WAAYAHA DEPUTATI AMA XILDHIBAAN IYO DANEYSTE MAXAA KALA HEYSTA?!!

Magac kastaba ha yeeshee siyaasiga bulshada wakiilka ka ah sideebu ku yimid, sideebuuse ku howlgeli jiray wixii kacaanka ka horeeyay, Xildhibaan muxuu qaban jiray intii ay jirtay dowladdii Kacaanka, howlqabadka Xildhibaan waa maxay inta ay jireen dowladihii TFG-da oo ay ka midka tahay tan hadda jirta, iyo waxa Xildhibaan ku dambeyn doono mustaqbalka rahman.

Magacu wuxuu ahaa Deputato, xilkuna wuxuu ahaa wakilka shacbiga masala, kaalinta Deputato kusoo baxay waxaa la abuuray markii isticmaarkii Talyaanigu uu gobolada koofureed ka sameeyay maamul hoosaad dowladeed oo loogu gogolxaarayey madaxbannaanidii la qaatay sanadkii 1960-kii.

Xisbiyadii siyaasadda oo markaas jiray oo SYL ay hormoodka ka aheyd baa Deputati-yada laga soo xuli jiray, ninka Deputato loo soo dooran jiray, looma arki jirin shakhsi ku lug leh astaamaha qabiil lahaa iyo mid gobolaysiba ee waxaa lagu soo xuli jirey qodobadan:-

Daacadnimada, waddaninimada iyo kartida iyo hufnaanta uu shakhsigaasi lahaa, Deputati-ga loo bogo kartidiisa iyo hufnaantiisa, sallaanka maamulka dowladnimo buu kor u sii tafi jiray oo wuxuu noqon jiray wasiir ku xigeen, wasiir, wasiirka 1-aad, Guddoomiyaha Barlamaanka illaa Madaxweyne.

Lixdameeyadii wixii ka horeeyay Debutati-gu wuxuu danta deegaanka laga soo doortay ka hormarin jiray tan isaga u gaarka ah si uu horumar iyo barwaaqo u gaarsiiyo bulshadii soo doortay, ninka u gaatama danta uu leeyahay waa lagu ceebin jiray oo axsaabtu iyo bulshaduba way cambaareyn jirteen, Ummadduna waa ku halqabsan jirtay fadeexada shakhsigaasi la yimaado, ugu dambeyna waxaa laga xayuubin jiray maamulka uu dowlaadda u hayo.

Xaawo Wiilo Deputato-ka la oran jiray oo kasoo gashay magaalada Ceel-Buur mooyee intii Deputati noqotay dhaammaantood rag bay ahaayeen, Deputato looma soo dooran jirin qof anshax daran, nin tuug ah oo lunsaday hanti qaran, nin maangaab ah oo xilka uu xambaarsanyahay la dheeliya, nin dhaleecaysan, nin gacansaar la yeesha cadowga Ummadda iyo kan Qaranka, ninka dhulka ku jiida heybadda Qaranka iyo magaca Ummmadda, nin aan indheer-garad aheyn oo xilka la gabidhacleynaya iyo wixii la mid ah.

Haybadda uu Deputati-ga Soomaaliyeed lahaan jiray lixdamaadkii waa midda hadda ka jirta dal kasta oo ku dhaqma nidaamka dimuqraadiyadda suuban, taayadu waa dhacdo la yaab leh, intii aanu hore uga sii ruqaansan laheyn halkii aanu lixdamaadkii maraynay ayaa dib u dhac ballaaran nagu dhacay oo doorkii Xildhibaan laga sugayey baa sayladda xoolaha loo rogay, arrintaasi Ummadda ma qabataa?, Xildhibaan maxaa dhiba waa su’aale?.

Xildhibaankii Dawladdii Kacaanka:-

Magaca Xildhibaan waxaa curiyey dowladdii Kacaanka, waaxaana laga soo naqeyn jiray howlwadeenadii ka tilmaanaa maamulkii Xisbiga Hantiwadaagga Soomaaliyeed, xubnaha Xildhibaanada rag iyo dumarba way lahaayeen, waxaana lagu soo xuli jiray xiisaha Xildhibaankaasi uu u qabo haybadda Kacaanka, aragtidooda ku wajahan hantiwadaagnimada, iyo kalsoonida iyo kasnaanta ay u hayeen xubnaha Golaha sare ee Kacaanka.

