Shabaab oo soo bandhigay Meydka Sarkaal ka tirsan AMISOM

Xarakada Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigtay Meydka Sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magalada Muqdisho, iyadoo Taliska AMISOM ee Muqisho uu faah faafhin ka bixiyay Meydkaasi.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xerada Maslax ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu soo bandhigy Meydka Sarkaal uu sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada AMISOM kaasi oo uu tilmaamay inay ku dileen dagaalkii ka dhacay Magalada Mudisho.

Sheekh Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay in Sarkaalka ay soo bandhigeen lagu magcaabo Rijad Alfared oo u dhashay dalka Uganda sida uu hadalka u dhigay, isagoo sidoo kale soo bandhigay Dikumintiyo uu sheegay in uu ay ka heleen Jeebabka Sarkaalka ay soo bandhigeen, waxa uu intaasi ku daray Afhayeenka Al Shabaab  in dagaalka ay ku dileen Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada AMISOM sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Paddy Ankunda oo la hadlay Idaacadda  Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii cuslaa ee maanta ee uu kaga dhintay Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM islamarkaan ay ka dhawacmeen 3-ka mid ah Ciidamooda, isagoo intaasi ku daray in dagaal shalay Muqdisho ka dhacay uu sidoo kale kaga dhintay Sarkaal ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Paddy Ankunda waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay Meyd la jiijiido, waxaana uu sheegay in dagaalada Muqdisho ay horumar ka gaareen islamarkaan ay dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo magaciisu uu kuso gaabiyay Burhaan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment