Dibadbax ka dhan ah gooni isu taaga Somaliland oo ka dhacay Sanaag

Banaanbax balaaran oo looga soo horjeeda gooni isu taagga Maamulka Somaliland ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Baran ee Xarunta gobolka Sool.

Dibadbaxaani ahaa mid loogu soo horjeeday gooni isu taagga Maamulka Somaliland ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada  Baran ee Xarunta gobolka Sanaag, waxana banaanbaxaasi ka qeyb galay dad weyne aad u farabadan oo isug jira Aqoonyahano, Haween, Caruur iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Dad waynaha ayaa waxa ay ku dhaawaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen (Dooni maynayo gooni isu taagga Somaliland) iyo ereyo kala oo ay ku muujinayeen sida ay ugu xun yihiin in Maamulka Somaliland uu gooni ka noqdo Soomaaliya inteeda kale.

Mid ka mid ah dadkii bananbaxaasi dhigayay oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu ahaa mid ka dhan ahaa gooni isu taaga Maamulka Somaliland, isagoo tilmaamay in dadkii kasoo qeyb galay ay wateen Calanka Baluuga ah ee dalka Soomaaliya.

Banaanbaxaani ayaa waxaa uu imaanayaa xili maanta Maamulka Somailand ay u dabaal dagayaan 20-guuradii kasoo wareegatay  gooni isu taagga Maamulka Somaliland, taasi oo ay si aad ah ugu soo horjeedaan Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s