Xildhibaanka Kacaanku soo xuli jiray kuma jiri qof anshax xun leh, qof Kacaandiid ah, qof gacansaar la leh ama la soo safta cadow qaran iyo mid bulsho, qof hantibursade ah, dulaal siyaasadeed, qof u codeeya qabiilnimada ama goboleysiga, qof laaluush cun lagu yaqaan, iyo qof dhulka ku jiida magaca Ummadda iyo haybadda Qaranka.

Xildhibaankii dowladdii Kacaanku wax weyn buu uga duwanaa kii dowladihii ka horeeyay Xildhibaanka Kacaanku ma laheyn cod uu u madaxbanaanyahay, lama imaan jirin fikrad uu leeyahay oo ka duwan aragtida hantiwadaagnimada, dowladda kalama doodi jirin arrin isaga la khaldan, qalinka jeebka ugu jira wuxuu ku saxiixi jiray barnaamij kasta oo dowladdu la timaado oo keliya.

Xildhibaanka maanta jira:-

Xildhibaanka waa in xisbi siyaasadeed soo doortaa, qof qabiilkiisu soo doortay ma noqon karo Xildhibaan qarameed, mana aha inuu magac bililiqo ah kusoo fariisto Golaha Shacbiga Soomaaliyeed, hadduu sidaasi sameeyana wuxuu ku xadgudbayaa rabitaanka Ummadda aan doorashadiisa u dhameyn, xildhibaanka ninka sheeganaya maanta bal dib ha u fakaro ama bulshada ha wareysto inuu yahay mas’uul matelaya Ummadda Soomaaliyeed iyo in kale.

Xildhibaannada maanta dhexfadhiya Golaha Shacbiga waxay isugu jiraan 3-qaybood:-

Haddaba su’aashu waxay tahay Xildhibaan qabiilnimo lagu soo doortay Xildhibaan qaran ma u dhigmaa?, jawaabtu waa maya, adigoo dan qabiil u fadhiya Golaha Shacbiga, ma dhici kartaa inaad dan qaran u codeyso? jawaabtuna waa maya.

Dhabnimadu waxay tahay Golihii shacbigu ma ahan Gole laga fuliyo arrimo qaran ee wuxuu ku shaqeeyaa dan iyo aragti qabiil, kuwaas oo ku saleysan astaamaha qabiilka, goboleysiga, nin jeclaysiga iyo nin necbaysiga, boobka hantida qaranka, loolanka beelaha, jillaafada siyaasadda guracan iyo jaho wareerinta siyaasadeed ee Ummadda lagu hayo.

Xildhibaanka qabiilka u codeeya waxba kama maqna oo wuxuu ku jiraa guri dugsi wacan leh, wuxuu ku jiiftaa gogol xariir ah, wuxuu barkadaa hanti boob ah, waxaana ilaaliya ciidan naftooda u hura naftiisa, haddana aan mushaar ku qaadan, cidda Xildhibaan xalaal ahu ka maqanyahay waa Ummadda Soomaaliyeed oo u baahan kalkaasha.

Unugga dowladnimadu wuxuu ku qotomaa xildhibaanka xisbiyada siyaasaddu soo doortaan, mar haddiiba xildhibaankii isu-rogay magac u yaal beelu keensatay, dhismaha dowladnimadu qabiil bay ku saleysan tahay Xildhibaanku waa xildhibaan qabiil oo beeshiisa u fadhiyo Golaha Shacbiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanku wuxuu meesha ku fadhiyaa xil beeleed, Madaxweynuhu wuxuu meesha ku fadhiyaa xil qabiil, wasiiraduna waxay hayaa xil beeleed, TFG-da qabiilka ah maxay qaran u qaban kartaa? iyadoo qabiil la yahay maxaa calan qaran loo huwanyahay?, goormaa runta la gaari doonaa?, arrintan hala faaqido oo runteeda ha laga salgaaro.

