Dagaalada Muqdisho oo habeensaday iyo faah faahin kasoo baxaysa

Faah faahin dheeraad ayaa kasoo baxysa dagaal culus oo saakay ilaa iyo galinkii dambe ee maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa aroorinimadii hore ee saakay waxaa uu ka qarxay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo duhurnimadii maanta uu u muuqday mid qaboobay ayaa hadana galinkii dambe ee maanta waxaa uu ku xoogaystay goobihii ay ku dagalaameen Ciidamdaa dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay isku is adeegsadeen hub cul culus.

Wararkii ugu dambeeyay oo ay Shabelle helayso ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkii maanta ay ku geeriyoodeen in ka badan 15-ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah halka dhaawacuna uu sii caga cagaynayo 20-ruux, iyadoo inta badan dadkii dhaawcmay la gaarsiiyay Xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaani oo soo gaaray maqribnimadii caawa ayaa waxa uu si goos goos ah wali kaga soconaaya goobihii dagaaladu ay ka qarxeen, waxaana ilaa iyo iminka aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalka uu u dhaxeeyo

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s