Tacsi:Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Raascasayr State oo Tacsi u Diraya Ehaladii Iyo Qaraabadii uu Ka Geeryooday Marxuum Naboodon Saciid Shire Walbaq

Madaxwaynaha iyo dhamaan Isimada Raascasayr Satate waxay tacsii tiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii iyo beeshii u ka geeryoodey Nabadoon Saciid Shire Walbaq. Waraaqda nasoo gaartay ayaa sidan u qorneed.

Waxaa halkan Tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii iyo Beeshii u ka geeryooday Nabadoon Saciid Shire Walbaq oo caawa ay dishay gacan ka xaqdaran isagoo kasoo baxay Salaada Cishaha.

Runtii nabadoonka si fiican ayaanu isku naqaana in mudda ahna waanu wada shaqaynay wuxuu ahaa nin ehlu diin ah,Daacada ah,Mar walbana wuxuu ka shaqayn jirey Nabada iyo Horumarka.

Anigoo ku hadlaya magaca xukuuma Raascsayr State iyo  dhamaan reer Raascsayar waxaanu mar labaad Tacsi u direynaa eheladii u ka geeryooday Nabadooku waxaan ilaahay uga baryayaa in uu raxmadiisa siiyo  kana waraabiyo janatul fardawsa.

4 Comments

Filed under COMMUNITIES

4 responses to “Tacsi:Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Raascasayr State oo Tacsi u Diraya Ehaladii Iyo Qaraabadii uu Ka Geeryooday Marxuum Naboodon Saciid Shire Walbaq

  1. INAA NILAAHI WAINAA ILAAHI RAAJUCUUN
    MARKA HORE TACSI AYAAN UDIRAYAA MARXUUMKA ,HADAANMAGACA NIDII SAXONO WAA SHIRE SICIID
    TANKALE HADAAN KAHADLO DILKII MAAHAN DIL MEELKALE KAYIMI WAALAGARANAYAA WIXII DILEY WAANA CADAAN OOMEEL SHAARIC AH AYUU DILKU MARDHAWNA TACSIYO BADAN AYAA LADIRI DOONAA ISHAALAAH

    WADNA MAHADSANTIHIIN

  2. masuul sare

    inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun dhamaan waxaan uga tacsiyeynayaa ehaldii uu ka geeriyooday nabadoon siccd shire waxana ilahay uga baryayaa in uu naxariistiisa ka waraabiyo

  3. Ganey

    Ilaaheey naxariistiisa ha geeyo nabadoonka intuu ka tegeyna sabir iyo iimaan haka siiyo. Nimankaan dadka wax galka ah masaajidda iyo meelaha muxramka ka ku laynaya waxaa xaqiiqo ah iney ka danbeyso gacan shisheeye weerar lagula dagaalamayo diinta islaamka. Dadku waa iney baraarugaan oo dadkaan la adeegsanyo ee wax ma garatada iyo jaahiliinta isugu jirana layska qabtaa. Danta ugu weyn ee laga leeyahay waa inaan masaajidyada lagu tukan oo dadku ka baqaan oo sidaa diinta islaamka lagu daciifiyo dadka walaalaha ee reer Puntlandna layska hor keeno oo shaki lagu kala abuuro. Kuwo Ciidan isku sheegga ah ee maalin Galgala ku duulaya maalinna uu Raascaseyr State u xir xiran my marka hore magaalooyinka Puntaland nabad gelyadeeda sugaan intey deegaanno nabad ah weeraridooda iska daayaan.
    Cajiib!!!!!!

  4. acww .
    inaalilaahi wainaa ilayhi raajicuun.
    alaha u naxariisto inta dhimatay eheladi iyo beeshi iyo qaraabooyinki oo idil na rabi samir ha ka siiyo ,int dhimatayna rabi khaaliqa ahaa ayaan aga baryeenaa in uu janatul firdosa geeyo oo uu ka waraabsho ,khaaimiinta gacan ku dhiiglayaasha ah ee rabi iyo rasuul aqoona waxaan rabi aga baryeenaa in uu aduun iyo aakhiraba ku cadaabo oo iyagoo nool ay go go aan,aamiin aamiin aamiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s