Maamulkii Baarlamaanka ee dowladiihii Rayidka sanadihii 1960-kii iyo 1969-kii:-

Doladihii rayidku xukumi jiray Deputati-yadu way doodi jireen oo arrimo maamul dowladeed ayaa la falanqeyn jiray, in badanna waa leysku khilaafi jiray, waana laga heshiin jiray marka cod nin dheeri ah loogu ansixiyo barnaamijkii kasta oo dood la geliyo.

Inkastoo arrintaasi la sharciyeeyay, hadaana waxaa jiri jirtay cid aan waafaqsaneyn dhaqan-galka barnaamijkaas, haddana go’aanka inta badan gaarto waa la xurmeyn jiray oo kuraas iyo bakoorado laguma dagaalami jirin barlamaanka Dhexdiisa.

Xildhibaano is-weerara oo ciidan hubeysan ku kala dhex jiro TFG-da ka hor nama soo marin, dhaawac dhiigbaxaya lagama qaadi jirin Barlamaanka dhexdiisa, doodo buuq iyo bulaan kicisa kama dhexdhici jirin xildhibaanada, isqoonsiga iyo xasaradaha sayladda xoolaha ka dhaca waa laga ilaalin jiray goobta fagaaraha ah ee dowladda laga hago.

Hadlka waa la teelayn jiray, nin walba waqti loo simanyahay buu qaadan jiray oo fikraddiisa ku cabbiri jiray, xildhibaanku wuxuu yiraahdana waa la diiwaangelin jiray.

Marna lagama leexan jirin asluubta fiican, anshaxa howl-qabadka Barlamaanka iyo is-xushmeynta iyo wadashaqeynta xubnaha Baarlamaanka, marna laguma xadgudbi jirin sharafta iyo karaamada Xildhibaanka, howl-wadeenada Golaha shacbiga, madaxda dowladda, shaqaalaha u xilsaaran hab-maamuuska howlaha Baarlamaanka iyo ciidanka nabadda sugaya.

Maxaa keenay dhaqan-gabka Golaha Shacbiga?:-

Maamulka hufan ee Golaha Shacbigu ku shaqeeyo wuxuu astaan caafimaad qabta u yahay maamul ku dhisan dimuqraadiyad caafimaad-qabta oo madaxda dowladdu ay tiigsaneyso daryeelidda Ummadda iyo horumarka dalka.

Maamulka Golaha shacbigu waa in aqooni hogaamisa si uu u dhiso dowlad ceebla’ oo Ummaddu tusaale u noqda, maamul Baarlamaan oo ku wajahan arrimaha aanu kor kusoo xusnay wuxuu u baahanyahay, aqoon hufan iyo waayo-aragnimo liiltiran.

Xildhibaan wuxuu u baahanyahay daacadnimo iyo isxilqaan dheeraad ah, wuxuu u baahanyahay karti iyo howlkarnimo wadaninimo ku dheehantahay, wuxuu u baahanyahay siyaasiin u dhabar-adag inay soo celiyaan rajadii Ummadda iyo haybaddii qaranka, Golaha Shacbiga ee maanta jira ma laga filayaa inuu isa soo dadbo oo uu kusoo laabto hiddihii iyo dhaqankii Gole shacbi lagu aqoon jiray?, is-bedel soo deg-dega rajo yar baa laga qabaa.!

Gardaadinta habsami u socodka Maamulka Golaha Shacbiga:-

Qof aqoon maamul Baarlamaan leh baa garqaadin kara hogaaminta Golaha Shacbiga, maamulku waa farsamo cilmi ku saleysan oo la barto ee laguma dhasho, waana wax la baran karo haddii dan la bido.

Aqoondarada lagu hogaamiyo maamul aan la aqoon loo laheyn gebi-dhaclayn badan baa ku timaada, ceeb ma aha in la barto sida Baarlamaan loo maamulo iyo sida howlihiisa loo kala socodsiiyo.

