabcay Mowqifkiisa ahaa in doorasho aan la qabanayn bisha Augusta waxaana uu gudoomiyaha barlamanka ka codsaday inay dib isugu soo laabtaan 18-ka bisha 5- aad ee 2010-ka islamarkaan ay kasii xaajoon doonaan arimaha doorashooyinka Madaxtinimo.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s