Madaxweynaha Jabuuti oo magacaabay gole wasiirro oo ay saddex haween ah xubno ka yihiin

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo magacaabay golihiisa wasiirada cusub oo ka kooban 22 xubnood oo ay ku jiraan saddex haween ah, waxaana wasiirro ka ah 13 xubnood.

Xukuumaddan cusub ayaa hoggaaminaysa dalka Jabuuti shanta sano ee soo socota, iyadoo dhismeeda uu imaanayo kaddib markii toddobaadkii hore xilka madaxnimo markii saddexaad loo dhaariyay Ismaaciil Cumar Geelle oo 63-jir ah, dalkaasna soo xukumayay 12-kii sano ee ugu dambeeyay

Wasiirada la magacaabay ayaa waxay kala yihiin:

1. Ra’iisul wasaaraha Jabuuti, Dileyte Maxamed Dileyti
2. Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Mr. Cali Faarax Casoowe
3. Wasiirka Maaliyadda, Lacagta iyo Warshadaha, Ilyaas Muuse Ducaale
4. Wasiirka Gaashaandhigga, C/qaair Kaamil Maxamed
5. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Maxamuud Cali Yuusuf
6. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xasan Dirir Hufane
7. Wasiirka Ganacsiga, Cali Yacquub Maxamuud
8. Wasiirka waxbarashada, Dr. Cadaawe Xasan Cali
9. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dr. Nabil Mohamed Axmed
10. Wasiirka Beeraha, Maxamed Axmed Cawaale
11. Wasiirka Gadiidka, Maxamed Muuse Ibraahin Balala
12. Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xaamud Cabdi Suldaan
13. Wasiira Tamarta iyo shidaalka, Dr. Fu’aad Axmed Aye

Xubnaha kale oo iyaguna isugu jira wasiir ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal aya waxay kala yihiin: Cabdi Xuseen Axmed, Xasan Cali Bahdoon, Muuse Axmed Xasan, Hasna Barkat Daoud, Axmed Cali Silay, Amaare Cali Saciid, Cabdi Cilmi Ashkir, Sahro Yuusuf Qayaad, Aamina Cabdi Aadan iyo Jaamac Cilmi Ookiye.

Waa dowladdii saddexaad oo uu dhiso madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle tan iyo markii uu ku guuleysatay doorashadii ugu horreysay 1999-kii, isagoo xilligaas ka guuleystay madaxweynihii uug horreeyay ee dalkaas marxuum Xasan Guuleed Abtidoon.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s