Boosaaso:Faroole oo Ka Noqday Wareegtadii uu Shalay Ku Amray in Lasoo Xiro Doonyaha iyo Laashashka u Socdaala Kana Yimaada Gobolka Boolimoog Ee Raascasayr state

Wararka naga soo gaaraya magaalada boosaaso ayaa sheegaya in madaxwaynaha puntland dr faroole uu ka noqday wareegtadii lagu amray in lasoo xiro doonyaha iyo laashashka u socdaala degmada caluula iyo nawaaxigeeda  iyo kuwa ka imanaya dhamaantood.

Qaar ka tirsan xukuumada puntland iyo ganacsato reer puntland ah ayaa u sheegay madaxwaynaha in arintan aysan dan u ahayn puntland iyo reer raascasayr ba”Sababtoo ah hadii laga mamnuuco reer raascasayr state in ay ay isticmaalaan dekada magaalada boosaaso lana xiro doonyaha ka imanaya caluula iyo kuwa aadaya,waxay sababaysaa in dadkaasu ay xiraan marinka raascasayr state kaas oo ay isticmaalaan maraakiibta iyo doonyaha u soo socda dekada magaalada boosaaso,intaas waxaa sii dheer dadkan waxay haystaan laba badood badda cas iyo badda india wayna ka maarmaan dekada boosaaso ayuu yiri mid ka mid ahaa ganacsatada.

Waxaa kaloo iyagana meesha ka hadlay qaar ka tirsan xukuumada puntland ku waas oo sheegay hadii go,aanka lagu dhaqaaqo uu abuuri karo marxalad kale kaasoo ah in puntland oo dhan la saaro cunaqabatayn waa sida ay hadalka u dhigeene.

Ugu danbayntii faroole wuxuu ka noqday wareegtadii uu shalay ku amray in lasoo xiro doonyaha u socdaala caluula iyo kuwa ka yimaada.

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Boosaaso:Faroole oo Ka Noqday Wareegtadii uu Shalay Ku Amray in Lasoo Xiro Doonyaha iyo Laashashka u Socdaala Kana Yimaada Gobolka Boolimoog Ee Raascasayr state

  1. acww dhamaan.
    waxaan halakan tahniad balaaran ugu soo gudbinayaa shacabkayga ras caser oo aan ka dhashay iyo dhamaan shacabka walaalahala layahay ee aanu jaarka nahay, guusha u soo hoyatay ee uu kaga noqday goaanka fooshaxun ee uu sida fudud u qaatay in uu ku cuna qabateeyo reer ras caseyr ,(ha qoden ku dhici doontaana mooyee ),ma uusan ka fikirin waxarka puntaland iskusheegta in ay ka taliso ma uu ogsoona khayaanada iyo naceebaka iyo xaasidnimada, xadkeeda dhaaftay oo qolbigiisa ka buuxda oo uu uqabo dadkeena iyo dalkeenaba in ay daano iyo khasaaro xoogleh ay soo gaarsiinkarto halka uu leeyahay waan kataliyaa iyo shucuubta aan wada dhalanay ee reer puntland ee aanu jecelahay oo ay cadaawada naga dhaxeen.
    lugooyada iyo dibindaabyada aad u soo tafa xeedatay waa mid adiga ku gu soolaabanaysa ee ogoow,waxaana aan kugu sifeeynayaa ninyahow in aad tahay matashade,ma fakare,ma guulayste ,dufkubaxah.
    reer ras caseyr markay arkeen dhaqankaadu sida uu yahay way tashadeen,ilaah mooyee cid wax ka buli kartaa baa ba yar oo waakaa ay guulaha guulba guul ugu soo darsamayso waana guul ay la wadaagi doonaan walaalahoo reer puntland ee jecel.
    shacabka iyo jamaahiirta ras caseyr ha noolaadaan ,inta nolosheena jecelna ha noolaadaan.
    mahadsanidin.
    abdalla.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s