Qadaafii Wiilkiisi oo Ay Dileen Ciidamada Nato

Dowlada Liibiya ayaa shaaca ka qaaday in la dilay wiilkii ugu yaraa Col.Qadaafi in lagu dilay weerar duqeyn ah oo lagu qaaday gurigii uu degenaa wiilkaasi iyo qoyskiisa.

Waxaa la sheegay in Col.Mucamar Qadaafi uu ku sugnaa gurriga wiilka uu dhalay oo lagu magacaabo Sayful Al Carab ayadoo sidoo kale halkaasi ku sugnaayeen xubno kale oo ka tirsan Qoyska Qadaafi.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay inuu ku dhintay Sayful Carab iyo sadex caruur ah oo uu dhalay, sida ay dowlada Liibiya Xaqiijisay.

Col.Qadaafi ayaa la sheegay in markii labaad uu ka badbaaday weerar lagu doonayey in lagu khaarajiyo ayadoo maalin kahor ay NATO u duqeysay guri ku dhaw telefishonka Dowlada Liibiya, xili uu halkaasi ka khudbeenayey Madaxweynaha Liibiya Col.Qadaafi.

NATO ayaa dhankeeda sheegtay inaysan duqeyn goob shacab balse ay duqeysay xarun talis oo laga hago ciidamada Qadaafi, balse guriga la duqeeyey oo lagu magacaabo Al Curuba ayaa kamid ah guryaha ay degen yihiin qoyska reer Qadaafi

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s