Beesha Cali Saleebaan ee W/Maraykanka oo Baaq ka soo Saaray Xiisada R/Casayr State iyo tan Galgala

Beesha Cali Saleeban ee Waqooyiga America iyo Yurub ee qurba Joogta ah waxay baaq iyo go’aano ka soo saareen dhiilada colaadeed ee ka taagan mamuulka la baxay Raas casayr State. Haddaba, beeshu waxay ku baqaysaa qodobada hoos ku xusan:-

1- In aan ka soo horjeedno wax dhibaato ah ama colaad ah in ay ka dhacan Gobolkaas.

2- In ay xaq u leeyihiin beeshaas in ay ka tashadaan aayahooda oo aan la caburin.

3- In aan la weerari karin deegamada ay beeshu degto.

4- Waxaan uga digeynaa shaqsiyaadka ka tirsan Mamulka Puntland ama wasiir ha ahaado ama jago kale ha hayo oo ka qeybqaata in beeshu talabo adag ka qaadi doonto.

5. In haddii la’isku dayo in beesha Sawaakhroon dulaan lagu qaado aynaan ka indha qarsan doonin beesha Cali Saleeban, wixii ka yimaadana ay Masuul ka noqon doonan Mamulka Puntland.

6- Waxaan ugu baqaynaa Beel daajiyaha guud ee Cali Saleeban in uu u istaago dhiiladaas waxna ka qabto si loo joojiyo dhiig daata loogana hortago dulmiga Mamulka Puntland.

7- Waxaan ka soo horjeednaa dulaankii Galgala lagu qaaday oo ay ku dhinteen dad walaalo ah talo badana beeshu ka bixisay lagana indha saabtay wixii ka dhacayna waad ogtihiin.

8- Waxaan ka soo horjeednaa xumaanta iyo caga juglaynta maamulku ku
hayo walalahayaga Dhulbahante, kuwaasoo xaq u leh in ay aayahooda ka tashadaan.

9- Waxaan ugu baqaynaa dhamaan beelaha dega Gobolada Puntland in aayan ka qeyb qaadan duulaan kasta oo lagu qaadayo Beesha Sawaakhroon ama Beel kale oo Reer Puntland ah.

Wabilahi Toowfiiq.

Wixii su’aal ah kala xariir:

Axmed Ciise Kaarshe
Afhayeenka Cali Saleebaan ee Waqooyiga America
sugulejalxad@yahoo.com

 
 

6 Comments

Filed under COMMUNITIES, NEWS

6 responses to “Beesha Cali Saleebaan ee W/Maraykanka oo Baaq ka soo Saaray Xiisada R/Casayr State iyo tan Galgala

  1. cabdalle qaylo

    waan ogayn inay beesha cali saleebaan marna raali ka ahayn in dagaal lagu qaado walaalohood ay isku degaanka yihiin arigooda iyo geelooduna isku meel daaqaaan sidoo kale waxaa ka soo hor jeeda beelaha daga gobolada puntland intooda badan %85 farooloow waxaan ku leenahay geelii kaa kala baxsay kkk dadkii kaa kala tage ee meesha u banee maamulada cusub iyo dad miskaxdoodu tahay fresh

  2. masuul sare

    asc
    aniga waan aqaanaa in beesha cali saleebaan waa qabiil aan wax eed ku laheyn bulshada reer puntland cidna dhib kama galain goaankoodana waa cad yahay hadey baq ka soo saareen arintaan taagan

  3. waxan kacodsanlahaa dadka kuqora commentga halkan inay iska ilaaliyaan wixii denbi ukeenikara , waayo waxaa khalada inaadtiraahdid reer hebel baa sadbursada iyo wixii lamida war waxa wax cuna waa koox cidwalba bayna leedahay hadaad aamin santihiin rerka madax weenuhu yahay baa wax kuqaba INI DOOXA DOOXAJOOG .
    waana aqoonsahay walalkaya , ina aderkaya xigalkaya

    madax weynaha caseyrland amuu beesha uumadax weenahay uyahay kaga kalsooni badanyahay reer faroole maxweynaha uyahay haday xaaladu xumaata oo shisheeye yimaado kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wayga kaftan ee hadeer waxar iyo waxan la aqoon hasooqorinina .
    mahadsanidin guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul rertolkey waa garabsookordhay iyo kheyr.

  4. dhiiresa

    acww abdalla waxaa tahy halyeey reer caseyr noolw oo hadaalen mare walba ka bexe jawaabta u qalanta waxaan kuu aqaan defaaca caseyr

  5. dhiiresa

    acww dhamaan besha cali saleebaan waxaa tehiin dad laga qadareyo putland mataad cadeysrn wax garadkii nelugu yaqeen wax badan ayaan dulme ku saburnay dhamaan belaha wada daga putland hal bel baa rabta in ay xaqdara baneysato marka dadka wax garadka ah waa inayan ku fiirsan in ay burburto putland walee haday seyaasada xun ka tagewayaan inay ku waa yayaan adeer iyo walaal kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. acww dhamaan.
    waxaan halkan aan aga soo mahad celinaynaa walaalka dhabta ah ee aanu wada dhalay ehelkana aanu nahay guud ahaan beesha cali saleebaan anagoo agasoo mahad celinayna baaq xaqa ah oo ay soo saareen oo ay ku taageereen walaalahood xuseen talareer iyo go aanka ay qaateen,anagoo ka rajaynayna walaalaha kale ee xaqa jecel ee aanu wada dhalanay ee reer puntland in go aankaas oo kale ay qaataan beesha aanu wada dhalanay ee cali saleebaana taa waa mid aan idiin haano oo aanu gudi doono marki waqtigeeda la gaaro mahadsanidi walaalo jira noolaada.
    abdalla.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s