Madaxwaynihii Ugu horeeyay oo Muslim ah oo Soo dhaweeya Dilka Usama Bin Laadan

Madaxwaynaha Dawlada Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raysan Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si wada jir ah usoo wada Dhaweeyay Dilkii loo gaystay Usama Bin Laadan oo Doraad Lagu dilay Dalka Pakistan.

Dilkaan Loo gaystay Hogaamiyaha uga Sareeya Alqaacida ee Usama Bin Laadan ayaa waxaa Fuliyay Ciidamada Sirdoonka Maraykanka ee Loo yaqaano (CIA).

Dhimashada Marxuunkaan Muslimka ahaa ee Usama Bin laadan ayaa Dawladii ugu Horaysay oo Islaam ah oo Soo dhawaysa Dilka Usama Waxay Noqotay Dawlada Soomaaliya.!!!

Madaxwaynihii ugu Horeeyay oo Muslim sheegta oo soo dhaweeyay Dilka Usama  ayaa waxuu noqday Madaxwayne Shiikh Shariif !!.

Waxaa Jira Madaxwayne yaal badan oo Ka tirsan Madaxda Africa, Madaxdaasi waxay u badan Yihiin Kuwo ayagu Gaalo ah oo Haysta Diinta Cristanka, Hase ahaatee Lama Hayo ilaa Hada Madaxwayne Soo dhaweeyay Dilka Usama Bin Laadan.

Marka Waxaa is waydiin Mudan Madaxwayne Shiikh Shariif oo isagu Sheegta Shiikh Aabihiisna Ahaa Shiikh  Maxay tahay Sababta ku kaliftay Isagoo Muslim ah inuu Soo dhaweeyo Marxuun Muslim ah oo Hadana Geeriyooday? Madaama ay Ka gaabsadeen Madaxdii iyo Madaxwaynayaashii Cristian ka ahaa ee ka kala Talinayay Qaarada Africa iyo Dunida Qaybaheeda Kala Duwan

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Madaxwaynihii Ugu horeeyay oo Muslim ah oo Soo dhaweeya Dilka Usama Bin Laadan

  1. Engineer Jammaame

    War ninkan ma matalo ummadda muslimka ah ee somalia, waa ka shakisanahay diinta uu haysto ninkan shariif ee ku magacaawann madax weynaha somaia.
    Sh Usama Wuu shahiiday Ilaahay ha u aqbalo shahaadadiisa lkn rag ayaa ku ceeboobay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s