Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo ka dhacay Gaalkacyo

Howgallo lagu soo qab qabtay dad lala xiriirinayo falal amni dari iyo gadiid ku xiran Bensol ah ayaa Ciidamada Puntland waxaa ay ka sameeyeen Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Howgalkaani oo ay maanta Ciidamada Maamulka Puntland ka sameeyeen Xaaxafadaha Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen dadka ay ku tilmaameen inay falal amaan dari ah ka wadeen gudaha Magaalada Gaalkacyo iyo gawaari farabadan oo ku dadnaa Muraayadaha Bensolka ah.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Gashaanle dhexe C/rashiid Cadaay oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlayay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen dad lala xriirinayo inay ka damebeeyaan falalka amaan dari ee kusoo kordhay Magaaladaasi hase ahaatee uusan carabaabin tirada dadka lagu soo qab qabtay howlgalkaasi.

Taliyaha ayaa mar wax la waydiiyay qaabka loo sugi karro amaanka Magaaladaasi waxaa uu sheegay intaasi ay ku xiran tahay inay wada shaqayn ay dhexmarto laamaha amaanka iyo dadka shacabka ah ee ku nool Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Ugu dambeyn ayaa taliyaha ugu baaqay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanada Puntland inay ka amar qaataan Ciidamada amaanka islamarkaana ay lasoo socod siiyaan dadka  falalka amaan darida ah ka wada gobolkaasi.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s