Xildhibaano cambaareeyay gudoomiye ku xigeenka barlamanka

Mudanayaal ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamanka uu meel ugu dhacay barlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanadaani oo maanta kulanka ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen hadal dhawaan kasoo yeeray gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamanka KMG kaasi oo ku eedeeyay Madaxweynaha Jabmhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in uu ka horyimid gudiga doorashada barlamanka Soomaaliya.

Mudanaaysahaani ayaa waxa ay sheegeen in arintaasi ay tahay nasiib daro islamarkaana gaf loogu gaystay shacabka iyo Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay tilmaameen in Madxweynaha Jabuuti uu yahay shaqsi jecel horumarka  dalka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamanka KMG Soomaaliya Axmed Dhinbil Rooble (Casawe) oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ugu horeyn raali galin ka bixiyay hadalka kasoo yeeray gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamanka, isagoo sheegay in arintaasi aysan la qabin golaha barlamanka balse uu tibaaxay in hadalkaasi uu ahaa mid uu ugu adeegayay dano gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan C/raxmaan Max’uud Faarax (Janaqoow) oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamanka uu meel kaga dhacay golaha barlamanka islamarkaana uu san tixgalin xilka uu u hayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu shaaca ka qaaday in qaranka Soomaaliyeed looga baahanyahay in raali galin buuxda ay ka bixiyaan gaf uu tilmaamay in loo gaystay Madxweynaha iyo shacabka reer Jabuuti.

Hadalkaani ayaa imaanaya xili Mudanayaal ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya oo uu horbooday gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ay ku cambaareeyay Madaxweynaha Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle in uu kasoo horjeeda doorasho ka dhacda dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s