Madaxweyne Shariif oo ku baaqay in dib loo dhigo doorashada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka; isagoo ka dhageystay talo bixintooda ku aadan xaaladda uu dalka marayo ee dhinacayada arrimaha bulshada iyo dib u heshiisiinta iyo sidoo kale dhinaca amniga iyo siyaasadda.
Waxaa uu Madaxweynuhu ka dhageystay Gudiga figradaha ay ka soo jeediyeen sida dalka looga bixin karo dhibaatada jirta, loona helo xal wax looga qabto.
Waxuu Madaxweynaha la socodsiiyay xubnaha Gudiga Qaranka ee dib u heshiisiinta horumarka laga sameeyay dhinaca amaanka iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto inay gobolada dalka oo dhan ka sifeyso Al Shabaab.

Sheikh Shariif sheikh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka, waxaana uu tilmaamay in xiligaan aysan suura gal aheeyn in doorasho la qabto sidaasi daraateedna uu ku baaqayo in dib loo dhigo.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxuu u sheegay Guddiga inay ka qaataan doorkooda sidii dalka looga saari lahaa maraxaladda KMG ah, loona gudbo hanaan dowladeed oo ku yimaada doorasho guud oo dalka laga sameeyo si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo joogto noqota.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa isna hadal ka jeediyay kulanka, isagoo muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin in Gudigooda ay qeyb ka qaataan xalinta khilaafaadka Dowladda KMG dhexdeeda.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s