Taariikh Nololeedkii milyanaarkii xambaaray qoriga Osama Bin Muhammed Al Awad Binladen

osama mohamed awad binladin oo ay carabtu u taqaan milyanaarkii qoriga xambaaray ayaa  wuxuu ku dhashay magaalada Riyad ee xarunta Boqortooyada Sacuudi Carabia sanadki 1957 waxaa dhashay hooyo Suuriyaan ah oo reer Dimishiq ah,waxaa la dhashay wiilal iyo gabdho badan cusama ayaa waxa uu ka dhashay qoys maalqabeen ah isaga oo ku soo barbaaray nolol aad u saraysa oo la mid ah kuwa boqortooyada saudi arabia .
Aabaha dhalay Usama oo la yidhaahdo Maxamed Bin Laden waxaa uu ka qeybgalay sanadi 1969 dhismihi masjidka barakeysan ee Al Aqsaa ee dalka Falastiin oo ay Yahuudu gubeen,sidoo kale wuxuu ka qeybgalay balaarinti lagu sameeyey Kacbada barakeysan.
Usama Bin Laden ayaa waxbarashdiisa ku wada qaatay magaalada Jidda,waxbarashadiisa Jaamacada wuxuu ku qaatay isla Jidda isaga oo kaga baxay Jaamacada Malik Cabdul Casiis wuxuuna ku taqasusay Cilmiga Maamulka Guud iyo Dhaqaalaha.maya

Usama ayaa dagaalki ugu horeeyey ee Jihaadka ah bilaabay sanadi 1979 markaas oo Ruushka duulaan ku qaaday dalka Afganstaan,wuxuuna ka mid ahaa dadki ka qeyb qaatay dagaalkii loogu magac daray”Gazwatu Jalalabaad” taasoo Ruushku ku qasabtay in ay dib uga gurtaan dalka Afganastaan.

 usama ayaa dib ugu soo laabtay dalka sacuudi arabia ka dib markii ruushku uu ka baxay dalka afganistan ka dib dagaalkii ciraaq ee kuwait usama ayaa u arkay qalad wayn markii ciidamada maraykanka ay ka helaan dalka sacuudi arabia saldhig ciidan oo ay uga duulaan ciraaq taas oo sababtay  in Wasaarada Arrimaha Gudaha Sacuudiga u jeedisay digniin ah in uusan sameyn karin dhaqdhaqaaq muuqda oo ka jira wadanka ama dibada Kadib marki uu xaalku xumaaday boqortooyaduna ay cagta cagta u saartay ayuu go,aansaday Cusaama in uu isaga tago dalka Sacuudiga sanadku markuu ahaa 1992-kii,markaasi kadib waxaa la xanibay hantidiisii sidoo kale Sacuudiga ayaa kala laabtay Jinsiyadiisii sanadku markuu ahaa 1994-kii.

Dib ugu laabashadi Usama ee Afganstan.

Inti uu joogay Usama wadanka Sudan waxaa dhacdooyin iyo dagaalo ay ka dhaceen dalalka Somalia iyo Yemen sidoo kale waxaa ka dhacay magaalada Riyad qarax weyn,dhamaan dhacdooyinkaasi waxaa sheegtay Sheikh Usama Bin Laden,kadib weeraradaasi waxaa cadaadis xoog leh uu koray dowlada Sudan oo loogu baaqay in ay soo gacan geliso Usama ama in ay wadanka ka saarto waana arinta ku kaliftay Usama iyo asxaabtiisa in ay dib ugu laabtaan dalka Afganstaan sanadki 1996-kii,wixi markaasi ka danbeyey Mareykanka ayaa sii xoojiyey ugaarsiga Bin Laden iyo asxaabtiisa,Al Qacidana waxay laba laabtay weerarada ka dhanka ah Mareykanka.

Mareekanka oo duqeyay Sudaan .

Diyaaradaha Mareekanka ayaa banbaanooyin ku dul daadiyay hawada dalka Suudaan sanadii 1998 waxa ayna bur buriyeen Diyaaradahaasi dhamaan warshadii Daawada u soo saari jirtay Dalka Suudaan iyo Xerooyin ay ku tababaran jireen ciidamada suudaan ,Mareekanka oo ku andacoonaya Usaama ayaan baadi goob ugu jirnaa .

Weerarkii 11 September .

Bisha September sanadii 2001 ayaa waxaa mar qora laga dareemay dalka Mareekanka qal-qalkii ugu weenaa kadib markii si xarri ah loo bur-buriyay labadiis ar ee ugu caansanaa isla markaana ugu dheeraa ee ku kala yaalay Washington iyo New York .

Qasaara Xoog badan oo lagu qiyaasay 150 Billion oo Doolar taasi oo ka dhalatay bur burkii soo gaaray labada sar ee Mataanaha ahaa ee ku baqtisay 3-kun oo ruux oo u badnaa Mareekan .

Markaa kadib maamulka Madaxweyne Bush waxa uu soo jeediyay in ay la dagaalamaan ,raadiyaan iyo in la soo qabto Sheekh Usaam Bin Laadin oo ay ku sheegeen in uu ku dhuumaaleesanayo Buuraleeda Afgaainstaan .

Ugu danbeentii Usaama waxa uu soo dityay Cajalada maqal ah oo laga siidaayay Kanaalka Afka carabiga ku baxa ee Al-Jazeera 10 September Sanadii 2002 asigoo kus heegay cajaladaasi in uu ka danbeeyay weeraradii 11 September 2001 ee gelgelay Mareekanka .

02 Bishii May 2011 oo maanta ku beegan ayaa Maraykanku xaqiijiyeen inay ku dileen Binladen meel u dhaw magaalo ku taalla duleedka caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.



eng abdalla mohamed

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s