Burcad badeed Somali ah oo lagu xukumay 439 sano oo xarig ah

  Maxkamad ku taal dalka Spain ayaa ku xukuntay laba nin oo Somali ah oo lagu soo oogay in ay sanadkii 2009 ay markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Spain ay qafaasheen ,waxana mid kasta lagu xukumay 439 sano oo xarig ah

Xarigan dheer ayaa la sheegay inuu ku salaysan yahay iyada oo burcad badeedku ay qafaalasho u haysteen 36 shaqaale ah  ,waxaana shaqaale kasta laga xukumay 11 sano taas oo ka dhigtay 396 sanadood

Waxaa sidoo kale burcad badeedkan lagu soo eedeeyay in ay saddex denbi oo kale ah ayna ka mid ahaayeen dhac hubaysan iyo in ay ka tirsanaayeen koox dembiilayaal ah taasina waxa ay xarigii lagu xukumay ka dhigtay 439 sanadood

Maxkamada ayaa labadan nin ku kala magacawday Raage Gesey Xasan Xaji kuna dhashay Ceel Macaan sanadkii 1978 iyo Cabdi weli Cabdulahi oo ku dhashay Marka ,isaga lama sheegin waqtiga uu dhashay

Warbaahinta dalka Spain ayaa 2009 soo tebisay in markabkan laga qaatay madax furasho lagu soo daayay balse ma aysan cayimin inta ay ahayd lacagta laga qaatay

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s