Dawlada Britain oo shaacisey qorshe ay safaarada uga furanayso magaalada Muqdisho

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain , William Hague aya manta shacaa ka qaadi  niyadisa ku aadan in dowladda Britain ay damacsantahay in ay dib u furto Safaradi Britain ee Soomalia, hadii xaaladda soomaliya ay wangasanaato.

Hadalka ka soobaxay xoghayaha arrimaha dibedda ee dowlada UK wuxuu muujinaya muhiimada Soomaliya ay u leedhahay xasillonida Gobolka iyo dagalka ka dhanka ah aragagaxisada iyo burcad badeeda.waxaa kale oo ay mujineysa  tageyradaa dowladda UK   in la heelo wadan  xasilon oo ay yeeshan shacabka soomaliya.

Qorshahan dib u furida Soomaaliya ee wadanka Britain ayaa la sheegay in uu ku lamaansan tahay dadaal xukuumada Britain ay safaarado uga sameynayso wadamada El Salvador, Kyrgyzstan, Koonfur Suudaan & Madagascar.

Warsafaadeed uu soo saarey xoghayaha amuuraha dibada Britain itain William ayuu ku sheegay in safaarada Britain ee Soomaaliya in la furi doono mar ugu horeysay ee la helo fursad la xiriirta dhanka amaanka, isagoo sheegay in ay ku xiran tahay amaanka Soomaaliya dib u furida Safaarada British-ka ee magaalada Muqdisho.

12-ki bilood oo  la  so dhafay aya dowladaa  UK waxay  kordhisay howlaha ay  ka wado dalka Soomaliya.  Bishii May 2010 ayaa  waxaa  la magacabay  Wakiil Sare ee UK  u qaabilsan Soomaliya. Febrayo, 2011  Xoghayaha  Hormarka Calamka , Andrew Mitchel aya  kudhawaqay in dowlladda  Britain ay  3-dax jibareyneyso lacagaha deeqaha ee Soomaaliya.  Waxaa   kale oo la  aasaasay ,

Xafiska  Britain  ee Soomaliya  oo hostagaa Safaaradaa Britain ee Nairobi. Xafiska Britain ee Soomaliya waxa uu  agasimayaa howlaha in ka  badan 30 shaqale oo   ka howlgala , Hayadaa  Hormarka Caalamiga ee DFID ,  xafiska arrimaha dibeddda iyo dalalaka Barwaqa sooranka ee  Foreign and Common Wealth Office, qeybta ka shaqeyso xasiloonida (Stabilization Unit)  iyo wasarada gashandiga.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s