Shuruucdii Barlamaanka laga sugayey baa cakiranta, waxaa loo baahanyahay in howlqabadku bato fadhi ku dirirkuna meesha ka baxo, golaha Shacbigu waa ceel biyo leh oo bulshada laga waraabiyo ee ma ahan in xildhibaanadu keligood iska waraabiyaan, waa nasiib-daro in Golaha Shacbiga loo rogay saylad xoolaha lagu kala iibsado.

Maamulka Golaha Shacbiga waxaa dugsanaya Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ee ma aha wax ku shaqeeya rabitaan shakhsi, ama koox yar oo ku daneysata, howlaha Golaha Shacbigu fulinayo Ummadda ayaa iska leh ee ma aha wax u danaynaya shakhsi ama koox dan gaar ah wadata, sidaas darteed koox yar yeyna afduubin kula wareegin wax ka dhexeeya Ummadda Soomaaliyeed.

Qiimeynta Xildhibaanada:-

Howl-wadeenada TFG-da kama duwan kuwa kale ee u adeega dalalkooda iyo dadkoodaba, in Ummadda si fiican wax loogu, waxaa loo baahanyahay in howlwadeenka dowladda heer kastaba haku sinnaato darajada ay leeyahaye uu yahay muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa oo aan ku shaqeyn Eex, Xatooyo hanti qaran, Mardadabaanimo, Daneysi, Karti darro, Khiyaamo, Musuq-maasuq, Colaad-hurin, Maangaabnimo, Ugaarsashada iyo dilka xulka qaranka iyo wixii la mid ah.

Sidoo kale waa in dowladdu dejiso xeer-hoosaadyo dalka lagu maamulo, waa in dowladdu kala taqaan shaqaalaha dowladnimada daacadda u ah iyo kuwa dantooda u shaqeeya, sidaas darteed waa in la dhiso Guddi madax-banaan oo ku shaqo leh qiimeynta qof kasta oo dowladda u shaqeeya oo isla makaasna dabagal ku sameeya howlqabadka mas’uul walba, waxaa la ogsoonyahay inay jiraan wasiiro iyo Xildhibaano tiro badan oo ku caanbaxay xatooyo hanti qaran, xatooyada magaca iyo hantida qaranku weli waa socdaan, waana leysku wada laba gacmoodinayaa.

Waa in la baaro oo laga saalgaaro xiddignimadiisa, nusqaantiisa, ceebtiisa iyo wanaaggiisa, waa in la sugo kartidiisa iyo hufnaantiisa, waa in la sugo daacadnimadiisa iyo daacad-daradiisa, si loogu aamino ama looga kaaftoomo xilkii loo dhiibi lahaa iyo wixii la mid ah.

Guntii iyo gebagebadii marka mas’uulkaasi howlgab shaqada ka noqdo waa in qofkaas dib loo qiimeeyo oo lagu abaalmariyo kaalintii hufneyd ee uu soo qaatay, waa in la maamuuso oo la taariikheeyo kii wanaag badan xilkiisa/keeda ku gutay/ku gudatay, waana in la dhaleeceeyo qofkii u beyray dhinaca xumaanta, isla markaasna lagula xisaabtamaa wuxuu bi’iyey oo dhan, waa in la sameeyo diiwaan laga dhex-arko qof walba oo qaranka u shaqeeya, heer kastaba ha ahaadee, iyadoo loo hormarinayo kuwa hadda haya mas’uuliyadda sida Xildhibaanada, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo ku xigeenadiisa, Wasiirrada iyo ku xigeenadooda, Safiirada dowladda, Jananada ciidamada qalabka sida, Hawlwadeenada hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo wixii la mid ah, waxaana xusid mudan in dowlad aan xisaabtamin oo qofkii maamulka ku xadgudba aan Maxkamad la soo taagin ma aha dowlad laga haybeysto, cidina uma hogaasameyso awaamiirteeda.

Waxaa Qoray:- Ayuub A. Aadan

Leave a comment

Filed under MAQAALO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s