Boosaaso:Faroole oo Amray in Lasoo xiro Doonyaha iyo Laashashka u Socdaala Degmada Caluula.

Wararka naga soo gaaraya degmada boosaaso ayaa sheegaya in madaxwaynaha puntland  faroole uu mamnuucey duunyihii iyo laashashkii aadi jirey Gobolka boolimoog gaar ahaan degmada caluula ee gobolka raascasayr state.

Faroole ayaa ciidamada dekada iyo xeebaha puntland ku amray in ay soo qabtaan dooontii iyo laashkii usocota degmada caluula.

arintan ayaa imanaysaa ka dib markii 2 isbuuc ka hor lagu dhawaaqay maamul ay sameysteen dadka degaanka raascasayr state,maamulkaas oo ka madax banaan doona puntland.

Arintan waxay ka qayb ka tahay caburinta iyo cadaadiska lagu hayo shacabka reer raascasayr state.

allcaseyr.net

4 Comments

Filed under NEWS

4 responses to “Boosaaso:Faroole oo Amray in Lasoo xiro Doonyaha iyo Laashashka u Socdaala Degmada Caluula.

  1. Casayrlander

    Ninka sheegtay Puntlander cunug yar oo aan taariikhda waxba ka aqoon baa tahay markaad leedahay Siwaaqroon boor soo kicisa taariikhda laguma arag waa ayaan darro ku heysatta iyo jaahilnimo aan taariikhda wax ba ka aqoon baa tahay ma ogtahay siwaaqroon inee yihiin reerka kaliya ee soomaalida kale tusay in laladiriri karo gumeystahay, Mase ogtahay Janeralkii ugu horreeyey ee gumaystaha ninkii dilay inuu ahaa Cumar Samatar mase ogtahay markii sayidku ku soo duulay Nugaal ninkii kuu aaray markuu ku laayey sayidka inuu ahaa Cumar samatar wacdarihii uuka Dhigay Bankii Qorraxey , Dagaalkii San ku neefle iyo Siwaaqroon halkee ku iloowday isagana………….
    Ninka sheegtay Puntlander Taariikhda siwaaqroon uu leeyahay Aabahaa waxba haka waydiin ee awoowayaaasha haddee noolyihiin waydii illeen aabahaa hadduu wax kuu sheegi lahaa kuna bari lahaa taariikhda soomaaliya sidan uma hadasheen waxay caddeenaysaa inaa isku mid ka tihiin taariikhda reerka aa sheegayso ee awoowahaa waydii laga yaabee inuu ka mid ahaa Ciidamadii aanu horkaci jirnay hadduuba noolyahay…….

  2. waa nasiib daro in baanta war caynkaas ah aad faafisaan war faroole muxuu uga baahanyahy dhulkaas oo aan ka ahay minimada bulshada puntland wali siwaaqroon boor soo kicisa taariikhda laguma arag

  3. Abdi Libaax

    ASC Dhmaan
    Faroole waxa ay awoodiisa noqotay in hanti guud oo shacabka Somaliyeed leeyayah uuna ka tagay marxuum Maxamed Siyaad Bare inuu shacabkii Somaliyeed uu yiraahdo ma isticmaali karaan,yaa u sheega in taasi ay dan u tahay reer Raas Casayr waayo waxa ay dhaxal siin inay isku tashtaan ooy isku filaadaan. Faleenkaad keeni jirteen Bosaso ku kala nadiifsada wadankiini oo u abuura shaqo dadkiina,weligeedna suuq waxa u ahaa Carabaha ee u dira dibadaha .
    Walee Faroolow hadii la guu fariista marinka Raas Casayr waxaad waaye canshuurtuu jeebka aad ku shuban jiray ama lacagtaad Xamar madaxweyne kaga noqon lahayd,ileen reer Puntlan dan uma haysidee.
    Laakiin marna naf ma bideeyno inaanu shacabka walaalaheen ah ee reer Puntland aanu carqaladeeno kala soctka ganacsigooda.
    Ma aqaan waxa uu ka faaiidayo in ummad u dhalatay ciida inuu cunaqabateeyo una ogalaado reer Somaliland inay dekeda Bosaso isticmaalaan xitaa markay dagaalka Sool kula jireen.
    Weligee waa maqli jiray reer libaaxeeye markay tolkood tagto,shisheeyahan gorgorada u xirta markay mutaan.
    Faroole adaa faraha ka guban doono maraan fogeen.
    “what goes around comes around”

  4. acww dhamaan.
    arintaa waxay tahay cunaqabateen uu si rasmi ah haatan uu ugu dhawaaqay waxmatare miskiin fadhiid foolxumefrole,ma uu ogyahayse in aanu leenahay oo caalimka noo furanyahay oo badda indiya iyo badda casba aan sidi aan doono u isticmaali karo,una isticmaali jiray asagoon dhalan,ma ogyahayse in aan isaga qudhiisa aan cunaqabateen ku soo roge karro oo aan xiri karno wixii u socda oo xeebaheena soo mara ,fadhiidka wixi uuahaaba oo qarsanayay ayuu cadaystay, waxarta kuu digtay kuma dilin ,waxaan kula talinaynaa in ay ka tabaabusheestaan ku xirnaashaha boosaaso iyo wixi agaiman jiray dhankaa oo ay u badashaan dhanka somaliland,jabuuti,ereteriya yemen,dowladaha gacanka carbeed, iyo caalamka kale oo aad si degdeg ah cilaaqaat wanaagsan la samaysataan jihaadkaas, gabi ahaana aad xirtaan si dhab ah xuduudaha pintland bad iyo biri inta ay kala wadaagaan ras caseyr state,isuna diyaarisaan talaaba kasta oouu damco in uu ku carqalladeeyo jiritaankaiyo rabitaanka shacbka xorta ah iyo dowladda xorta ah ee ras caseyr state.
    (somalidu waxay ku maahmaahdaa waxarta kuu digtay kuma dilin.)
    hana ilaawin nadariyadda cilmiga ah ee oranaysa
    (kuluficil radda ficluh musaawin lahu filmiqdaar wa mulaadun lahu fil itijaah)
    hanoolaado shacabkeena ras caseyr hanoo laato dowladdeena ras caseyr state.
    abdalla.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s