Xildhibaan ka tirsan Barlamanka oo lagu jirdilay Garoonka Muqdisho

Mudane ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa galabta jirdil loogu geystay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xili uu doonayay in uu ka dhoofo garoonkaasi.

Xildhibaan Max’ed Mursal oo horay u ahaa wasiirka hantida qaranka xukuumadii Cumar C/rashiidCalisharma’arke ayaa galabta waxaa is hortaag ku sameeyay xili uu doonayay in uu ka dhoofo garoonka Muqdisho ciidamo booliska dowladda KMG Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in xildhibaanka uu isku dayay in uu ka dhoofo garoonka saacado kadib markii ciidamo kale oo ka tirsan dowladda ay u diideen gudiga doorashooyinka madaxtinimada in maanta ay ka dhoofaan garoonkaasi.

Xildhibaan Max’ed Mursal ayaa oo Caawa Shabelle la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in jildil xoogan uu u geystay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo uu tilmaamay in uu six um ula dhaqmay.

Max’ed Mursal waxa uu xusay in uusan garaneyn sababta isaga loo jirdilay, waxaana uu tilmaamay in uu safar u ahaa wadanka dibadiisa islamarkaana uu fasax ka helay gudoonka sare ee Barlamanka.

Ugu dambeyntii ayaa xildhibaanku waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda KMG in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ciidamada dowladda ay kula kacayaan masuuliyiinta kale ee dowladda KMG.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s