Dagaal qasaaro badan gaystay oo wali ka socda Garbahaareey

Dagaal culus oo gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac  ayaa Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab waxaa uu ku dhexmarayaa Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.

In ka badan 10-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay ku dhawaad 20-kalana way ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo ka socda degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.

Dagaalka oo ay barbar socdaan Madaafiic iyo rasaas xooggan ayaa la tilmaamay in uu xooggiisa ka socdo xaafado ku yaalla degmada Garbahaareey , iyadoo ilaa iyo iminka aan jirin wax war ah oo kasoo baxay  Ciidamada Xarakada Al Shabaab oo iyagu dagaalkaasi qaaday.

Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee dagaalka hoggaaminaya oo isagoo ku sugan xaafo ka mid ah degmada Garbahaareey la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in 11-mar ciidamada Al Shabab ay isku dayeen inay gudaha degmada u soo galaan hase ahaatee ay iska difaaceen sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ee ku sugan degmadaasi ay sheegeen in dagaalkii maanta ay ku difaaceen gacanta ku haynta Magaalada Garbahaareey ayaa hadana ilo madax banaan waxaa ay xaqiijinayaan in Xaafado ka mid ah degmada Garbahareey ay gacanta ku dhigeen Xarakada Al Shabaab.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s