Qarax ciidamada DKMG ah lagula eegtay Ex-koontarool Afgooye iyo iska-horimaad dhexmaray ciidamo kale

Ugu yaraan qof rayid ah ayaa ku dhintay saddex kalena oo laba ka mid ah ay askar ahaayeenna way ku dhaawcmeen bam-gacmeed lagu weeraray ciidamada DKMG ah ee ku sugan isgoyska ex-koontarool Afgooye barqonimadii maanta.

Weerarkan bambaano ayaa lala beegsaday goob ay ciidamada dowladdu lacag kaga qaadayeen gaadiidka isaga goosha deegaannada loo barakacay iyo Magaalada Muqdisho, iyadoo taliyaha ciidamada ku sugan isgoyskaasna uu sheegay inay dhowr qof u qabteen weerarkan.

“Qarax ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda KMG ah ee isgoyska ex-koontarool ku sugan, waxaana ku dhaawacmay laba askari mana jirto askar nooga dhimatay,” ayuu yiri Axmed yare oo la hadlay saxaafadda.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay dhowr qof u qabteen weerarkaas ayna baaritaanno ku wadaan, isagoo xusay inay sii-daayeen dhowr dhallinyaro ah markii lagu waayay wax dambi ah, inta ay hayaanna ruuxii aan dambi lahayn ay sii-dayn doonaan.

“Waxaan arkay maydka nin oday ah oo ay rasaasi kaga dhacday madaxa, intii ay rasaastu socotayna waxaan jiifay dhulka,” ayuu HOL u sheegay Cumar Ookiyaale oo ka mid ahaa dadkii la kulmay shaqaaqada uuna dhaawac fudud kasoo gaaray gacanta kaddib markii uu dhagax ku dhufsaday, isagoo xusay in ciidamada DKMG ah ay rasaas badan fureen qaraxa kaddib.

Dhanka kale, ciidammo kawada tirsan DKMG ah ayaa waxay rasaas xooggan isku weydaarsadeen barqonimadii maanta isgoyska Banaadir, taasoo aan geysan wax khasaar ah, waxaana is-rasaaseynta askartan ay timid markii ciidamadu ay isku khilaafeen lacago laga qaado gaadiidka dadweynaha.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s