Maamulka Al-Shabaab ee deegaanka Lafoole oo xukunno ku fuliyay dhallinyaro lagu eedeeyay falal diinta Islaamka ka baxsan

Maamulka Xarrakada Al-shabaab deegaanka Lafoole ayaa gelinkii danbe ee shalay xukunno karbaash ah ku fuliyay lix ruux oo oo dhallinyaro ah, kuwasaoo isugu jiray rag iyo dumar la sheegay inay ku kacen falal ka baxsan diinta Islaamka.

 

Xukunkan karbaashha ah ayaa ka dhacay barxad weyn oo ku taalla deegaankaas iyadoo boqolaal qof oo ka mid ah kuwii barakacayaasha ahaa, iyadoo dadka lagu fuliyay xukunnada ay ku jireen gabar iyo wiil laga soo qabtay Baladweyne, kuwaasoo lagu eedeeyay inay masaafo galeen. 

Labadan ruux ee wiilka iyo gabadha ah ayaa lagu dhuftay min 39-karbaash iyadoo xukunkooda uu qaaliga maxkamaddii xukunka ridday sheegay inay waddo qaldan u mareen guurkooda, taasina ay keentay in la karbaasho.

Sidoo kale, saddex wiil oo dhallinyaro ah ayaa iyagana la karbaashay, iyadoo lagu kala dhuftay 25 illaa 38 karbaash, waxaana lagu eedeeyay inay taleefoonnadooda gacanta ka daawadeen filimaan anshax-darro ah, iyadoo lagu sheegay sababta xukunnadooda loo kala badiyay inay tahay hadba filimka ay fiirsadeen.
Maxakamada ayaa ugu dambeyn wiil agu magacaabo Maxamed Macallin Cali ku eedeysay inuu dadka u sheegan jiray in uu ka mid yahay garsoorayaasha Xarrakada Al-shabaab kaasoo lagu xukumay dhan inuu bixiyo lacag gaaraysa 9,000 dollar, iyadoo la sheegay inuu dadka u sheegi jiray inuu wax ka qabanayo cabashadooda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Xarrakatul Shabaab ay fuliso xukunno noocan oo kale ah ay ku fuliso dad lagu eedeeyay inay filimaan xun-xun ka daawadeen taleefoonnadooda gacanta, balse dhowr jeer oo hore ayay maxkamadda deegaanka xukunno noocan oo kale ah fulisay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s