Mahiga:“AU-da & IGAD haka qeyb qaataan xalinta Madaxda DKMG”

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Urur goboleedka IGAD iyo AU-da inay ka qeyb qaataan xalinta qilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Mahiga oo u waramay Warbaahinta ayaa waxaa uu ugu baaqay Urur goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Afrika inay xal ka gaaraan is fahan waaga siyaasadeed oo u dhaxeeya Mas’uliyiinta dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo salka ku haya xiliga laga qabanayo doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

“ Waxay tahay muhiimadda 1-aad in la dhameeyo qilaafaka DKMG, waxaan ugu baahanahay dhamaan qeybaha kala duwan ee Golaha  Amaanka, Urur goboleedka IGAD iyo AU-da inay si deg deg u xaliyaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda DKMDG, waa lama huraan in aan in dhaha aan laga qabsan jahwareerkaani” ayuu yiri Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Mahiga waxaa uu marka kale ka digay is fahan waaga u dhaxeeya Mas’uuliyiinta DKMG inay sii socdaan, isagoo shaaca ka qaaday in barlamanka iyo Xukuumadduba aysan doonayn in uu dhaco is badal taasi oo uu sheegay inay majaxaabinayso dadaalada lagu doonayo in xaal loogu gaaro dhibaatooyinka Soomaaliya.

“Waxaan ku rajo waynayn in mar un la dhameeyo muranka DKMG si loogu guulaysto in bisha August la qabto doorashada madaxtinimo, waxaana loo baahanyahay in Mas’uuliyiinta DKMG ay ka gudbaan is qab qabsiga siyaasadeed ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta DKMG” ayuu yiri Ambassador Mahiga.

Ugu dambeyn Mahiga waxaa uu xusay in Golaha amaanka uu fuliyo in kulan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeeshaan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, Urur goboleedyada IGAD iyo AU-da si ay ugu hadlaan qaabka ugu sahalan ee loo dhamayn karo is fahan waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s