Markab Xamuul oo ay la socdaan 24 Shiineys ah oo la afduubay

 Markab xamuul oo ay la socdeen 24-shaqaale ah oo u dhashay dalka Shiinah ayaa lagu afduubay maanta oo Khamiis ah biyaha carabta, sida lagu shaaciyay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

Markabkan oo ka diiwaan-gashanaa Panama ayaan la sheegin magaciisa, sidoo kale lama sheegin haybta kooxda afduubkiisa geysatay, waxaana dowladda Shiinaha ay sheegtay in la afduubay gallinkii dambe maanta oo Khamiis ah xilliga dalka Shiinaha.

Lama oga halka lala aaday markabka, balse waxaa la xaqiijiyay inuu gacanta u galay koox burcad ah oo ka kooban toddoba ruux, kuwaasoo ku hubeysan qoryaha fudud iyo kuwa culus.

Burcadbadeedda Soomaalida ah ayaa afduubyo u geysta maraakiibta isaga u kala socda qaaradaha Yurub, Afrika iyo Aasiya xilliga ay marayaan gacanka cadan oo ah goob aad u mashquul badan iyo meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Sida caadiga ah burcadbadeedda Soomaalida ah waxay maraakiibta iyo shaqaalaha la socda ay ku haystaan xeebaha dalkooda inta laga siinayo malaayiin Dollar oo madaxfurasho lacageed ah.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s