Xildhibaano sheegay in guddiga doorashada uu u adeego shaqsiyaad

Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay guddiga doorashooyika barlamanka inay u shaqeeyaan shaqsiyaad gaar ah.

Xildhibaan C/qaadir Cismaan Cali (Shiddo) oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu eedeeyay guddiga doorashooyinka barlamanaka kuwaasi oo uu tilmaamay inay wadaan dano gaar ah.

Xildhibaan Shiddo ayaa waxaa uu sheegay in guddiga doorashooyinka barlamanka ay ku tumanayaan sharciga barlamanka islamarkaana ay wadaan qorshayaal ay ugu adeegayaan dano gaar ah sida uu hadalka u dhigay.

C/qaadir Cismaan Cali (Shiddo) ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Xildhibaano gaaraya 421-Mudane ay ansixiyeen in doorashada Madaxtinimo lasoo horumariyo gudoomiyaha barlamanka hase ahaatee waxaa uu sharci daro ku tilmaamay in guddiga doorashooyinka ay sheegaan inay soo horumarinayaan doorashada Madaxweynaha taasi oo uu tilmaamay in aan waxba ka’ogayn Mudanayaasha barlamanka Somaaliya.

Hadalkaani ayaa kusoo beegmaya xili shalay guddiga doorashooyinka barlamanka KMG Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in uu diyaariyay kararkii looga qayb gali lahaa Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s